Laba Ka Mid Ah Fanaaniinta Xiddigaha Geeska Oo Lagu Xidhay Madaarka Hargeysa

0
668

Picture5Hargeysa(Geeska)-Waxa madaarka Hargeysa ee Cigaal, shalay laga xidhay guddoomiyaha kooxda faneed ee xidigaha Geeska Xasan Dhuxul Laabsalaax iyo fanaanada Ikraan Jaamac oo ka soo laabtay socdaal ah ku tageen magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Xasan Dhuxul Laabsalaax  iyo fanaanadan Ikraan Jaamac ayaa ay wararku sheegayaan inay magaaladda Muqdisho u doonteen inay ka soo qaataan baasaboorka Somaliya, waxaanay halkaas ku sugnaayeen muddo toddobaad ah, waxaana markii ay shalay madaarka Hargeysa ka soo degeen loo taxaabay xabsiga.

Xukuumadda Somaliland wax warar ah oo ku saabsan xadhiga abwaan laabsalaax iyo fanaanada Ikraan Jaamac may soo saarin. Mana jiro masuulyiin wali ka hadlay hadhiga labadan fanaan.