La Qabsiga Dawooyinka ‘Antibiotic’, Marka La Gaadho 2050 Waxa Ay Khatar Gelinaysaa Nolosha Malaayiin Qof

3
1217

London (Geeska)- Warbixin caafimaad oo cusub ayaa ka digtay in noocyo ka mid ah bakteeriyada khatarta ahi ay malaayiin qof dili doonto marka la gaadho sannadka 2050 ka, haddii aanu imika caafimaadku xal u helin dhibaatada isa soo taraysa ee ka taagan dawooyinka jeermidilaha (Antibiotics) ah ee waxtarkoodu marba marka ka dambaysa hoos u sii dhacayo.

Sida uu ku warramay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriisku, qaar ka mid ah xanuunnada iyo cilladaha caafimaad darro ee maanta dunida looga arko in ay aad u fududyihiin ayaa mustaqbalka noqon doona kuwo khatar ah oo loo dhinto, sababtuna waa dawooyinka xanuun baabi’iyaha ah iyo kuwa jeermiska dila ee Antibiotics ka oo waxtarkoodu hoos u dhici doono kaddib marka uu jidhka aadamuhu la qabsado.

Qiyaasaha ay saynisyahannadu saadaalinayaan ayaa sheegaya in iska caabbinta jidhka ee dawooyinka antibiotics ku ay dalka Ingiriiska oo keliya sababi doonto 5 kun oo xaaladood oo dhimasho ah sannad kasta. Halka dalalka kale ee midowga Yurub la filayo in ay tiradu gaadho illaa 25 kun oo xaaladood sannad kasta. Waxa ay saynisyahannadu saadaalinayaan in la qabsiga jidhku la qabsanayo dawadan ee sababaya in loo dhinto xanuunno sahlan ay gaadhi doonto in marka la gaadho sannadka 2030 ka ay dadka u dhimanayaa gaadhi doonaan toban milyan oo qof sannad kasta.

Warbixin uu diyaariyey guddiga daryeelka caafimaadka iyo bulshada ee aqalka hoose ee baarlamanka dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in khatartu ay faraha ka sii bixi doonto, haddii aanay xukuumadda Ingiriisku dadaal ku filan ka gelin xal u helidda dhibaatadan.

Waxa ay khubaradu warwar weyn ka muujiyeen dhibaatada ah in aanay shirkadaha dawooyinka sameeyaa weli isku dayin in ay soo saaraan jiil cusub oo ah dawooyinka jeermis dilaha ah ee Antibiotics ka, sababta ay shirkaduhu sidaas u yeeleenna ay tahay in ay arkaan in aanay faa’iido badani ka soo gelayn arritnaas. Waxa aanay khubaradu sheegeen in bani’aadamka dunida maanta ku nooli uu baahi weyn u qabo in uu maalgeliyo tijaabooyinka cilmiga ah ee lagu raadinayo dawooyin antibiotic ah oo beddela kuwa hadda la isticmaalo ee uu jidhku la qabsaday.

Waxa ay khatarta ugu weyni waajahaysaa dadka qaba cudurka Kansarka oo ay muhiim u yihiin dawooyinka antibiotics ka ah ee tayada leh si looga hortago taagdarrada soo waajahaysa habdhiska difaaca jidhkooda, gaar ahaan marka ay qaadanayaan dawooyinka kiimikada ah. Iyada oo dhibaatada ugu weyn ee xilligaas dhacdaa ay tahay in bukaanka kansarku u dulqaadan kari waayo dawada kiimikada ah, sababtuna ay tahay noocyo ka mid ah bakteeriyada oo ku madax adayga dawooyinka hadda jira ee antibiotics ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here