“Laba Xisbi [KULMIYE Iyo UCID] Haddii Ay Go’aansadaan In Ay Ka Tashadaan 50% Dadka Waxa Iman Doonta In La Kala Tashado”

0
1195

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo magaalada Nayroobi waraysi ku siiyay laafta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in xisbigiisu taaggan yahay mawqifkiisa ah in Komishanka la kala diro laakiin, uu diyaar u yahay doorashada xilli kasta oo la qaban karo sidaasna uu u sheegay safiirrada Beesha Caalamka ee uu kula kulmay Nairobi.

Waxa uu sheegay in xisbigiisu horraantii 2018 madaxweynaha u gudbiyay mawqifkooda ku aaddan in Komishanka la kala diro balse aanay ka hayn jawaab qancisa waxaanu sheegay in sharcigu yahay in haddii Komishanka xisbi ka cawdo madaxweynuhu guddi u saaro taasna aanu madaxweynuhu samayn.

Cabdiraxmaanr Cirro ayaa la waydiiyay sida uu u arko in KULMIYE iyo UCID isku raaceen in Komishanka laba xubnood lagu daro waxaanu ku jawaabay “Horta wax la soo bandhigay ma jiro oo ah in waxna lagu daro waxna laga tago meesha lama soo bandhigin mana jirto. Anagu waxaanu soo bandhignay in Komishanka la kala diro iyo tiradiisa wax laga qabto oo tiro loo siman yahay asxaabtu yeelato laakiin, xisbiga Kulmiye labadiiba waa diiday komishanka in la kala diro wuu diiday tiradiisa in wax laga bedelana wuu diiday sidaas ayuuna ku raacay xisbiga UCID.”

Cabdiraxmaan Cirro oo sii hadlaya ayaa yidhi “Dee sidaad ka war qabtaana waxay ku dhawaaqeen (UCID iyo KULMIYE) in ay doorasho laba xisbi ah qabanayaan. Horta Somaliland talo wadaag ayaa lagu waday waxaan u arka ayaan darro in ay tahay in ay laba xisbi yidhaahdan anaga doorasho qabsanayna, arrintaasi waxay dhaawac weyn ku keeni doonta midnimada iyo wada jirka shacbiga, waxay dhaawac weyn ku keeni doonta xasilloonida iyo nabadgalyada dalka, waxay taasi muujinaysa in Somaliland u socoto xaggii kalitalisnimada. Laba xisbi haddii ay go’aansadaan in ay ka tashadaan 50% dadka waxaa iman doonta in la kala tashado xisbiga WADDANI-na noqon maayo daawado kaligii in laba xisbi ay dalka doorasho ka qabsadaan.”

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in aanay ahayn markii u horaysay ee xisbi dalbado in Komishanka la bedelo laakiin, la helayo qoraal Madaxweyne Biixi ku dalbaday in Komishanka la bedelo oo Md Daahir Rayaale ka aqbalay “ Maaha markii u horaysay ee xisbi dalbado in Komishanka la bedelo ee waxaad helaysa haddii aad Google-garayso waraaq uu qoray Madaxweyne Biixi markii uu guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE ahaa 2, August, 2009 oo ay kalsoonidii kagala noqdeen Komishankii xilligaa jiray madaxweyne Rayaale wuu aqbalay si dalka doorasho uga dhacdo 2010-kii, marka markii u horaysay ee xisbi ka dacwoodo Komishanka maaha oo arrin ugub ah maaha arrintani,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha WADDANI waxa uu sheegay in ay tahay in aan la kala qaadin doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka “Anagu waxaanu xal u aragna in sidii horeba u dhacday 2009-kii Komishanka la bedelo Doorashadana wakhtigeeda(2019) la qabto labada doorashana aan la kala reebin doorashada goleyaasha degaanka iyo Wakiillada oo hadda sida muuqata ay xukumaddu qorshaynayso in ay degaanka ka reebto golaha wakiillada.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here