“KULMIYE Iyo Waddani Nabadda Aynu Haysano Ayay Khalkhal Inaga Gelinayaan”Eng Faysal Cali Waraabe

1
629

Hargeysa(Geeska)-Hoggaamiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa muranka ka dhashay doorashadii golaha wakiilada ka dhacday wuxuu ku tilmaamay sawir sii fasiraya natiijada doorashada madaxtooyada iyo sida loogu murmi doono.

Faysal oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa yidhi "Aniga iyo shabiga Somaliland golahaas meel ayaanu ka wada taaganahay, waa gole aan xisbi, deegaankii laga soo toortay iyo qaran toona aan u shaqayn dhawr iyo toban sano ayay meesha fadhiyeen mushahar uuna way inaga qaataan wax alle iyo waxay qabtaan aanay jirin,markaas anaga iyo shacbiga Somaliland midkaayan kalsooni kuma qabno."

musharaxa xisbiga Ucid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Waxa iigu danbaysay iyada oo lays tahniyadeeyay, haddii lays tahniyadeeyana waa uu dhamaaday waxay leeyihiin hadana waa lays haystaa, Alle ayaa mahad leh, waa digniin shacbiga Somaliland la siiyay waxa codeeyay sideetankii oo waliba badh uu maqnaa waxaana isku haysta labadan xusbi ee layliga ah sidee aynu u eekaan doonaa doorashada soo socta ee madaxweynaha,waa taan leeyahay nimankaasi inay horumar keenaan iska daaye waa Kulmiyihii shalay iyo ka maanta, waa qoladii Kulmiye ka soo kacday ee shanta sano dalka xukumaysay, iska daa inay dalkan faa'ido keenaan ee nabadaas aynu haysano ee Alle inagu manaystay ayay khalkhal inaga galinayaan labadaas xisbi, waxaanu jecelnahay inaad ka footaysaan isbadal ayuu dalkani u baahan yahay, ixtiraam ayuu u baahan yahay oo dhalinyaradu shaqo ayay u baahan tahay in dadka la mideeyo ayaa loobaan yahay, labada xisbi waa qaybiyayaal dad wax midayn kara maaha, tanina waa digniin layna leeyahay qudhaanjooy ku quuso, nimanka maanta isku haysta baarlamaan bilaa macne ah oo aduunka iyo qarankuba ay naceen oo aan waxba ku filnayn oo iska fadhiya oo dhacay oo aan sharci ku fadhiyin oo isku haysta guddoomiye ayaan ahay iyo maaha ee anigaa guddoomiye ah, waxay ku tusaysaa masuuliyad darada, dad u tudhid la'aanta  ee kooxda halkaas ku jirta, waxaanu leenahay labadaas xisbi( Kulmiye iyo Waddani ) 1994 ayay idinku celinayaan oo nabada yar ee aad haysataan ayay idinka baabiin doonaan, waxaanu leenahay dhalinyarooy ka footeeya oo mustaqbalkiina eega."

 

Comments are closed.