KULMIYE Iyo Ucid Oo Ku Heshiiyay Inay Doorashooyinku Qabsoomaan Sannadkan 2019

0
1288

Hargeysa(Geeska)-Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ayaa soo saaray bayaan ah inay si wada jir ah ugu  heshiiyeen in doorashada golayaasha wakiilada iyo deegaanku ay ku qabsoonto gudaha sanadkan 2019, in komishanka lagu kordhiyo laba xubnood iyo in doorashada soo socota ay diyaar u yihiin inay ku galaan laba xisbi haddii xisbiga Waddani uu ku adkaysto in komishanka doorashooyinka la kala diro.

Waxa heshiiskan wada jirka ah ee labada xisbi ee Ucid iyo Kulmiye ay soo saareen ku saxeexnaa Eng. Faysal Cali Waraabe oo ah hoggamiyaha UCID iyo Axmed Cabdi Dheer oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Ucid, waxaana uu u dhignaa heshiiska wada jirka ah ee ay soo saareen sidan

“Anaga oo tixraacayna qodobada ka soo baxay heshiiskii is afgarad ee xisbiyada Waddani, Kulmiye iyo Ucid ee ku dhex maray qasriga madaxtooyada Somaliland kuna taariikhaysnaa 16-12-2018 ee xisbiyada qaranka Somaliland ay sida wada jirka ah ugu go’aamiyeen in doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanku ay qabsoomaan dhamaadka sanadka 2019-ka.

Sida oo kalena tixgalinayna muhiimada qaran ahaan ay inoo leedahay qabsoomida doorashada golayaasha wakiilada iyo deegaanka iyo dhibaatada ka dhalan karta dib u dhac danbe ku yimaada doorashooyinkaas. Ixtiraamaynana fariinta qaran ahaan inooga timi beesha caalamka taas oo ahayd in dhammaad sanadkan 2019-ka aynu qabsano doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka.

Hadaba iyada oo ay xisbiyada Ucid iyo Kulmiye  ay mar walba danta qaranka ka hormarinayaan danahooda siyaasiga ah,waxay isku afgarteen qodoban.

1-Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye waxay isku afgarteen in doorashada golayaasha deegaanka ay qabsoonto bisha Novenber ee sanadka 2019-ka.

2-Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye waxay isku afgarteen in komishanka doorashooyinka ee imika jiraa uu qabto doorashooyinka, maadaama oo aanay jirin sabab sharci oo loo kala diro.

3-Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye  waxay isku waafaqeen in waxkabadal lagu sameeyo xeer 20 qodobkiisa 11-aad komishanka doorashooyinka cusubna laga dhigo 9 xubnod.

4-Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye waxay isku afgarteen in aanay aqbalin dib udhaca doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka, sidaas daraadeedna aanay doorashooyinku u hakan doonin hadii xisbiga Waddani uu ku adkaysto go’aankiisa uu ku qaadacay komishanka, waxaanay labada xisbi diyaar u yihiin doorasho laba xisbi ah sanadka 2019-ka.

5-Xisbiyadu waxay isku waafaqeen inay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta sharafta iyo sumcada ay Somaliland ku kasbatay doorashooyinka dimuqraadiga ah sida oo kalena aanay marnaba aqbali doonin dib u dhac danbe oo ku yimaada doorashooyinka.

Ugu danbayn, xisbiyada Ucid iyo Kulmiye waxay u soo jeedinayaan golaha guurtida JSL inay tixgaliyaan heshiiskan isla markaasna ay mudo kordhinta farsamada ah  ee ay samaynayaan ay ku saleeyaan heshiiskan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here