Kulankii Lagu Faaqidayay Xeer U samaynta Sanduuqa Dhallinyarada Oo La Soo Gunaanaday

0
612

sabHargeysa(Geeska)-Kulan Laba Maalmood Socday oo lagu Gorfeynaayey Xeerka Aasaaska Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada ayaa lagu soo gabo gabeeyey Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa .

Kulankaasi ayaa Wax soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xusseen Dhabeeye, waxana ka taageertay hay’adda Mercy Corps oo taageero dhaqaale ka helaysa USAID, kulankaasi wax laysla meel dhigay qodob muhiim oo ku saabsan Hanaanka Sanduuqaasi lagu maamuli doono iyo xeerka hagidoona Gudida Sanduuqaasi loo xilsaro.

Agaasimaha Guud ee Wasarada Dhalinyarada Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye oo kulankaasi hadalo dhiirigalin ah ka jeediyey ayaa wax uu sheegay in sanduuqani yahay mid dhalinyarada reer Somaliland iska leeyihiin oo loogu tallo galay in lagu kobciyo dhaqaalahooda si ay isku filnaan u gaadhan, wax kale oo uu sheegay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo diyaar u tahay dhiirigalinta dhalinyarada dalka isaga oo guul weyn ku tilmaamay in Madaxweynuhu lacagtii ugu horeysay uu ku yabooho taasina waxay ka turjumaysaa ayuu yidhi sida Xukumadu heeganka ugu jirto in ay caawiso dhalinta wadanka,Wax kale oo uu mahad naq balaadhan u jeediyey Xubnihii iyo Hay’adihii ka qaybqaatay kulankaasi qabsoomidiisa, wax kale oo uu soo dhaweyey Qodobada laga soo saaray Kulankaasi Labbada cisho Socday.

Agaasimaha Guud ee Dallada Sonyo Siciid Maxamed Axmed oo isaguna kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa ka hadlay Qiimaha uu kulankankaasi lagu gorfeynayey hanaanka uu u shaqeyn doono sanduuqa horumarinta dhalinyarada, isaga oo sheegay in guul weyn u tahay Somaliland in dhalinyaradeedu yeelato sanduuq ugaar ah oo wixii baahiyahooda ah lagu daboolo.

Cali Maxamed Jaamac oo ka socday Hay’ada Mercy Corps oo soo qabanqaabisay Kulankaasi ayaa sheegay in Muhiimad weyn uu lahaa kulankan labada cisho socday isaga oo tilmaamay in hay’adoodu mar walba u taagan tahay dhiirigalinta iyo wax la qabashada dhalinyarada Somaliland, sidaasi darteedna ay garab taagan yihiin Sanduuqaasi loo sameyey dhalinyarada Dalka, isaga oo xusay in wixii ay tabarucaad ah ee ay hayaan ay ku daridoonan, wax kale oo uu ka hadlay waxqabad badan oo hay’ada Mercy Corp ay ka qabatay dhanka waxbarashada iyo Dhalinyaradaba.

Wax kale oo iyaguna hadalo kala Duwan ka jeediyey Kulankaasi Xubnihii faaqidayey xeerkaasi loo Sameyndoono Sanduuqa Horumarinta dhalinyarada Somaliland kuwaasi oo isku jiray Aqoonyahano ka kala socday ururo, Jaamacado, iyo Garyaqaano ku xeel dheer Sameeynta xeerarka. Wax kale oo iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyey Masuuliyiin ka kala Socday Shirkadaha Dahabshiil iyo Telsom waxayna Balanqaadeen in wixii Itaalkooda ah ay la qaban doonan dhalinyarada gaar ahaan qaybtooda ka qaadanayaan Sanduqaasi qaadhanka loo ururinayo.