KULMIYE Iyo WADDANI Oo Hawada Isu Mareeriyay Weerar Iyo Weerar Celis Ku Saabsan Ardayda Jaamacadda Timacade

0
804

Hargeysa ( Geeska)-KULMIYE iyo Waddani oo ah laba xisbi oo uu tartan adagi ka dhexeeyo ayaa hawada isu mariyay eedaymo ku saabsan in ardayda wax ka barata jaamacadda Timacade ee gobalka Gabiley ka mid noqdaan shaqaalaha guddiga doorashadu u qaadanayaan hawlaha doorashada madaxtooyada.

Siyaasi Muxumed Aw Cabdi oo kamid ah saraakiisha KULMIYE u qaabilsan komishanka doorashooyinka qaranka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa shalay ayaa WADDANI  u soo jeediyay inuu diidanyahay in ardayda jaamacadda Timacade ka mid noqdaan shaqaalaha guddiga doorashada. Laakiin xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade ayaa beeniyay eeddaas.

KULMIYE

Siyaasi Muxumed Aw Cabdi ayaa ugu horayn yidhi  “Reer Gabiley waxaan u sheegayaa ninka maanta leh jaamacaddii Timacadde uma ictiraafsani jaamacad, shaqaalaha Komishankana ka mid noqonmaayaan, annagu wuxuu Gabiley u soo wado garanmayno, waxay soo wadaan iska daayoo shaqaalaheedii bay diidan yihiin, in maanta WADDANI yidhaahdo jaamacaddaasi jaamacadaha dalka la xuquuq maaha waa ayaandarro,” ayuu yidhi Muxumed Aw Cabdi.

Muxumed Aw Cabdi wuxuu intaas raaciyay “Markay doorasho timaaddo tallaabo ku saabsan doorashooyinka qaranku xeer baa lagu dabbaqaa, xisbiyadii mucaaridka ahaa, siiba WADDANI waxay caadaysteen in markasta oo xeer la la soo saaro oo guddoomiyeyaasha laga saxeexo in iyada oo aannu toddobaad kasoo wareegin xeerkii lagu tunto, iminkana iyada oo doorashadii foodda innagu soo hayso xeerkii hab-dhaqanka xisbiyada ee doorashadaas ayaa maalin dhawayd la kala saxeexday, maalintii taas ku xigtayna xisbiga WADDANI wuxuu ololihii iyo sharci-jebintiiba ka bilaabay gobolka Hawd.”

Waddani

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade oo isna eedayntaas ka jawaabay ayaa yidhi “Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu waxay cod ku raadinayaan war aan jirin inay bulshada u tabiyaan, Gabiley waa Waddani, Jaamacada Gabileyna waa jaamacadiisii umadana ma qabato reer Gabileyna ma qabato reer Somalilandna ma qabto inaanu nidhaahno Arday jaamacad dalka ka mid ahi kama qaybgalayso arinta doorashooyinka oo Komishanka doorashooyinka Qaranku ma qornan karo anagu ma odhanayno.

Si ay ugu helaan cod waxa warbaahinta uu Xisbiga Kulmiye ku sii daayey in xisbiga Waddani diidan yahay jaamacada Gabiley waa hadal laga xishoodo, hadal dadka lagu yidhaahdo maaha, hadal ay geyaan maaha, hadal xisbiga Waddani gayo maaha, aad iyo aad ayaanu uga xunahay, waxaanu leenahay jaamacada Gabiley waa dugsigii Qalaxoo waa hormoodka Somaliland iyo Jaamacadaha dalkuba, midwalba qadarin iyo ixtiraam ayaanu u haynaa diyaarna waanu u nahay, waana hawshii Komishanku lahaa, waxaanu jecelnahay in Komishanka Qaranku arintaa xisbiga Kulmiye uu warbaahinta galiyey oo aanay waxba ka jirin inuu talaabo degdeg ah ka qaado.

Waxa kale oo aanu u sheegaynaa arinta gobolnimada ee ay ku celceliyaan xisbiga Kulmiye todoba sanadood ayuu dalka joogay, Golaha Wakiiladu way u qoreen Madaxweynaha in Gabiley laga dhigo gobol cida hortaagani ma ayo ma Waddanibaa. Gudoomiye Cabdiraxmaan gudoomiye ayuu ka ahaa Golaha Wakiilada markii loo qoray in Gabiley laga dhigo gobol iyo goboladii kale ee la magacaabayba, cida hortaagani waa Kulmiye maxay waxa ay bari u qabanayaan ay maanta ugu qaban la’yihiin Gabiley.”