Laas Geel: Taariikh Iyo Xadaarad Guun Ah

Published on Mar 29 2014 // Warar

Picture3Ma yara inta jeer ee aan maqlay Laas Gee ama arkay sawir laga soo qaaday halkaas. Balse fekerka aan ka haystay iyo waxa aan ku arkay markaan booqday 21/3/2014 waxay ahayd laba aad u kala taggan. Inkasta oo safarkaygu ahaa socdaal shaqo oo ku jihaysan gobolka Saaxil, hadana waxannu sii marnay Laas Geel.

Laas-Geel maaha hal god oo uu ku sawiran yahay mid, laba ama sadex sawir. Waa godad badan oo ay ku xardhan yihiin sawiro aad u tiro badan oo  muuujinaya xadaarad la yaab leh, taariikh guun ah iyo umad halkaas degenayd waa dheer. Godadku waa hoy, sawirada lagu qorayna waxay u eegyihiin in loogu talo galay in lagu qurxiyo guryaha. Maxaa ku sawiran halkaas maxaase laga baran karaa? Goobtaas waxa ku sawiran dad, lo, eey iyo xayawaan kale. Waxa sawiradaasi goobtaas ku yaaleen kumanaan sano mase baabin. Ilaa hada waxa la garan la’ yahay waxa uu ka samaysan yahay ranjiga lagu qoray halkaas ee weli baabi la. Waa heer aan weli dunidan casriga ahi gaadhin.

Tusaale ahaan waxa Daa’uud oo u madax ah ragga ilaaliya goobta, uu noo sharaxay dhawr sawir oo ay ka mid yihiin boqorkii dadkaas. Boqorku wuxuu lahaa guri u gaar ah oo ka qurux badan kuwa kale. Gurigaas waxa dhamaantiisa marsan midab casaan ah oo qurux badan. Waxa ku yaal kursigii uu fadhiisan jiray. Sidoo kale waxa goobta ku yaal goobtii shirarka ee ay isugu iman jireen dadku si ay ugu tashadaan. Waxa intaas dheer meeshii ii ay ka ilaalin jireen aagga oo leh diiraddii waxa dhow iyo waxa fog lagu eego. Waa xadaarad is-huwan oo aanay fududayn in si dhib yar loo sharaxo.

Waxa arin lala yaabo ah in inta badan dadka ku sawiran halkaas ay wataan eey. Sidoo kale si ay anshaxa u ilaaliyaan dumarka waxay sawireen qaarka sare oo keliya.

Dadka goobta ku sawirani waxay xidhan yihiin surwaalo iyo shaadhadh. Goobta waxa aad ugu badan lo’da taas oo lagu micneeyey inay dhaqan jireen islamarkaana caabudi jireen lo’da. Taas waxa sii xoojinaysa in qof kasta oo goobta ku sawirani uu gacmaha kor u taagayo isaga oo hoos jooga sac. Halka qaarna ay ku nuugayaan naasaha saca wax u eeg tuubo.

Dabcan turjumaadda laga sameeyey sawirada goobtaasi maaha oo keliya mid kala dhiman ee ma jirto cid si wayn isugu xil qaantay. Sidaasdarteeed, inkasta oo la helay sawiradaas, hadana wax wayni isma bedelin waayo wax tamar ah lama gelin.

Mid ka mid ah sababaha ugu wayn ee ay ku badbaadeen sawiradaasi waxay tahay in dadka degaanku aaminsanaayeen in meesha Jin degen yahay sidaasdarteed may tegi jiran umana ogolaan jirin in caruurtoodu u dhowaato. Beryihii horena dadku marka ay soo degaan meel ku dhow waxay qali jireen xoolo iyaga oo xagga godadka u saydhi jiray dhiig iyaga oo leh “beloy naga baydh”. Taasi waxay keentay in godadkaasi ka badbaadan farafarayn aadane. Balse cimilada iyo xayawaankuba may dayn oo wax yeelo aan yarayn ayay u gaysteen.

Maanta oo goobtaas qiimaha ay leedahay la ogodaay waxba kuma soo kordhin in la ilaaliyo. Daadka iyo ciiduba sidii hore ayay ugu yihiin khatar. Dawladu wax xil ah iskama saarin inay ilaaliso xadaaradaas kor u qaadaysa taariikhda iyo qiimaha dalkeena iyo Afrika oo dhan. Hadii la yasayey Afrika, waxa godadka Laas Geel soo faqeen xadaarad aad uga da’ wayn kuwo badan oo dunida lagu buun buuniyo. Waxay markaas ahayd in miisaaniyad loo qoondeeyo oo la ilaaliyo iyo in laga shaqeeyo sidii cilmi baadhis inta ka badan loogu sameeyo goobtaas.

Hadii markaas dawladii dayacday, macneheedu maaha in aan xal loo helayn. Balse wax yar oo muwaadiniinta reer Soomaaliland isa saaraan ayaa ilaalin karaa xadaaradda ugu da’da wayn ee ilaa hadda aynu hayno. Waa hubaal inay jiraan goobo kale oo badan oo dalka intiisa kale ku yaal oo aan weli la ogaan ama la baadhin.

Qoraalkaygan kooban uguma dan lahayn inaan ku sharaxo qiimaha iyo qaayahay Laas Geel balse, waxan rabaa inaan ku soo jeediyo dareenkiina in xadaaradaas ilaalinteedu inooga baahan tahay gacan hadii kale aay qarka u saaran tahay in dabeecaddii ay u soo adkaysatay kumaananka sano inay baabiiso inaga oo ka hanti iyo aqoon badan intii hore. Waana hubaal inay midaas ceeb inagu tahay. Xusuusnow hadii godadkaasi ku ooli laheeyeen dal kale ama qaarad kale ba in si wayn loo buun buunin lahaa.

Sidaasadarteed, waxan soo jeedinayaa:

In loo uruuriyo xooga lacag ah oo lagaga ilaaliyo cimilada

In loo ololeeyo sidii loogu dari lahaa goobaha taariikhiga ah ee UNESCO ilaaliso

 Guuleed Axmed Dafac

Hargeisa Somaliland

Kala soco: http://www.guleidjama.blogspot.com/

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!