Kuwa ku doodaya Hargeysi waxay la mid tahay Stockholm ama Amesterdam been baad naftiina u sheegeysa, Hargeysi wa dagaan kamid ah dagaanad JSL?

10
771

 

Waxan salan iyo bogaadin halkan uga diraya dhamaan shacabka somaliland meel ay joogan ba waxan ku hambalyeynayaa bishan barakeysan ee ramadan oo aan leeyahay ilaahey kheyrkeeda ha ina siiyo aamin, waxan si gaaraha u salaamaya warbaahinta iyo saxaafadda madaxbanaan e marwalba noo hagar baxa e runtii codkeyga kor u qaada…

 

Bishan aynu kujiraan runtii wa bishii barakeysneyd e ramadan horaanteedii, maan jeceleyn inaan maqaalkan so diro ama so qoro sababto ah waxa dhici karta in ay dadbadani dhibsan doona hadaladeyda o aney jecleysan dooni sidaan arinkan uga hadalayo

 

Waxase an u arkey inu yahay qoraalkani mid waxbadan kuso kordhin doona ama u caqli celin doona kuwo khaldan o la marin habaabiyay maalmahan, kuwaaso an u arkey doodoodu in ay abuuri karto isku dhac bulshada dhexdeeda ka kowsata

 

Haddii ad dib uguso noqoto sooyaalka taarikhda o aynu dib cajalada u yara celino ma dhici jirtey intii aynu dawlad somaliyeed kamid aheyn ama somalilandaheyn maanta ka horo gole dagaan o muwaadin walba lo fasaxay in uu ka qeyb galo doorashooyinka golaha dagaanka, haddii ay doodinu tahay Hargeysa wa caasimada ma jirtey o hore ma inoo so martey Mogdisho o golaha dagaanka laga so dooraneyo xubno an dagaanka muqdisho ka so jeedin su'aashaasi haddi an ka jawaabo wa MAYA.

 

 

Hoos an u dhaadhaco doodu waxay dhex miraneysa laba qeybood sida an u fahmaya runtii 

 

1. Wa qeyb soo galeytiya ah o Hargeysa ku cusub guryana hadda ka dhistey ama maalgashi kusameya o hanti ku leh maanta lkn an aheyn dagaan Hargeysa kuwaaso u badan shanta gobolo e kale somaliland, dabcan wa isku wada aragti sida ka muuqata doodooda waayo wa dad magaaladii so dagayo o aragtidoodu isku wada mid tahay lkn an aheyn dagaan Hargeysa, sababta isku xidheysan wa macruuf in ay sida u doodan o daah inagama saarna..

 

2. Qeybta labaadna wa qolooyinkii ay ku suntaneyd magaaladu e dagaan ahaan loo aqoonsana in ay yihiin dagaanka gobolka maroodi jeed iyaguna waxay doodoodu tahay 25kan xubnood e golaha dagaanku anaga ba naguma filne walaalaya, xubnihii dagaankiina la siiyay waad heysatan o wada heleysan waxba ha nagu qabsanina 25kan xubnood hore ba waanu saluugsaneyne.

 

Haddii an u so noqdo markale shuruucda dalkeena waxa ku suntan oo an ogahay in dagaan kaste loo qoondeyay xubno iska so sharxii kara tiro ahaan o asal ahaan kaso jeeda dagaankaasi, dabcan wa la ogyahay dagaankaasi cida kusunta e dagta maaha mid maanta muran la galin karo.

 

Magaalada Hargeysa kuma heyno dastoorka dalka inu qeexayo waa caasimada muwaadin wal o somaliland ihi ba wu iska so sharaxii kara qodobkaasi maaha mid ku xardhan distoorkeena , dastoorkeenu wuxu qoraya nambarka xubnaha e loo qoondeyay shacabka ama bulshada dagaanka Hargeysa tiro ahaan iska so sharaxii karta doorashooyinka dagaanka ee xaq u leeyihiin wa 25 xubnood oo kaliya, dagaankastan wa sidaasi sida u sharcigu qoraya inay nambar ama tiro loo qoondeyay ay xaq u leeyihiin.

 

Hargeysi doorashooyinkii hore e golaha dagaanka waxay u arkeysay dagaan ahaan in la dulmayo o tiro kooban la siiyay xubnaha golaha dagaanka oo an ku filney magaalo ahaan saluugasina wa mid in badan jiray cabashooyin badan u gudbiyeen maamuladii kale dabeyay e dalka so maray, namabarkii yara e markii hore ba saluugu ka jirey ba maantana la leeyahay somaliland odhan ha loo tartama xaqbey u leeyihiin taasi waxan u arka dulaan iyo nasiib daro kuso foole dalka iyo caasimada o muran siyaasadeed lagalinayo shacabka walaalahan dhibaato iyo naxli lagu kala beerayo.

