Kulan Cilmiyeedyo Ku Saabsan Dhaqaalaha Islaamka Oo Ka Bilaabmay Hargeysa

0
720

Hargeysa(Geeska) – Muxaadarooyin taxane ah iyo kulan cilmiyeed ku saabsan Nidaamka Dhaqaalaha Islaamka & Saamaynta uu Bulshada ku leeyahay, ayaa  ka bilaabmay Masaajidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa.

Muxaadarooyinkaasi iyo doodahaasi cilmi oo si taxane ah uga socon doona Masaajidka muddo lix habeen ah, waxa lagaga hadli doonaa lix mowduuc oo kii u horreeyay uu  furay Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir.

Maamulka Masaajidka, Sh. Maxamed Aadan, oo ka hadlay hordhacii furitaanka Barnaamijka ayaa sheegay in ahmiyad weyn uu leeyahay mowduucani, maadaama uu ka hadlayo xalaasha iyo xaaraanta qofka wixii calooshiisa gelaya. Waxana uu sheegay in masaajid ahaan ay guul weyn u tahay in sannadkan dhexdiisa ay qabsoomaan laba nadwo cilmi oo tii horena ciwaankeedu ahaa “Cudurada Ijtimaaciga ah”. Waxa uu sheegay in kan Dhaqaalaha islaamiga ah & Saamaynta uu Bulshada ku leeyahayna si xidhiidh ah u socon doono muddada loogu talogalay.

Dr. Cabdiqani Xuseen, oo ka tirsan Machadka Beder ee Daraasaadka mustaqbalka iyo la talinta; oo ka hadlay furitaankii barnaamijka; ayaa isna ka warramay ahmiyadda uu leeyahay mowduuca Dhaqaalaha Islaamiga ah.

Kadib hordhacii barnaamijka ayaa Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir uu gudogalay muxaadaro aad u qiimo badan oo uu ciwaankeedu ahaa aayadda Qur’aanka ah ee “illaahay baa xalaaleeyay iibka, oo xaaraantimeeyay ribadda”. Taasi oo uu kaga warramay dhinacyo badan oo ay ka mid ahaayeen Xalaasha iyo wixii la xidhiidha, Ribadu waxay tahay, xukunkeeda sharciga ah, xikmadda loo xaaraantimeeyay, noocyadeeda iyo  khatarta ay bulshada ku leedahay.

Haddaba Muxaaradii oo kooban waa tan:

Sheekhu wuxuu muxaadarada ku bilaabay xadiiskii nabiga (SCW) ee macnihiisu ahaa; ribada, sinada iyo khamriguba way faafi doonaan waxaana iman doona wakhti qof waliba ribo cuno oo ka ugu yar boodhkeedu soo gaadhi doono. Wakhtigaas oo ribada, sinada iyo khamriga dadku u qaadan doonaan ilbaxnimo iyo horumar.

Waxaa kale oo sheekhu sheegay;

In Alle subxaanahu hinaaso (hinaase isaga u qalma sarreeye) oo uu ka hinaaso qofku markuu xaaraan iyo waxaan banaanayn ku dhaco.

Rabbi sarreeeye inooma diido wixii dani inoogu jirto ee wax kasta oo dani (if iyo aakhiroba) banii aadamka waa u banneeyey. Arintuna maaha sida dadka qaar leeyihiin ribada horu marbaa lagu gaadhaaye aynu qaadano oo sidii baruurta iyo jiidhka isku cunno oo caalamka wax la qabsano si aynaan u hadhin. Hadii dadka qaar leeyihiin waxaa dib inoo dhigay deyn la’aan waxaa xaqiiqo jirta ah in deyn la’aan la shaqaysan karo sida hadaba dadkeena inta badani yagoon baanan waxba ka qaadan u shaqyastaan.

Alle subxaanahu wadada toosan iyo ta qoloocanba waa ina tusay ikhtiyaarna waa inna siiyey, ikhtiyaarkaasina waa aasaaska Alle inagu imtixaamayo ee laynagu kala saari doono marka noloshan adduunyadu dhamaato. waxa kale oo sheekhu soo qaatay xadiiskii macnihiisu ahaa xaaraantuna way caddahay xalaashuna way caddahay wixii labadaa u dhexeeyana waa in layska jiro.

Shareecadda Islaamka:

Shareecada Islaamka waxaa loo dejiyey inay dadka dhibka ka joojiso khayrkana dhiiriso.

Wadada badbaadadu way caddahay markaa waa in laga dheeraado wax kasto oo dhibaato qofka diintiisa ku keenayo.

Qofka dhawrsani waa ka Alle dhawro waana inuu Alle u mahad naqo maadaama oo uu xumaan iyo xaaraan ka dhawray.

Ku dedaalida xalaashu waa waajib ilaahay rusushiisii iyo muuminiintaba uu faray, qofkuna inuu ka shakiyo maaha wixii ilaahay u qoray ee risiq ah waayo markasta wuu helayaa oo sida mawdku u daba socdo ayaa risiqiisuna u daba socdaa.

