“Laba Nin Oo Komishanka Ah Baa Ii Sheegay In Madaxweynuhu Doorashada Dib In Loo Dhigo Doonayo”

0
701

Picture2Hargeysa ( Geeska)Mujaahid Cali Cusmaan Cabdi (Cali Xaraaro) oo kamid ah Mujaahidiintii SNM Ayaa sheegay in xukuumadda Axmed Siilaanyo ay ku tallaabsatay arrimo door ah oo ay ka xishoon jireen maamulladii ka horeeyey, isagoo Madaxweynaha ku eedeeyey cabudhinta saxaafadda iyo furfur baahsan oo ku yimi qaddiyadii Somaliland.  Cali XAraaro oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Somaliland muddo dheer bay jirtay, wax shacbiguy goostay bay ahayd 1991kii, weligeedna way soconaysaa wax dib u laabanaya maaha, laakiin kolba maamulka yimaada ayuun baa dib u dhigi kara ama horumarin kara, aniguna Cali ahaan waxaan aaminsanahay in maamulkan maanta jira ee Axmed Siilaanyo uu waxyaabo badan hoosu dhigay himilooyinkeedii iyo mawqifkeedii” . sidaa ayuu yidhi Cali Xaraaro u  warramayay Shabakada wararka ee Hadhwanaagnews iyo weliba Radio Hilaac. Waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya odayaashii dhaqanka ee dalka Soomaaliye ka yimid dhawaan kuwaas oo Socdaal ku jooga dalkan Somaliland ‘odayaashaas waxaan ku sifayn lahaa in madaxweyne Siilaanyo shaqo uu waday ay ahayd tani, waayo tan iyo maalintii uu xilka la wareegay wuu ku hawlanaa, waxaan xasuusanahay maalintii uu xilka la wareegay in wasiirkiisii hore ee arrimaha dibadu Maxamed Cabdillaahi wuxuu yidhi Siyaasadii hore waanu  beddelnay, markii dembena waakii golayaasha ka ansaxsaday Soomaaliya, waana arrimaha ugu cajiibka badan ee aan waligeed dhicin, waxaanan qabaa in labda  gole ee Somaliland uu Khiyaameeyey, isagoo yidhi aqoonsigeenii baa halkaa ku xidhan ee sii daaya [ansixiya], nasiibdarrose markuu soo noqday lamay xisaabtamin, maalintii dembe ee uu  tegey London ee uu ka qayb galay shirkii Soomaali weyn dadkii meesha isugu yimi ee mudaharaadayay ee calanka Somaliland barafka la taagnaa ee roobka taagnaa ayaa horta wax badan yeelay, sidaan warar badan ku hayo ninkii la odhan jiray Alun Michael [Xildhibaankii Britain] oo inoo doodi jiray ayaa raysal wasaaraha Ingiriiska waxa uu ku yidhi ninkan immika inoo socda ee Axmed Siilaanyo iyo Shacbigiisu ma wada socdaan ee waxa jira ma hubsanaa dabadeed Axmed Siilaanyo waa la weydiiyey ayaa la yidhi oo waxaa la yidhi adiga iyo dadkani kala mawqif baad tihiin dabadeed waxa uu yidhi mayee isku mawqif baanu nahay ee markaan noqdo anigaa warka u sheegaya oo reer Somaliland u cadayn doona inaynu federal qaadanay illaa maantana Federaal muu soo hor dhigin Somaliland oo wuu baqanayaa mana so hor dhigi karo, markaa waxaan odhan karaa arrintan odayaashu wadeen waa shaqo uu marka horeba ku hawlanaa weligiina uu ku hamiyey inuu xukunka gacanta ku dhigo Soomaaliyana uu xukumo, odayaashan waxa soo diray baa la leeyahay xafiiskii Mahiga fadhiyi jiray ee Xamar ayaa raggan soo diray, waxaanay ka soo degeen eerboodka haddii aanu raalli ka ahayna kamay soo degeen”. Mar la weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa in xukuumaddan xisbiga KULMIYE ka dhalatay ay ka leexatay dariiqyadii ay SNM u dagaalamaysay waxa uu yidhi “ inaadeer horta mujaahidiinta waxa layidhaahdaa waa kala nooc, anigu waxan rumaysanahay in ninka la yidhaa Axmed Siilaanyo oo ahaa guddoomihiii SNM muddada dheer waday , isagoo maamuli kari waayay SNM oo 3000 ah oo uu kala qaybiyey [dived and rule] oo uu isku diray, iyadoo khatar lagu jiro  ayaa illaahay Cabdiraxmaan Axmed Cali Keenay oo balli gubadle lagu beddelay, waanan taagnaa maalintii xilka laga xayuubiyey oo bil ramadaan bay ahayd,  ninkaa Cabdiraxmaanna sanadba muu dhamaysan markii dalka la xoreeyey, aXmed Siilaanyona waxa uu SNM geyeysiiyey inay isu gurman waayaan ciidamadii 10aad, 3aad, 5aad iyo 4aad  oo isku xigaa  oo dagaalo qadhaadhi socdaan, waa ninkii Mingiste iyo Siyaad barre ku dul shirayeen  ee aan waxba ka ogayn, mida kale waxaabu markaa waday shir Qaahira la isugu imanayay oo dawladii Soomaaliya waday oo SNM iyo Afweyne ku heshiinayeen, markii taas la ogaaday baana la beddelay markaa weligiiba dadka la hadaf muu ahayn”. Sidaa ayuuyidhi cali xaraare

“Saxaafadda Madaxa banana tii ugu badnayd baa xidhan, HUBAAL, HAATUF iyo HCTV wixii ku dhacaya, maanta qofkii hadla aakhiraa loo dirayaa oo jeelkaa lagu cayuuqayaa. Anigu maalintii dhawayd maxakamada waan joogay, la qaadayay kiiskii HAATUF, waa tii la yidhi kaalaya idinku is difaaca inankii tifaftiraha ahaa iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe, markay yimaadeenba waxaa la geliyey shabaga yare e maxaabiista ooo waxaa la yidhi maxaabiis baad tihiin, waxaa soo galay wasiiirka macdanta iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo inankuu soddoga u yahay [Madaxweynuhu] ee la yidhaa Baashe Cawil, waliba waxa ay ka soo galeen halka ay Xaakinnadu kasoo galaan ”.

Geesta kale mar uu ka hadlayay doorashooyinka Somaliland la quudaraynayo in ay ka dhacaan, waxa uu yidhi “Doorashooyinka la sheegayaa inaanu qabanaynba oo uu doonayo in loo kordhiyo muddada laakiin xusbiyadii baaba qaylinaya oo laba nin oo waaweyn oo Komishanka ah baan la sheekaystay oo waxay ii sheegeen in doorashadii dib in loo dhigo uu doonayo muddo kordhin baanu soo diyaarsaday, markaa Axmed Siilaanyo Mujaahidiintii iyo dadkii Halgamayay lamuu mid ahayn, waligayna waan rumaysanahay. Mida kale Inuu mar labaad isa soo sharraxo xaq buu u leeyahay laakiin waxaan aaminsanahay in hadii uu isa soo sharraxo uu ku saaqidayo oo aanu hal cod helayn oo dadkii oo dhan baa ogaaday.