Labada Rah Ka Weyn Cun: Talooyin Kaa Caawinaya In Aad Shaqada Kuu Taal Waqti Gaaban Ku Dhammaysato (3)

52
4259

 

Hargeysa (Geeska)- Qoraagaa iyo dhiirrigeliyaha horumarinta nafta ee Brian Tracy, Buuggiisa ‘Eat that Frog’ (Rahaas cun) oo ka mid ahaa buugaagtii waqtigiisii loogu iibsiga badnaa, waxa uu ku soo bandhigay habab aad u heersarreeya oo lagaga hortegi karo cagajiidka iyo culayska marar qofku dareemo ee shaqada dib dhiga. Geeska Afrika waxa uu soo turjumay talooyinka muhiimka ah ee uu Tracy ku qoray, oo uu mid kasta ku bilaabay erey kooban oo maskaxdu qabsan karto:

  1. Bilowga hortii si fiican u diyaargarow: Ku dadaal in hawl kasta inta aanad bilaabin ka hor, aad si fiican u diyaargarowdo. Weligaa ha bilaabin shaqo ha ku gelin si aan qorshe iyo diyaargarow lahayn. Diyaargarowga fiicani waxa uu dammaanad u yahay dhammaystirka ugu fiican ee shaqada iyo in laga gaadho natiijo wax-ku-ool ah.
  2. Waajibkaaga gudo:

Waajibka halkan waxaa looga jeedaa in aad barato wax kasta oo shaqadaada ku cusub, ama ku soo kordha hadba arrimaha iyo hawlaha aad jeceshay in aad ku xeeldheeraato. Ku dadaal in aad adigu wax isbarto. Hubka ugu fiican ee arrintan aad u adeegsan kartaa waa wax-akhris joogto ah iyo in aad raadraadiso wax kasta oo cusub, kana feejignaato in ay ku dhaafaan aqoonta iyo waayo-aragnimada hadba ku soo kordha shaqadaada.

  1. Xooji xirfaddaada gaarka ah: Mar kasta naftaada ka warayso, hawsha ay is leedahay si xirfad iyo kartiyi ku jirto ayaa ay u qaban kartaa. Is weydii, awoodahaaga gaarka ah. Ogow waxa aad dadka kale dheer tahay. Su’aalaha noocan ahi waxa ay kor u qaadayaan kalsoonida aad naftaada ku qabto, waxa aanay ku barayaan waxa aad dadka kale dheer tahay ee aad tahay in aad ka faa’iidayso.
  2. Sunto caqabadaha ku horyaalla: Hawl kasta oo aad qabanayso, inta aanad bilaabin waa in aad xadiddo caqabadaha kaa hor iman kara. Baro taakooyinka horyaalla horumarka aad doonayso. Ha ku dagmin in aad caqabadaha qaar yaraysato, iyada oo naftaadu ku siinayso kalsooni ah in aad si sahal ah uga gudbi karto.

Waxaa muhiim ah in aad barato caqabadahaas. Kaddib bilowg in aad si xeeldheer uga fikirto sida aad uga takhalusi karto, midiba ta ay ka soo horreyso. Waa hab aad uga fiican habka ah in aad hawsha gasho adiga oo aan ogeyn caqabadaha kaa hor iman kara, kaddibna hadba ta kaa hor timaadda uun arka, ta xigtana suga. Taasi waxa ay keeni kartaa niyadjab iyo in hadba caqabad aanad sii ogeyni waqti kaa lumiso.

  1. Tallaabo-Tallaabo: Ku dhaqan siyaasadda ah, tallaabo tallaabo in aad hawlahaaga u qaaddo. Weligaa ha ku degdegin in aad natiijada gaadho adiga oo aan hawshaba bislayn. Dooro bartilmaameed sugan, qor tallaabooyinka is xiga ee ay tahay in aad qaaddo si aad u gaadho bartilmaameedkaas, kaddib bilow tallaabo tallaabo in aad u gasho hawsha kaa xigta gaadhista natiijada aad hiigsanayso. Waxaa hubaal ah in haddi iaad habkan raacdo aad arki doonto natiijo aad kaaga farxisa.
  2. In yar naftaada cadaadis saar: Waa in aad samaysato hab aad adigu isku waajibisay oo aad naftaada cadaadis ku saarayso. Waxaa ka mid ah in aad ku dadaasho in hawl kasta oo aad qabanayso aad u yeesho ballan kama dambays ah oo aad hawl kasta ku qabanayso iyo waqtiga aad dooanyso in aanay kula dhaafin gaadhista hawshaas (Deadline) iyo jadwal hawleed nidaamsan oo aad u marayso hawshaas. Waa in aad nafta ku riixdo joogtaynta hawshaas iyo in aanad ka caajisin.
  3. Laban-laab awooddaada shakhsiga ah: Baro heerka heerka tamartaada iyo awoodda kugu jirtaa inta ay le’eg tahay, sida awoodda aad u leedahay gudashada waajibaadka kuu yaalla. Baro awoodda aad u leedahay jimicsiga, wax-akhriska, iyo waqtiyada ugu fiican ee aad leedahay firfircoonida ugu fiican ee aad waajibaadkaaga ku qabsan karto. Kaddib bilow in aad ku dadaasho sida ugu habboon ee waqtiyada kalana aad ku kordhin karto awoodahaaga, iyo tamarta kugu jirta.

Hababka ugu habboon ee aad awoodahaaga shakhsiga ah ku kordhin karto waxaa ka mid ah, in aad cunto caafimaad qabta si caafimaadka ku habboon u cunto, jimicsi joogto ah in aad samayso, in saacado hurdo oo kugu filan aad hesho iwm.

  1. Naftaada dhiirrigeli: Joogtaynta kutub akhrisku, waxa ay maskaxda siisaa awood iyo habfikir tolmoon oo ay kaga gudbi karto dhibaatooyinka soo waajaha, waxa kale oo ay qofka gelisaa dhiirrigelin uu ugu dul yeelan karo culayska ay leeyihiin gudashada hawlaha ka sokeeyaa. Dhegeysiga muxaadarooyinka ka warramaya horumarinta nafta, ka qaybgalka duruusta iyo tababarrada dhisidda shakhsiyadda iyo horumarinta nafta, iyo la macaamilka dadka raadka togan iyo aqoonta ku reebaya maskaxdaadu intuba waxa ay ka mid yihiin siyaabaha aad naftaada u dhiirrigelin karto. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here