Kullankii MASALAHA Hargaysa Iyo Wajiyadda Qarsoon W/Q: Mohamed  Hassan Daacad

0
715

Waxa uu kullan inta badan Waraabinta laga qariyay,waxaana uu qabsoomay iyadda oo dadku ay siyaasadda maalmahaas kaga nasteen Cidaabaddii Bisha Barakaysan ee RAMADAAN iyo Maalmihii ciidda ee ka danbeeyay,waxaana lagu asteeyay inuu qabsoomay Maalin Jimce ah,8-dii Julay,2016-ka,waxaana uu ka dhacay Gurri uu leeyahay mid ka mid ah Ganacsadda Reer Hargaysa oo ku yaalla Xaafadda Masalaha ee Koonfurta Caasimadda.

1

Ka Hor Inta aannu kullankani qabsoomin,waxa kasoo baqoolay Deegaamadda Berrigga,gaar ahaana Ceerigaabo iyo Burco Muddan badan oo ka tirsan Labbeenta Umadda Deegaamaddaasi,waxaanay habeenno ku baryeen Magaaladda Hargaysa,intaas ka dibna waxa la guddo-galay Ujeedkii Kullanka.

Qormaddeenan kooban,waxaynu ku eegaynaa Shirkan iyo Waxa kala dhalan-kara,Wajiyadda Qarsoon ee ku hirdamaya iyo Sawirradda dirtaba laga bixiyay gundhigooda iyo Koox kastaaba ujeedka ay qaabkaas ugu dhigayso.

Yaa Soo Abaabulay Shirkan?

Sida dad badan oo looga qaateen ahi sheegeen,Qeybaha Warbaahintuna baahisay,Shirkanni,waxa dalabkiisa lahaa Hal-doorka Beelaha Galbeeka Burco,waxaanayxidhiidh la-soo sameeyeen Dhiggooda Magaaladda Hargaysa. Siyaasiyiinta Iyo Wax-garadka Hargaysa,ayaa iyaguna dalabkaas kullanka ah aqblay,waxaaay intaas raaciyeen inay Iyaggu Gogasha hor-dhaca ah fidinayaan,sidii baanay u dhacday oo Kullankii ku qabsoomay.

Intii uu shirkaasi socday,ayaa waxa hadallo kooban jeediyay shaqsiyaad Siyaasiyiin iyo ganacsato u badan oo labadda dhinac ka kala socday,iyadda halkaas lagu soo bandhiggay dhacdooyin hore oo labadda dhinac dhex-maray iyo waxa laga yeelayo.Guud ahaana kullankaas waxa uu kusoo gabo-gaboobay is-afgarad ay dhinacyaddu u-wada guuxeen.

Waa Ayo Wajiyadda Qarsoon Ee Hirdanku Dhex-marayaa?

Sida dad badani ay ka dherag-sanyihiin Beesha  Koonfurta Hargaysa iyo Deegaanka Sallaxley,waxay muddo dheer soo taageerayeen Xisbigga Mucaaradka ah ee UCID oo ah Xisbigga ugu da’da weyn Somaliland,intaas oo sanno-na waxa kursigga Gudoomiyaha Xisbigga ku fadhiya Eng.Faysal Cali Waraabe,kana mid ah aas-aasayaashii Xisbigga dhawr iyo tobban sanno ka hor.Labbo tartan oo uu u cararay Madax-tinimadda kumuu guulaysan,waxaana doorashooyinkaas ku kala guulaystay Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweyne-nihii saddexaad ee ay Somaliland yeelato iyo Madaxweynaha haatan Axmed-Siilaanyo,waxaanay taasi keentay inay soo baxaan siyaasiyiin badan oo aan Gudoomiye Faysal kula aragti ahayn majaraha Siyaasaddeed ee ay tahay inuu Xisbiggu qaado.

Kala-Jabkii ugu weynaa ee Xisbigga UCID soo waajaha,ayaa waxa uu dhacay markii Cabiraxmaan-cirro iyo siyaasiyiin kale ay is-qabteen Faysal Cali Waraabe,taas oo keentay inay Maxkamadda sare ka gar-naqdo murranka Xisbigga oo ugu denbeyntii loo xukumay Gudoomiye Faysal. 

Intaas ka dib,waxa is-soo-tarayay kala fogaansha Siyaasaddeed ee u dhexeeya Beelaha Walaalo ah ee Hargaysa iyo Galbeedka Burco,taas oo wajiyo badan yeelatay.

Waxa dhinaca kalena,socday dedaal ay hormuud ka yihiin Siyaasiyiin iyo wax-garad kale,taas oo la-rabay in lagu soo afjaro Kala-fogaanshaha Siyaasaddeed ee Labadda dhinac.

Waxa Talaabooyinkaas sannaddiihii ugu danbeeyay hormuud ka ahaa Siyaasigga afka gaaban ee Cali Ibaarim  Maxamed (Cali-Sanyare) oo ahaa Wasiirkii Qorshaynta ee Xukuumaddii Daahir Rayaale.

Cali-Sanyare sidoo kale waa shaqsi muxtarim ka dhex ah Beelaha uu kasoo jeeda,waxaana uu haatan dedaal xoogan ku bixiyaa sidii loo dhemaystiri lahaa Jidka Laamigga ah ee isku xidha Magaalooyinka Hargaysa iyo SALLAXLEY.Waxa uu inta badan xidhiidh dhaw la-leeyahay Dhalinyaradda,Aqoon-yahayn,Ganacsatadda iyo Qurbejoogga Beesha,waxaana lagu tilmaama shaqsigga ugu saamaynta badan haatan ee Beelaha Koonfurta Hargaysa iyo Deegaanka Gaarooddigga ee Degmadda Sallaxley ka tirsan-tahay. Waxa uu aamin-sanyahay aragtida odhanaysa in midnimmo wax lagu noqon karo;Qoys,Qabiil iyo Qarran-ba. Waxa in badan ka tallo-qaata shaqsiyaad saamayn toggan Bulshadda ku leh.

Waxa Isna Loolanka Deegaanka kusoo biiray Ismaaciil Buubaa oo intii ay Somaliland jirtayba ku maqnaa Dalka Somaliya,isla-markaasna Xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumaddihii kala danbeeyay ee Somaliya,waxaanay wax badan isku-aragti ka-yihiin Siyaasi Cali-sanyare.

Beelaha Koonfurta Hargaysa iyo Deegaanka Sallaxley,waxay u muuqataa inay muhiimad weyn u leeyihiin Xisbiyadda la-filayo inay Doorashadda soo socota ku loolamaan,waxaana ilaa hadda ugu cad-cad Xisbiyadda WADDANI Iyo KULMIYE.

La-soco Qeybta labbaad,maalinta berri ah.

W/Q: Mohamed  Hassan Daacad

Suxufi iyo Qoraa,

Email.Daacad461@gmail.com