Kuma Ayaa Bedeli Doona Raysalwasaaraha Itoobiya Ee Is Casilay?

31
2654

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa iscasilay, sida laga baahiyay telefishinka qaranka Itoobiya. Ilaa iyo haatan lama sheegin sababta ka dambaysa is casilaadiisa. Waxase la qabaa in is casiladiisa ay keentay culaysyada siyaasadeed ee Itoobiya ka jira oo laga yaabo inaanu ahayn qofka ku haboon ee wax ka qaban kara.

Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa ka dib muddo bilo ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeday.
Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee EPRDF.
Haddaba, waxa la isweydiinayaa kuma ayaa noqon doona raysalwasaaraha Itoobiya oo bedeli doona raysalwasaaraha is casilay haddii uu baarlamaanku ka aqbalo is casilaadiisa?
Dadka falanqeeya siyaasadda Itoobiya ayaa aaminsan inay adagtahay in la saadaaliyo siyaasiga noqon doona raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya marka laga shidaal qaato siyaasadda Itoobiya oo aan looga baran isbedelo siyaasadeed.
Hase yeeshee waxa ay u dhowdahay in si ku meelgaadh ah xilka raysalwasaaraha uu u sii qabto Mr. Demeke Mekonnen oo ah raysalwasaare-xigeenka wakhtigan ee talada haya, waxaanu Mr. Demeke ka soo jeedaa xisbiga ANDM ee isbahaysiga la ah EPRDF, waxaanu sidoo kale Mr. Demeke hayaa xilka guddoomiye-xigeenka xisbiga EPRDF ee talada Itoobiya haya, waxaanu ka soo jeedaa qoomiyada Amxaarada.
Waxa laga yaabaa haddi uu ku meelgaadh u qabto raysalwasaare inuu xilka sii hayo inta uu ururka EPRDF qabsanayo shirkiisa ee uu dooranayo guddoomiyihiisa oo uu hadda iska casilay raysalwasaaruhu.
Waxa iyana jirta suurtogalnimada inay xilkan qabtaan siyaasiyiin ka soo jeeda xisbiga qoomiyada oromada ee OPDO. Balse waxa hoggaamiyayaasha ururkan haysata caqabad ah inaanay badankoodu ka tirsanayn Baarlamaanka dalkaas, maadaama oo raysalwasaaraha laga soo dhex dooran doono baarlamaanka. Laakiin shakhsiyaad ururkan iyo bulshada oromada ixtiraam siyaasadeed ku dhex leh ayaa ka mid ah baarlamaanka kuwaas oo laga yaabo inuu midkood noqdo raysalwasaaraha Itoobiya.
Dr. Abiy Ahmed; ayaa ka mid ah ragga aad loo hadal hayo, waxaanu Dr. Abiy ka tirsanyahay baarlamaanka. Sidoo kale Lemma Megersa oo ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee ururka OPDO ayaa isna u dhow inuu noqdo raysalwasaaraha Itoobiya. Wasiirka arrimaha dibadda ee wakhtigan Dr. Workneh Gebeyehu ayaa isna ka mid ah hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee qoomiyadda Oromada ee aad loogu hadal hayo inuu qabto xilkan raysalwasaaraha Itoobiya.
Raggan siyaasiyiinta ah midkood ayay u dhowdahay inuu noqdo raysalwasaaraha Itoobiya, waxaana la aaminsanyahay in Itoobiya geli doonto xaalad siyaasadeed oo degen haddii uu raysalwasaaraha dambe noqdo mid ka soo jeeda qoomiyada oromada oo muddooyinkan dambe dalkaas ka waday dibad baxyo xoogan.
Si kastaba ha ahaate, maalmo aan dheerayn ayaan la arki doonaa shakhsiga noqon doona raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya oo la eegi doono inuu wax ka bedelo jawiga siyaasadeed ee ay Itoobiya hadda ku sugantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here