Kurdiyiinta: Boqollaal Sano Oo Dagaallo Ah, Fashilaado Is Xiga Oo Siyaasi Ah Iyo Wacadfur Aan Tiro Lahayn (Q.4aad)

Published on Jan 04 2018 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Sannadkii 1991 kii ayaa ay Kurdiyiintu mar kale dagaal galeen, iyaga oo uu hoggaaminayo hoggaamiyahoodii cusbaa ee Mascuud Barasaani, isla markaana ay ka hareer dagaalamayaan ciidamadii Maraykanka ee dalka Kuweyt ka xoraynayey ciidamada Ciraaq ee xoogga ku haystay.

Maraykanka iyo xulafadiisu markii ay dagaalka xoraynta Kuweyt qaadayeen waxa ay aad ugu baahnaayeen ciidamo deegaanka ah oo foodsaaro u noqda ciidamadooda galayey Ciraaq, sidaa awgeed waxa ay baahi badan u qabeen ciidamada Kurdiyiinta oo iyagu nidaamsanaa. Isla markaana muddo dagaal kula soo jiray dawladda Ciraaq.

Kurdiyiintu in ay ka hareer dagaalamaan Maraykanka iyo xukafadiisa waxa ay aqbaleen, markii uu Maraykanku u ballanqaaday in uu taageeri doono halgankooda, isla markaana ka ilaalin doono ciidamada awoodda badnaa ee Ciraaqiyiinta.

Mar labaad ayaa Kurdiyiinta lagu wacadfuray. Dagaalkii ay la galeen dawladda Ciraaq oo la baxay dagaalka lama degaanka ayaa ay dawladdu si aad ah ugaga awood badatay. Jabka Kurdiyiinta dagaalka ka soo gaadhay waxaa u raacay Maraykanka iyo xulafadiisii ay isku hallaynayeen oo ballantii kaga baxay, wax gurmad iyo garab ahna ay ka waayeen.

Jabkii ba’naa ee ciidamada Ciraaq gaadhsiiyeen Kurdiyiinta, oo ay dhul badan oo cusub kaga qabsadeen waxa uu sababay in dad Malaayiin gaadhaya oo Kurdiyiin ahi ay ka qaxeen dhulkooda. Waxa ay ku sigatay in masiibo bani’aadamnimo ay ka dhacdo dhulka Kurdiyiinta Ciraaq, haddii aanay markii u dambaysay u dhaqaaqi lahayn Qaramada Midoobey oo xayiraad dhinaca hawada ah saartay dhulka Kurdiyiinta, si loo joojiyo weerarrada diyaaradaha dagaalka ee Ciraaq ay Kurdiyiinta ku hayeen.

In hawada woqooyiga Ciraaq laga dhigo mid ka caaggan diyaaradaha oo ay ku jiraan diyaaradaha looba dan lahaa ee dalka Ciraaq waxaa codsigeeda Qaramada Midoobey u soo gudbiyey oo weliba si aad ah u riixayey dawladdii Faransiiska. Waxa ay tani muujinaysaa sida yaabka leh ee uu Maraykanku ugu ballanfuray Kurdiyiinta, oo xitaa uu Qaramada Midoobey horteeda uga doodi waayey.

Xayiraaddaas cirku waxa ay Kurdiyiinta u noqotay fursad dahabi ah oo u ogolaatay in ay maamushaan gobalkooda, gaar ahaan intii ay markaas gacanta ku hayeen. Iyaga oo ka faa’idaysanaya ilaalinta cirka ee caalamiga ah ayaa ay Kurdiyiintu dhisteen maamul hoosaad ay xor u yihiin.

Murankii gudaha ee Kurdiyiintu waxa uu mar kale soo rogaal celiyey sannadkii 1994 kii. Dagaallo hubaysan oo dhiig badani ku daatay ayaana dhex maray garabyadii iska soo horjeeday ee Kurdiyiinta oo ay ugu mudnaayeen laba garab ee ay kala hoggaaminayeen Jalaal Daalibaani iyo Mascuud Barasaani. Dagaalkaasi Kurdiyiintu waxa uu socday ku dhowaad toddoba sano, oo ku ekayd markii Maraykanku iyo dalalkii uu xulafaystay ay dalka Ciraaq weerarka ku qaadeen sannadkii 2003 dii.

Kurdiyiintii waxa ay mar labaad isu diyaariyeen in ay garab istaagaan Maraykanka si loo jebiyo cadowgooda oo ahaa Saddaam Xuseen. Labadii garab ee dagaalka adagi u dhexeeyey oo ay kala hoggaaminayeen Mascuud Barasaani iyo Jalaal Daalibaani ayaa u midoobey in ay horgaleyaal u noqdaan ciidamada Maraykanka iyo xulafadiisa ee galay dalka Ciraaq. Ugu yaraan markan waxa ay Kurdiyiintu ku guulaysteen in taageerada ay siiyeen reer galbeedka ay guul ku gaadhaan, waayo waxaa meesha ka baxay nidaamkii ay is hayeen ee Saddaam Xuseen, waxa aana jilbaha u dhacay guud ahaan dawladnimadii Ciraaq, taas oo ahayd fursad ay uga faa’idaysan karayeen in ay kaalin xooggan ku yeeshaan dalka Ciraaq. La soco…

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!
<-- START OF NEWGAIN GA CODE--> <-- END OF NEWGAIN GA CODE-->