Labada Taliye Ciidan Oo Kooxda Gaashaan Gudonsiiyay Koobkii TELESOM Qabatay

1
1171

 

ciyaarahaHargeysa (Geeska) Taliyaha ciidanka qaranka iyo taliyaha booliska Somaliland Md. Nuux Ismaaciil Taani iyo Maxamed Saqadhi Dubad ayaa ka  qayb galay xaflad ay soo qaban qaabiyeen xidhiidhka kubada cagta ee Somaliland, kaas oo lagu soo af jaray tartankii kubada cagta ee heerka koowaad ee ay maal galisay shirkada isgaadhsiinta ee Telesom, taas oo ka dhacday Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale masuuliyiinta kale ee ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa wasiirka ciyaaraha, wasiirka duulista iyo hawada, badhasaabka maroodijeex, gudoomiyaha hay’adda Odha, masuuliyiin sare oo ka tirsan shirkada Telesom, marti sharaf iyo qaar ka mida ciyaartoyga kubada cagta ee magaalada Hargeysa.

Tartanka la soo xidhay waxaa maal galisay shirkada isgaadhsiinta ee Telesom. Waxaa halkaas ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Axmed Maxamuud Sheekh oo sheegay inay uga mahad naqayaan shirkada Telesom maal gelinta koobka heerka koowaad ee dalka, waxaanu kula dar daarmay inay halkaas ka sii wadaan wada shaqaynta iyo xidhiidhka ay la leeyihiin wasaaradda ciyaaraha ee Somaliland. Mar uu ka hadlaayey tartanka soo dhamaaday waxa uu yidhi “Waxaa inoo soo dhamaaday tartankii kubada cagta ee Telesom ee socday mudada 18 maalmood ah, waxaanu ka korodhsanay khibrad balaadhan, waxaanan u mahad naqaynaa shirkada Telesom oo runtii door muhiima ka ciyaartay hir gelinta tartankaas. Insha allah Ramadaanta waxaanu ku talo jirnaa in aanu qabano mid kale”

Waxaa isna halkaas ka hadlay madaxa xidhiidhka dadweynaha TELESOM Cabdisalaam Ismaaciil Nuur, waxaanu ka dhawaajiyey in tartanka dhamaaday aanu ahayn kii koowaad ee ay Telesom qabato, hase ahaatee wuxuu intaas ku daray in shirkad ahaan ay u soo jeedaan adeegyada kala duwan ee ay bulshada Somaliland u qabanayaan mar kasta iyo meel kasta. Waxaanu sheegay inay dhalinyarada Somaliland ugu tala galeen qorshe cusub oo u sahlaya kaabayaasha waxbarasho, isaga oo sheegay in adeega 3G uu yahay mid ardaydii u sahlaya waxbarasho toos ah. Isaga oo arrimahaas ka hadlayna waxa uu yidhi “Runtii maaha koobkii ugu horeeyey ee ay shirkada Telesom qabato. Dhalinyarada kalama shaqayno oo kaliya dhanka ciyaaraha ee waxa kale oo aanu kala shaqaynaa waxbarashada. Waxaad la socotaan carwadii aanu dhawaan ku soo bandhignay adeega 3G, kaas oo ardayda waxbarata u fududaynaya inay laptop-kooda ama mobile-kooda gacanta kala socon karaan duruustii ay baranaayaan. Insha allah koobab kalana waanu qaban doonaa.”

Cabdisalaam wuxuu ammaan u soo jeediyay martidii xafladda ka qayb gashay oo ay ku jireen labada taliye ciidan iyo masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyaradu.

Dhinaca kale waxaa isna halkaas ka hadlay taliyaha ciidanka booliska Somaliland Gen Maxamed Saqadhi Dubad oo ka sheekeeyey marxaladihii ay soo mareen ciyaaraha booliska xiligii xoriyada la helay kadib, waxaanu sheegay in kooxda ka socota booliska faataxada laga mari jiray xiliga lagu jiro is reeb reerbka kooxaha ka qayb galayaa tartanka qaranka. Taliyaha ayaa wasaaradda u soo jeediyey in xeer laga soo saaro ciyaartoyga la dagaalama garsoorayaasha u dhexda ah xiliyada lagu jiro garoomada.

Ugu danbayntii wasiirka ciyaaraha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha ayaa mahad balaadhan u soo jeediyey shirkada isgaadhisnta ee Telesom, iyaga oo ku amaanay xidhiidhka wanaagsan ee shirkad ahaan iyo wasaaradd ahaan ka dhexeeya iyo sidoo kale ka wada shaqaynta hawlaha ciyaaraha qaranka Somaliland. Waxaanu wasiirku koobkii heerka koowaad gudoonsiiyey kooxda Gaashaan, halka uu gool dhalinta iyo ciyaar wanaaga gudoonsiiyey kooxda Goodir ee kaalinta labaad gashay.

Comments are closed.