Kurdiyiinta: Boqollaal Sano Oo Dagaallo Ah, Fashilaado Is Xiga Oo Siyaasi Ah Iyo Wacadfur Aan Tiro Lahayn (Q.5aad)

Published on Jan 07 2018 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Maanta: Kurdiyiintu waxa ay si buuxda u maamulaan gobalkooda Kurdistaanta Ciraaq iyaga oo taageero ka hela Maraykanka iyo dalal badan oo reer galbeedka ka mid ah, jabhado hubaysan oo Kurdiyiin ah ayaa ka taliya qaybo badan oo ka mid deegaannada ay ka degaan dalka Suuriya, iyaga oo sahayda, hubka iyo ciidamo ka garab dagaalamaba ka hela Maraykanka. Sida oo kale Kurdiyiintu dagaallo jabhadayn iyo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayaa ay ka wadaan dalalka Iiraan iyo Turkiga.

Kurdiyiinta Ciraaq waxa ay gacanta ku hayaan ceel badan oo saliidda Ciraaq laga soo saaro, oo ay iyagu maamulaan dibaddana u dhoofiyaan, in kasta oo dakhliga saami ka mid ah lagu soo celiyo dawladda dhexe. Waxa ay sugaan amniga xuduudahooda gobal, ay joogaan ciidamo Kurdiyiinta u gaar ah oo Beshmarge lagu magacaabo, waxa aanay marar badan heshiisyo toos ah la galaan dawlado iyo shirkado, xitaa mararka qaarkood aanay dawladda dhexe ogolayn ama muhiimaddii ay lahaydba aan la siinin.

Goosashadii lagu hungoobay

Tan iyo sannadkii 2003 markii xukunka laga tuuray Saddaam Xuseen, waxa ay Kurdiyiinta Ciraaq si joogto ah ugu hanjabayeen in ay ka goosan doonaan Ciraaq inteeda kale, si ay mar labaad u rumeeyaan riyadii awoowyadood ee ahayd in mar uun la arko dawlad ku jirta khariiradda adduunka oo ay qawmiyadda Kurdiyiintu leeyihiin.

Dad badan ayaa marka ay eegaan awoodda aan dawladnimada ka dhicin ee Kurdiyiinta Ciraaq leeyihiin, waxa ay ku doodaan in aan loo baahnayn in ay dawlad gaar ah noqdaan, si aanay xiisado siyaasi ah uga dhex qarxin dawladda Ciraaq oo dabcan ka awood badan, isla markaana ay uga badbaadaan dagaallo sokeeye oo marar badan oo hore aafeeyey.

Dadka gorfeeya siyaasadaha Bariga dhexe iyo kuwa Kurdiyiinta si gaar ah, ayaa ku doodaya in dawlad xor ah oo ay Kurdiyiintu ku dhawaaqaan ay sabab u noqon karto in ay cadaawad adag ka kasbadaan dawladaha hareeraha ka xiga oo dhammaantood ka awood badan, waa Iraan, Turkiga, Suuriya iyo Ciraaq, kuwaas ka werwer qaba in goosashada Kurdiyiinta Ciraaq ay dhiirrigeliso Kurdiyiinta dhulka ku nool oo qudhoodu ku naalloonaya in ay mar uun dawlad madaxbannaan noqdaan.

Guud ahaan Kurdiyiintu waa qawmiyad ballaadhan oo lagu qiyaaso 38 milyan oo ruux. Waxa aanay badankoodu ku dhaqan yihiin dalalka Iiraan iyo Turkiga. Waa dagaalyahan taariikhdooda inta la ogyahay ku soo qaatay colaado iyo wax iska dhicin, laakiin waxaa muuqata in mar kale lagu wacadfuray.

Madaxweynaha Kurdiyiinta Ciraaq ayaa isna markiisa sidii awoowyadii isku dayey in uu rumeeyo riyada dawladnimo ee Kurdiyiinta. Laba xilli doorasho oo uu soo dhammaystay kaddib, ayaa laba sano xilka loo kordhiyey, waxa aana muuqata in markii uu xaqiiqsaday in la gaadhay xilligii uu kursiga bannayn lahaa uu ku fikiray in uu taariikh sameeyo.

Mascuud Barasaani waxa uu taageero laxaad leh siiyey dagaalka Maraykanku ku hayo kooxaha argagaxisada lagu sheego ee Ciraaq iyo Suuriya, ciidamo Kurdiyiin ah ayaana hoos socday weerarrada cirka ee Maraykanku ku hayey kooxda DAACISH ee dalka Ciraaq. Tani waxa ay Barasaani siisay rejo ah in markan Maraykanku uu taageeri doono madaxbannaanidooda, waxa kale oo ay la ahayd in Israa’iil oo taageersan madaxbannaanidoodu ay Maraykanka cadaadin doonto.

Badhtamihii bishii Sagaalaad ee sannadkii 2017 ka ayaa ay Kurdiyiintu u dareereen afti aanay dawladda dhex ee Ciraaq la ogolayn oo dadka lagu weydiinayo doonistooda madaxbannaanida. Boqolkiiba 93 Kurdiyiinta reer Ciraaq waxa ay u codeeyeen in ay dal madaxbannaan noqdaan.

Dawladda Federaalka ah ee Ciraaq waa ay ka hortimid fikirkaas, weerar ballaadhan ayaa ay ku qaadday dhulkii Kurdiyiintu haysteen ee marka hore lagu muransanaa iyaga iyo Carabta ama qawmiyadaha kale midka leh. Waxa ay dawladda dhexe qabsatay, ceelashii ugu muhiimsanaa ee saliidda, waxa ay xidhay xuduudkii Kurdiyiintu la lahaayeen dalalka deriska oo ay ciidamada dawladdu xoog ku qabsatay, waxa aanay xayiraad dhinaca diyaaradaha ah saartay gebi ahaanba gegooyinkii diyaaradaha ee gobalka. Dhinaca kale Kurdiyiinta Ciraaq ayaa ku kala jabay fikirka gooshada oo qaar badan ayaa u arkay in ay tahay tallaabo uu Barasaani awoodda qoyskiisa ee gobalka ku xoojinayo.

Maraykankiina sidii caadada u ahayd ayaa uu mar kale ku wacadfuray. Go’aanka Kurdiyiinta ka nixiyeyna waxa uu noqday markii Guriga Cad uu ku dhici waayey in uu dawladda Ciraaq xoog ku saaro in aanay weerarin Kurdiyiinta, si cadna u sheegay in uu dhex ka yahay khilaafkaas, dhinacyadana ku waaninayo in ay wada hadal ku dhammeeyaan khilaafka.

Dadka siyaasadaha Kurdiyiinta lafaguraana waxa ay aaminsanyihiin in madaxweyne Barasaani ku qaldamy iskudaygaas goosashada. In kasta oo uu Barasaani difaacay iskudaygaas, haddana waxa uu shaaciyey in uu ka fadhiisanayo hoggaamina Kurdiyiinta oo marka xilkiisa hadda uu dhammaado, aanu dib u qaban doonin hoggaanka gobalka.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!