Laba Suldaan Oo Reer Sanaag Ah Oo Isu Tumaya Durbaano Colaadeed Oo Dab Ku Sii Shidi Karaya Ceel-Afweyn

48
11813

Hargeysa(Geeska)-Laba ka mid ah madax dhaqameedka beelaha gobalka Sanaag, ayaa hawada isu mariyay hadalo xanaf leh oo dab ku sii shidi karaya colaadii Ceel-afweyn ee aan weli xal loo helin.

Boqor Faysal Cismaan Faarax iyo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, ayaa warbaahinta ka jeediyay hadalo dhiilo leh oo ay bulshada Somaliland inteeda badani dhibsatay.

Suldaan Siciid iyo Boqor Faysal, oo labaduba deegaan ah ka soo jeeda beelaha gobalka Sanaag, ayay hadaladoodu u muuqdaan kuwo bulshada kicin kara, marka la eego wakhtiga ay ku soo beegmeen.

Suldaan Siciid ayaa ugu horayn wuxuu diray baaq nabadeed oo uu u diray. Laakiin boqor Faysal ayaa qaashada baaqa nabadeed ku xidhay shuruud, isagoo ku dooday in baaqa la raaciyay shuruud.

Suldaan Siciid

Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale, ayaa maalintaas uu baaqa nabadeed diraayay wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay wax alle iyo wax meeshaas yaala oo aanu garanayno dadku inay sidaas ugu dhintaan ma garanayno, dad hore isu layn jiray maaha  waa dad is dhex gala oo walaalo ah oo isku nool ah, guri walba waa laga barooranayaa, waa ay soo noqnoqtay Alle ayaanu idinku dhaarinay ee aan joojino colaada, oo Allihii ina abuurtay aan u soo noqono oo dilka soconaaya iyo dhiig talowga aan iska dayno oo dhibaatada soconaysa aan joojino, oo dadka wax magartada ah ee dhalinyarada ah aan ka adkaano.”

Boqor Faysal

Boqor Faysal ayaa ka jawaabay baaqaas waxaanu yidhi  “Qadiyada Ceel-afweyn uma  baahna ciidan la geeyo, wakhti faro badan oo la galiyo uma baahna sidii dhaqankeenu uu ahaan jiray waligeedna aan ku soo noolayn isku tanaasul is cafin iyo  isa saamaxaad. Haddii jifadii hoose garan wayday waa in aanay guudka seegin hal qof oo yidhaahda maadaama oo aanu intaas oo jeer dhaaranay, maadaama oo ay dhankayaga xabadu ka sitaagi wayday waxa halkaas ka dhacay anagaa qabna oo ku ceebaysan ee tol iyo xigtooy noo dul qaata  noo samra oo arinta soo dhaweeya, anaguna qaladkayaga waanu qaadanay eedaysanayaalna waanu nahay qofka dhaarta buriyay ee wacadka furay ee ka baxay intaas oo jeer miyaa mudan inuu maantana yidhaahdo ama ii kaalaya, inankaas aan abtiga u ahay haddii garasho sidaas ka ahayd oo caqligiisu sidaas u gaabtay, Alle waxaan uga baryayaa laba goor ayaan abti u ahaye in Alle caqliga u siyaadiyo, hadduu u badheedhayna waxaan leeyahay waa gardaro oo waa lagu gubtaa inuu ka joogo waxaas uu wado.”

Suldaan Siciid

Suldaan Siciid ayaa mar labaad ku soo noqday oo ka jawaabay hadalka boqor Faysal, waxaanu Suldaanku jeediyay hadalo adag oo uu ku weeraray boqor Faysal.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate, labadan nin ee madax dhaqameedka ah ayaa hadaladan ay jeediyeen waxay u muuqdaan kuwo dab ku sii shidaya colaadda ceel-afweyn ee aan marna ka qayb qaadanayn sidii loo damin lahaa.

Hadaladan oo ku soo beegmay iyadoo lagu jiro bishii Ramadaan ee barakaysnayd, ayay bulshada Somaliland si weyn uga xumaatay, waxaanay shacabku dawladda ugu baaqeen inay talaabo ka qaado labadan madax dhaqameed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here