 

Waxan u sheegaya kuwa ay doodoodu tahay Hargeysi waa caasimadii dalka o waxay la mid tahay Washington DC, Oslo iyo Stockholm oo wan iska so shariixi kara anigoo maanta qaxootinimo ku imid, runtii kuwa sida ku doodaya gudcur dam ah bey gudayaan, waxan leeyahay waar Hargeysi maaha maalin la barbar dhigo Stockholm iyo shuruucda 500 oo sano ka hore la dhigtey e lagu maamulo caasimada Sweden iyo shucuubta Swedishka, ilaahey ha ina gaadhsiiyo waqtigaasi ad ku himeysan somaliland ha gaadho.. waxad mooda in aynu nahay Ismog. dawlad yar o an la aqoonsan caasimada an wali madaxa la kicin o shuruucdeedi wali qabyo yahay ayaad dooneysan in ad Stockholm iyo Wasting dc barbar dhigtaan, wa nasiib daro 

 

Waxanse idin sheegaya  Hargeysi inay la mid tahay o an ku qiimeyn karo magaalo ahan iyo dad ahaan ba shicibka ku nool Magaalada Mogdisho ama dagaamada somalidu dagto, waxa maanta Mogdisho ka jira maaha siyaasad e wa dagaan laguso duulay o dadkii laha e asal ahaan dagan la so dul buuxiyay awood iyo fara na loo sheegtey islamarkan laga qabsaday dhulkoodi iyo hantidoodi ma guuran ka aheyd in laga dhaxal wareejiyo, taasi waxay dhaxal siineysa umad kaste o sida u fakarta inu shacabka walaalaha ihi isqabsadan o nabadgalyadu xumaato islamarkan taladu faraha ka baxdo, o dadku is aamini waayo.

 

Waxan qormadeydan kuso gabagabeynaya wa in dagaan ahaan iyo gobol ahaan ba la isku ixtiraama o an la isku so xadgubin shuruucda iyo dastoorkan la ilaaliya dhaqankeena suuban iyo walaaltinimadan la dhawra wada jirka iyo somaliland nimadan la wada ilaashada.

 

Hargeysi wa caasimadii dalkeena ma jiro muwaadin somalilander ah oo loo diidi kara maalgashiga caasimada, shaqada iyo maamulka dawlada e caasimada waxse dagaanka u gaar ah wa doorashada golaha dagaanka o xaq loo siiyay in ay so doortan 25 xubnood taasi wa qodob sharcigu u qoondeyay dagaanka Hargeysa o an cidkale so hunguriyn karin.

 

Ururad ama gudoomiyaasha beeleysan e ururada hor boodayoo waxan leeyahay ha ku hungoobina mushariixta beelihiina ah e ad ku beer laxaasaneysan caasimadaan ka sharaxaya golaha dagaanka iwm. waxa hubaal ah inaad fidno iyo dhib u keeneyso qarannimada iyo walaaltinimada shucuubta somaliland e walaalaha.

 

Waxba yaanu hadalku ila si fogaan waxan leeyahay bal waxad ka so jawaabtaan kuwa ku doodaya Hargeysan iska so shariixi kara, maalmihii doorashada madaxweynaha ma diiwaan galintii ba maxa ku geeyay dagaankaagi e ad Hargeysa uga codeyn weyday, maxad uga diiwan gasha dagaankaagi e ad HARGEYSA DIIWAANGALINTA UGA GALI WEYD? doorashadii madaxweynaha wa la ogaa cidii Hargeysa ka dooratey 3da xisbi qaran e somaliland e doorashada madaxweynaha u tartameysa. Waxa Gobolka Hargeysa ka codeyay ama u codeyay xisbiga Kulmiye 157000 muwaadin o reer Hargeysa ah, xisbiga UCID waxa u codey Hargeysa 62000, UDUB waxa u codeyay 57000, haddaba waxan leeyahay saaxiibadeyda musharaxiinta ah e dagaan ahan ka so jeedin Hargeysa in aad cadhuuftiina dib u liqdan o ad dagaamadiini imaansatan xubnaha lo qoondeyay idinku filane, runtii gobolkan ama magaaladan Hargeysi waxay u baahan tahay ugu yaran in looga dhigo xubnaha golaha dagaanka 50 xubnood waayo kuma ba filna 25 xubnood runtii..

 

Soomaliland Guul baan u rajeynayaa

 

 

Wa bilaahi tawfiiq

 

Omar Darood Hassan

Norway

Comments are closed.