Laba Xildhibaan Oo Guul Ku Tilmaamay Socdaalka Wasiirka Caafimaadka Ee Buuhoodle

0
653

Picture6Hargeysa(Geeska)-Labada xildhibaan ee kala ah xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi iyo xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Saleban Ciise Xaglatoosiye, oo ay ku bogaadiyeen safaradii uu dhawaan ku tagay Buhodle, kaas oo ay sheegeen inuu kaga dhabeeyay hirgelinta heshiiskii ay wada galeen Dawladda Somaliland.

Labada xildhibaan, ayaa warsaxaafadeed ay shalay magaalada Hargeysa ka soo saareen, waxa sidoo kale ay bogaadiyeen xukuumadda Somaliland. Warsaxaafadeedka oo dhammaystiran ayaa u qornaa sidan: “Ugu horrayn mahad dhammaanteed Eebaa leh.  Annagoo ah labada xildhibaan ee hoos ku saxiixan waxaanu halkan hambalyo iyo mahadnaq uga soo jeedinaynaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka JSL Mudane  Dr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar [Xaglatoosiye]oo qaaday tallaabo geesinimo oo uu dhankiisa kaga dhabeeyey ujaanqaadka heshiiskii ay wada galeen isaga oo ka wakiil ah bulshoweynta SSC iyo Xukuumadda JSL.  Mudane Dr. Saleebaan Xaglatoosiye wuxuu dadweynaha Somaliland iyo Qarankaba u muujiyey sida aanu deyr ugu oodnayn in dalka la isu furo, maamulka la fidiyo  ummaddana la walaaleeyo.  Dhaqaaqiisani wuxuu astaan u yahay haddii la helo siyaasiyiin dhab ahaan ka daacad ah dib u heshiisiinta iyo maamul-fidinta inay suuragal tahay in qarankeenu si buuxda u wada hanto xuduudihii dalka iyadoon la gelin, ama la koobay, khasaaraha dhici kara.  Waxaa taariikhda gashay inay tahay markii ugu horreysey ee wasiir u dhashay degaankaasi dib ugu soo noqdo si uu ugu yagleelo waxqabad toos ah oo kor loogu qaadayo adeegyada bulshada ee degaanka Buuhoodle.  Mudane Saleebaan Xaglotoosiye waxaanu leenahay waanu kugu garab taaganahay wax qabadkaas iyo geesinidaas waxaanuna kuu ballanqaadaynaa inaanu kugu taageerno tallaabadaa aad qaaday.  Dhanka kale, Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud iyo Xukuumadda waxaanu leenahay, inkastoo ay tahay waajibaad qaran iyo ballanqaadkii  xilligii doorashada oo aad oofiseen haddana waa daw inaanu, xildhibaano ahaan, idiinku mahadnaqno tillaabooyinbkii is xigxigey ee aad qaadeen ee ay ka mid ahaayeen heshiisyadii iyo soo xerogelintii aad u samayseen Garaad Cabdillaahi Maxamed Guuleed oo horkacayey cuqaashiisii, siyaasiyiintiisii, ciidan-beeleedkiisii iyo guud ahaan beeshiisii;  iyo tii ugu dambeysey oo ahayd soo dhoweyntii Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo beeshiisa oo hore isagu uga tirsanaa madaxdhaqameedka Khaatumo.  Waa tallaabooyin galay buugga dahabka ah ee ay ku qormaan dib u heshiisiinta iyo nabadaynta ummaddeenu.  Waana hal abid loo xusuusnaan doono laguna xusi doono Madaxweyne Siilaanyo.  Waxaanu Xukuumadda ku boorineynaa inay joogteyso la shaqaynta iyo taageerista dhaqdhaqaaqyada degaanadaasi ka curtay oo uu ugu horreeyo kan uu hadda wada Mudane Dr. Xaglotoosiye.  Shacabka Somaliland meeluu joogoba waxaanu ku boorineynaa inay taageero af iyo addinba ah isla garabtaagaan Mudane Dr. Xaglotoosiye.  Siyaasiyiinta beesha SOOlna waxaanu ugu baaqaynaa inay wadadaas uu jeexay Wasiirka Caafimaadku ku garab galaan cod, ciidaan iyo cuudba.Wa Billaahi Tawfiiq.”