Laba Qof Iyo Hal Dabeecad Oo Gabadha Xaaska Ahi Ay Sabab La’aan U Nacdo

0
920

Hargeysa (Geeska)- Qormooyinka iyo wararka ku saabsan kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka ama dabeecadaha u gaarka ah ragga ama dumarku waxa ay inta badna ku soo ururaan dacaayado iyo kaftanno ku qotoma dagaalka dabiiciga ah ee sidiisa uga dhexeeya ragga iyo dumarka, sidaa awgeed daraasad kasta oo arrimahan laga diyaariyaa ma noqon karto mid sideeda boqolkiiba boqol loo qaato, maadaama oo laga yaabo in dad badani si maan-gal ah ugu doodaan in daraasaddaas raggu buunbuuniyeen ama dumarku ay ka dhigteen waddo ay ku soo weerari karaan waxna kaga sheegi karaan dabeecadaha Ina Aadam.

Haddaba koox khubaro ah oo ku xeel dheer cilmiga bulshada ayaa dhowaan sheegay in ay daraasado dhawr ah oo ay ugu kuur gelayeen dabeecadaha dumarka ay ku ogaadeen Saddex qof oo dumarku, ha qarsadeen ama ha qirteen ee,  ay si gaar ah u neceb yihiin. Arrinta xiisaha lihina waxa ay tahay in dumarku ay Saddexdan qofba neceb yihiin iyaga oo aan sheegi karin ama aan hayninba sabab ay ku naceen, waxa aanay kala yihiin:

1. Gabadhu waa ay neceb tahay inta badan ragga ay saygeeda saaxiibbada yihiin: Gabadhu raalli kama noqoto inta badan badh ama dhammaan ragga ay saygeeda saaxiibbada yihiin, waxa ay aqoonyahannada cilmiga bulshada aaminsan yihiin in gabadhu ay neceb tahay ragga saygeeda saaxiibbadii ah, gaar ahaan kuwa uu aad ugu xidhan yahay, in kasta oo aanay gabadhu sheegin sababta haddana waxa ay qolyaha cilminafsigu aaminsan yihiin in gabadhu ay aad u neceb tahay saaxiibbadaa oo ay u aragto in ay saamayn dhinaca fikirka ama talada ah ku leeyihiin ninkeeda iyo go'aamadiisa. Nacaybka gabadhu ay u hayso saygeeda saaxiibbadii waxa uu si gaar ah ugu waajahan yahay saaxiibbadiisa ay aaminsan tahay in ay marka hore iyada kala aragti ka yihiin nolosha isla markaana u aragto in saygeeda ay go’aamadiisa saamayn ku yeelan karaan. Si kastaba ha ahaato ee lagama yaabo in gabadhu ay qirto ama si uun u muujiso nacaybkaas.

Dumashideed: Waxa ay khubarada cilmi nafsigu aaminsan yihiin in uu jiro nacayb iyo is-karaahiyeysi u dhexeeya gabadha iyo dumashideed, (Gabadha la dhalatay ninkeeda). Waxa ay ku tilmaameen nacaybkan mid aan mar kasta soo shaac bixin laakiin nafsi ahaan u jira mararka qaarkoodna laga dareemo sheekada iyo kaftanka dumarka isu dumaashiga ah.

Cilmi ahaan uma cadda sababta ay gabadhu u neceb tahay saygeeda walaashii, waxase tijaabooyin iyo sahamin kala duwan kadib khubarada cilmigabulshada u soo baxday in gabadhu taas beddelkeeda ixtiraam iyo soo dhoweyn badan u hayso ragga ay saygeeda walaalaha ama qaraabada dhow yihiin.

Ciyaaraha iyo siyaasadda: Ninku dabeecad uma laha in uu ku dheel-dheelo waxa uu fahmi kari waayey. Laakiin gabadhu taas aad ayey ugaga duwan tahay, waxa la sheegaa in gabadhu ay cadaw u tahay waxa aanay aqoonta u lahayn, isla markaana ay ku dheel-dheesho ama yasto cidda danaynaysa waxaas. Kubadda cagta iyo guud ahaan ciyaaraha ayaa ah waxyaabaha ay inta badan dumarku neceb yihiin, karhaan una arkaan waqti lumin iyo macno darro, waxaa ay sidoo kale dumarka badankoodu aad u necebyihiin siyaasadda iyo wararka la xidhiidha, nacaybkaas waxaa dumarka u weheliya nacayb ay u qabaan cid kasta oo ku lug leh kubadda iyo weliba barnaamijyada Talefishannada iyo idaacadaha ama wargeysyada ee ka warama, kubadda iyo siyaasadda.

Sababta ay dumarku ku sii nacaan kubbadda iyo wararka siyaasadda ayaa lagu sheegay iyada oo raggu saacadaha yar ee ay guriga joogaan halkii ay ka maaweelin lahaayeen sheekana la wadaagi lahaayeen xaaskooda ay ku mashquulaan daawashada ama dhegeysiga iyo akhriska wararka kubadda iyo wararka la xidhiidha ciyaaraha iyo siyaasadda.

Sababta kale ayaa ay khubarada cilmiga bulshadu ku sheegeen, kubadda iyo daawashada wararka oo gabadha muran ka geliya daawashada filimada iyo masraxiyadaha ay ku taxan yihiin, taas oo keenta in ay gabadhu in odaygeedu uu guriga ku daawada ciyaaraha si aanu uga mashquulin xilliga daawashadeeda ee filimada iyo barnaamijyada dhinaca bulshada u badan ee ay xiisaynayso.