La Kulanka Saaxiibbada Iyo Qaraabada Iyo Cunto La Wadaagistoodu Waa Furaha Caafimaadka Nafsiga Ah

37
3194

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in cuntada oo uu qofku kelidii cunaa ay tahay sababta ugu weyn ee horseedda murugada iyo niyadxumada, sida oo kalana sabab u noqoto xaalado maskaxeed iyo dhibaatooyin maaliyadeed. Cilmibaadhistan oo ay samaysay shirkadda cilmibaadhisaha ee Oxford Economics, waxaa sahaminteeda ka qaybgalay 8 kun iyo 250 qof oo qaangaadh ah, una dhashay dalka Ingiriiska, waxa aanay daahfurtay in dadka caadada u leh in ay cuntada kelidood cunaan, uu heerka farxaddoodu 7.9 dhibcood ka hooseeyo marka la xisaabiyo heerka celceliska guud ee farxadda dalka.

Ma’aha cilmibaadhistii ugu horreysay ee lagu ogaado in uu xidhiidh ka dhexeeyo cunto la cunista dadka iyo farxadda. Sannadkii hore, ayaa cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Oxford, waxa ay ogaadeen in dadka caado ay u tahay in ay wadar wax la cunaan ay inta badan helaan shabakado taageero ama xoojineed oo bulsho iyo taageero dhinaca shucuurta ah oo sida caadiga ah ka badan.

Bare-sare Robin Dunbar oo ah bare cilminafsi oo ka qaybgalay cilmibaadhistan jaamacadda Oxford ayaa yidhi, “Marka aynu soo koobno, annagu ma garanayo, sababta keentay in dadka cuntada wadar ku cunaa ay ka farxad badan yihiin kuwa kale”. Laakiin sida iska cad, jawiga bulsho ee uu qofku si joogto ah ugu dhex jiro, iyo daqiiqadahaas is-dhexgalka iyo xidhiidhka bulsho ah ayaa sababta ka mid ah. Bare-sare Dunbar oo ka warramayey sababta cunto wadaagistu qofka faxadda dheeraadka ah u geliso ayaa sheegay in ficillada iyo sheekada miiska dushiisa ka dhacayaa ay firfircooni fiican ku abuuraan habdhiska hormoonnada ‘Endorphins’ ka loo yaqaanno oo qayb ka ah habdhiska maskaxda ee maaraynta kaarka iyo xanuunka. Haddii aynu si kale u dhigno ‘Endorphins’ ee dejiye xidhiidh kiimikaad la leh xanuun baabi’iyaha ‘Morphine’.

Khatarta gooni joognimada

Dr. Nick Lake oo ku xeeldheer cilminafsiga iyo daweynta nafsiga ah ayaa sheegay in gooni-joognimadu ay ka mid tahay calaamadaha ugu waaweyn ee lagu garto xaaladaha caafimaad ee jidhka iyo maskaxda labadaba. iyo in gooni u joogga iyo dadka oo laga fogaadaa ay si weyn u kordhiyaan khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada aan laga dawoobin ee ay ka mid yihiin wadne xanuunka iyo kansarku, si la mid ah ama ku dhow sida ay xaaladaha sigaar nuugistu ka mid tahay u sababaan xanuunnadan.

Waxa ay culimadu tilmaameen in qofka ay ku abuurantahay in uu dadka la macaamilo oo uu galaangal iyo dhexgal la yeesho, gaar ahaan in uu xidhiidh fool ka fool ah la yeesho. Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Michigan  ee dalka Maraykanka ayaa iyaduna ogaatay in xidhiidhka saaxiibbada iyo ehelka lala yeelanayo oo lagu koobo farriimaha la isugu diro baraha bulshada iyo iyo hababka kale ee loo xidhiidhaa aanay marnaba buuxinayn kaalintii xidhiidh ee loo baahnaa caafimaad ahaanna qofka u fiicnaa, balse taas beddelkeeda ay laban laab sii kordhinayso faquuqnaantii iyo xaaladihii nafisga ahaa ee caafimaadka khatarta ku ahaa.

Faa’iidada kulanka fool ka foolka ah

“Habdhiska neerfeed ee sababa dareenka calool dabaca ama beernugaylku waxa uu firfircooni iyo dardar dheeraad ah ku helaa xidhiidhka ka dhexeeya dibnaha iyo dhawaqa qofka hadlaya, inta aanu ognahayna dhiirrigelintan iyo firfircoonidani kuma timaaddo qoraalka qofka oo aad akhrido, balse codkiisa oo aad maqasho ayaa ay ku timaaddaa. Waxa ayn guud ahaanteenba abuur ahaan u diyaarsannay in aynu ka jawaabno dhawaqa iyo habdhaca codka iyo sida oo kale ishaarooyinka iyo taabashada inooga imanaya qofka aynu la xidhiidhayno. Sidaa awgeed xidhiidhka fool-ka-foolka ah ayaa aynu u diyaarsannay abuur ahaan” Sidaa waxaa yidhi bare-sare Paul Gelber oo ku xeeldheer cilminafsiga.

Isaga oo intaas ku daray in dadka aynu xidhiidhka saaxiibtinimo ama ehelnimo leenahay, oo aynu cunto iyo sheeko wadaagnaa ay ka faa’iido badan tahay xidhiidh ah dhambaallo aynu isu marinno hababka xidhiidh ee jira. “Kukanka fool-ka-foolka ahi waxa uu labada qofba ku beeraa farxad” ayaa uu yidhi. Sida lagu sheegay warbixin aynu ka soo xigannay shabakadda internet ka ee wargeyska The Guardian oo ka soo baxa dalka Ingiriiska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here