Faa’iidooyinka Xalaal cunista

o   In quluubtu ku hagaagto.

o   In lagaga badbaado halaaga

o   macaankaa iimaanka oo lagu gaadho

o   In lagaga badbaado hilibka xaaranta ku baxo oo naarta lagu jaro.

o   Ducada oo la aqbalo

Ribada:

Ribada macnaheedu luuqad ahaan waa siyaado (dulsaar).

Sharci ahaana waa siyaado (dulsaar) waxyaabo gaar ah, sida amaahda iyo laba shay laysku badalanayo oo la kala badiyo iyadoo in la kala badiyo aanay ahayn.

Noocyada Ribada;

Ribaa Al Fadli (ribada gasha raashinka iyo lacagaha isku midka ah) shuruudeeduna waa is leegaysiin iyo in markiiba la kala qaato

Ribaa Al-Nasii’ah (Deynta oo lacag la dul saaro) carabtii hore iyo yuhuuda ayaa isticmaali jiray xoolaha nool iyo lacagtaba way ku kala qaadan jireen.

Xukumka, Xikmadda, Daliiladeeda, iyo Dhibkeeda:

Alle bayca (iibka) ayuu xalaaleeyey ribadana waa xaaraantinimeeyey.

Akhlaaqda iyo iyo ruuxdaba way xumaysaa (qanigii ayaa faqiirkii ku shaqaysanaya).

In dhaqaalihii loo jiheeyo jiho aan Alle iyo Rasuulkiisa midna ogolayn.

Maalkii muslimiinta oo gacanta cadawgooda galay, ribadii kasoo baxdayna markay diideen hub muslimka lagu laayo la siistay.

Ribadu waa dhaqanka yuhuudda

Dadka ribada cunaa aakhiro waxay imanayaan iyagoo sidii qof la derderay (waalan) ah.

Ribada dalka iyo maalka lagaga shaqeeyaaba waa bilaa barako (barako ma jirayso inta ribo jirto).

Qofka ribada cunaa waa qof Alle subxaanahu dagaal kula jira.

Nacdasha (naxariis ka fogaynta) Alle waxay dusha ka saarantahay cidda ribada cunta, markhaatigeeda gasha iyo cidda u kala qortaba

Cidda ribada cuntaa Alle kamay cabsan.

Ribadu waa waxyaabaha cadaabal qabriga sababa.

Ribadu waa waxyaabaha ugu waaweyn ee umadaha lagu halaago.

Ribadu waa waxyaabaha ummadaha lagu dooriyo.

Ribadu waa70 baab (qaybood) shirkiguna waa la mid.

Ribadu way ka darantahay 36 jeer oo qofku sinaysto, ta ugu sahlanina waa inuu ninku hooyadii wax kadayo (ka sinaysto).

Maalka ribadu gasho sadaqadeeda Alle ma aqbalo.

Ducada riba cunaha Alle ma aqbalo.

Ribadu dhaqaalaha way dib dhigtaa ee ma horumariso.

Alle waxyaabo wanaagsan oo ay heli lahaayeen ayuu kaga joojiyaa cidda ribada cunta.

Dulumaadka (mugdiyada) ugu waaweyn weeye ribadu.

Ribadu waxay kala dhex gashaa qofka iyo khayrka, waayo ujeedada deynta islaamku ka leeyahay maaha adduunyo ee waa samo fal.

Ribadu waxay dishaa naxariista.

Faa’iidooyinka aynku casharkan ka qaadanayno:

1.       In lagu joogsado daliilada go’an ee Alle subxaanahu ku xaaraantinimeeyey ribada.

2.       In laga dheeraado caadooyinka jaahiliga ah Allena la raalli galiyo.

3.       In ribadu tahay sida foosha xun ee Alle u sheegay.

4.       In xayawaanka nool laysku iibin karo.

5.       Sarifka ribo  ma galayso hadii markiiba la kala qaato.

6.       Ciinadu inaanay bannaanayn.

7.       Wanaaga Islaamka iyo naxariistiisa.

8.       Inaan lala macaamilin loona shaqayn baan ribo ku shaqeeya.

9.       Share (saamiga) ka baanka ribada ku shaqeeya inaan la iibsan Karin.

10.   Caymisku inuu xaaraan yahay.

Maxaa Badal noqon kara:

1.       Qardul xasan (deyn aan wax dulsaar ah lahayn) oo la kala qaato layskana soo celiyo mudada lagu ballamay.

2.       Mudaraba (wada shaqaysi)

3.       Muraabaxa (Alaab kala iibsi faa’iido laysa saarayo)

 

Xalka:

 

Raxmadi inay jirto oo aan ummadda faa’iido badan la saarin

Baananka Islaamiga ah inaanay dadka ladan wax siin ee dadka faraha madhana caawiyaan iyagoo wixii damaanad ah ka qaadaya.

In shareecadda inta la hubo ee laysku waafaqsanyahay la waafajiyo baananka islaamiga ah.

 

Talo soo Jeedin:

Dadka gudaha iyo dibaduba inaanay la maacaamilina baananka ribada ku shaqeeya ee ay la macaamilaan kuwa islaamiga ah ama lacagta ganacsi xalaal ah kaga shaqaystaan si ummadda xoolaheedu xalaal u noqdaan.

 

 Allaa Mahad Leh,