Labada Garab Ee Golaha Wakiilada Oo Iska Soo Xulay 14 Xildhibaan Oo Maanta Bilaabaya Wada Hadalka Xalka Loogu Raadinayo Khilaafkooda

0
982

Picture5Hargeysa(Geeska)-Afar iyo toban xildhibaan (14) oo ka kala socda labada garab ee uu golaha wakiiladu u kala qaybsamay ayaa maanta yeelanaya kulankoodii u horeeyay.

Labada garab ayaa laga soo xulay min toddoba xubnood, kuwaas oo loogu tallo galay inay soo gunaanadaan khilaafaadka ragaadiyay golaha wakiilada ee ka dhashay xeer hoosaadkii wax ka bedelka lagu sameeyay oo ay goluhu aqlabiyad ku ansixiyeen, waxaana xubnahan laga sugayaa inay mudada toddobaadkan ah ee la siiyay ay go’aan ay heshiis ku yihiin kula soo noqdaan labada garab ee ay kala matalayaan.

Xubnahan oo ay ka dhex muuqdaan raggii sida weyn iskaga soo horjeeday doodaha golaha wakiilada ee xaasaasiyada abuuray ayaa waxa ay kala yihiin

Dhinaca guddoomiye Cirro

1-    Xil Ibraahim Mahdi Buubaa,
2-    Xil Maxamed Saalax Cige,
3-    Xil Saleebaan Cali Koore,
4-    Xil Maxamed Cali Xirsi
5-    Xil Ibraahim Jaamac Cali "Rayte"

6-    Xil C/qaadir Jibriil Tukaale,

7-    Xil Siciid Cilmi Rooble.

Dhinaca kale
1-    Xil Saleebaan Cawed Cali "Bukhaari",

2-    Xil , C/raxmaan Cismaan Caalin, " C/raxmaan Dheere,
3-    Xil C/raxmaan Maxamed Jaamac "Loyar",

4-    Xil Maxamuud Obsiiye,

5-    Xil Ibraahim Caraale Cabdi "

Ruush",

6-    Xil Axmed Cabdi Kijaandhe,
7-    Cali Axmed Diiriye "Cali Gebiley"

Xildhibaanada ayaa kulankooda u horeeyay waxay maanta ku yeelanayaan xarunta golaha wakiilada, waxaanay shacabku isha ku hayaan natiijada ka soo bixi doonta kulamada maanta bilaabmaya.