Laba Nin Oo 650 Kun Oo Doolar Ku Bixiyey Si Ay ULa Qadeeyaan Ninka Dunida Ugu Maalqabeensan Iyo Sababta Ku Kalliftay Oo La Ogaaday

0
983

Warren Buffett oo dhexda ku jira iyo labada maaqalbeen oo hareera taagan

Washington (Geeska)- Laba maalgashade oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa go’aan ku gaadhay in ay bixiyaan lacag dhan 650 kun oo doolar keliya si kulan qado ah ula yeeshaan Bilyandheerka reer Maraykan ee Warren Buffett. Arrinta xiisaha gaarka ah lihi waxa ay tahay in labadan nin oo shuraako ahi ay lacagtaas nus milyanka doolar ka badan ee ay bixiyeen ku faa’iidaysteen saddex talo oo keliya. Laakiin waxa ay sheegeen in ay rumaysanyihiin in talooyinka ay ka faa’iideen maalqabeenka Warren Buffett oo lagu tilmaamo maskax dhaqaale oo aan nooceeda hore loogu arag dunidu, ay noqon doonto sahay tobanka sano ee soo socda ka caawisa shaqadooda ganacsiga.

Labada maalgashade ee Jay Spier oo 52 jir ah iyo Mohnish Pabrai oo 53 jir ah, waxa ay sheegeen in kulankan qiimaha badan ay ka faa’iidaysteen saddex talo oo dahabi ah oo uu siiyey maaqalbeenku, waxa aanay yihiin:

  1. Casharka koowaad:

Isdhexgal iyo is-dhammaystir daahfuran iyo ammaano: Warren Buffet waxa uu labadan ganacsade ee shuraakada ah kula taliyey muhiimadda ay leedahay isdhexgal aan wax ganacsiga iyo arrimaha u dan ah la xidhiidha la kala yeelan, is dhammaystir aan hawsha, fikirka iyo dadaalka lagu kala badsan iyo amaano aan la is khiyaamayni ay tahay tilmaam fiican uu haddii ay labadoodu bilaabaan ay hubaal tahay in ay u gudbi doonto shaqaalaha shirkaddooda, furena u noqon doonto guul ay gaadhaan.

  1. Casharka labaad:

Ha ka baqan Isticmaalka ereyga ‘MAYA’: Warren Buffet waxa uu labada maaqalbeen kula taliyey in aanay ka baqan ama culays u arkin in ay ‘Maya’ yidhaahdaan waxa aanay awoodi karin ama niyaddoodu doonayn. Mar sii horreysay oo uu isla arrintan ka hadlay, waxa uu Buffett sheegay in farqiga u dhexeeya ‘Ruux guulaystay’ iyo ‘Ruuxa si run ah u guulaystay’ waa sida uu u dhigay ee. Uu yahay keliya dadka sida runta ah u guulaystay oo ah kuwa, ‘Maya’ yidhaahda.

Waxa uu labada maalqabeen kula taliyey in ay niyaddooda iyo doonistooda noolaadaan, oo ay iska jiraan in ay cid kale raalligelintooda u noolaadaan.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in Buffett uu labadan maalqabeen tusay buuggiisa xusuusaha. Waxa ay la yaabeen markii ay arkeen Buffett oo qaybta ballamaha ee buuggiisu ay u badan tahay caddaan aanu waxba ku qorin. Waxa se uu u sheegay in uu jecelyahay in noloshu ay noqoto mid aan xidhxidhnayn oo xeerar iyo ballamo buuxa lagu mashquuliyo.

Aasaasaha shirkadda Microsoft Bill Gates ayaa isaguna sheegay in markii ay Buffett isbarteen oo ahayd sannadkii 1991 kii uu aad ula yaabay in aanu maalqabeenkani lahayn buug uu ku kala habaysto ballamaha iyo in aanu waqtigiisu mashquul ahayn. Laakiin waxa uu sheegay in markii dambe uu ka bartay cashar muhiim ah, ‘In daqiiqad kasta oo waqtigaaga ka mid ah aad buuxiso, calaamad uma aha in aad tahay qof aad u muhiim ah’

“Ha ka maqan in aad ‘Maya’ tidhaado, dhibaatana ha u arkin in aad niyaddaada noolaato, adiga oo aan ka cabsi qabin cawaaqibka ka dhalan doona.

  1. Casharka saddexaad

Maalqabeenku waxa uu labada ganacsade kula taliyey muhiimadda ay leedahay in qofku uu qabto shaqada uu jecelyahay. Iyo in ay ogaadaan in farxadda bani’aadamku aanay mar kasta adduunka iyo ladnaanta ku xidhnayn.

Fadhiga ay labada maalqabeen kula qadeeyeen maalqabeenka weyn ee Warren Buffett ayaa qayb ka ah ol’ole uu muddooyinkii u dambeeyey waday oo uu doonayo in lacag qaali ah uu ku qaabilo dadka, kaddibna lacagtaas loogu tabaruco hay’adda Glide Foundation oo derbijiifka caawisa.

Buffett waxa uu mar kasta ku celceliyaa talo uu u soo jeediyo dhalinyarada oo ah in raadsadaan shaqooyinka xiisaynayaan. Waxa uu sheegaa in waxa koowaad ee ay tahay in laga fikiraa aanay ahayn lacagta la helayo ee ay tahay niyadwanaagga iyo waxsoosaarka badan ee ay leedahay shaqada uu qofku qabanayo isaga oo jecel shaqada.

Buffett oo hantidiisa lagu qiyaaso 86.3 Bilyan oo doolar, waxaa uu sannadkan 2018 ka noqday ninka saddexaad ee dunida ugu maalqabeensan, sannadkii 2017 ka waxa uu ahaa kaalinta labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here