“KULMIYE, Boorama Ayaa Loo Sii Wadaa, UDUB Markii Boorama La Geeyay Ayuu Ku Dammay, Haddii Aan La Doonayn Inuu Halkaas Ku Dhinto Hala Soo Celiyo”

0
1214

Hargeysa(Geeska)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka digay in shirka xisbiga KULMIYE la geeyo magaalada Boorama, waxaanu ku taliyay in haddii aan la doonayn in xisbigaas la baabiiyo shirkiisa lagu qabto magaalada Hargeysa ee caasimadda ah.

Waxa Boqorku arimahan kaga hadlay caleemasaar suldaan oo uu kaga qaybgalay Gabilay,  isaga oo arimahan ka hadlaayayna waxa uu yidhi “KULMIYE, Boorama ayaa loo sii wadaa, UDUB barigii boorama la geeyay ayuu ku damay, haddii aan la doonayan inuu halkaas ku dhinto halasoo celiyo, oo shirka caasimada halagu qabto, waxna waa layskaga ogaa. Waxaan maqlayaa xisbigii Kulmiye waa la kordhinayaa, waxaan maqlayaa doorashadii waa la kordhinayaa labada midna dadka dani uguma jirto, cid ay dani ugu jirtaa ma jirto. Waxaan leeyahay xisbiga Waddani waa inuu aqbalaa inay doorashadu dhacdo waxa uu gar u leeyahayna waa in looga garaabaa, maadaama oo aynu indhihii dadka ku joogno hadday yidhaahdeen raga garta naqaaya hala naga badalo xaq inay u leeyihiin ayaan u arkaa anigu, waxaan leeyahay dalka dhaqaalihiisii waa uu xidhan yahay  dimuqraadiyadana yaan la xidhin oo albaabada laga xidhin, Suldaan Xasan iyo Ibraahin Jaamac Samataroow maalinba ninbay taladu ku soo jeedaaye gacmahiina yay ku dhimanin, dadka doorasho haloo qabto oo golaha guurtidu ha ka joogeen, yaan la kordhin ee doorasho hala qabto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here