Kulan Aqoon Wadaag Ah Oo Lagu Gorfaynayay Nidaamka Somaliland Oo Xalay Ka Qabsoomay Hargeysa

0
821

Picture1Hargeysa (Geeska)- Waxaa habeenkii xalay Hoolka Shaqaalaha ee Caasimadda Hargeysa ka qabsoomay kulan Aqoon Wadaag ah oo lagu gorfaynayay Nidaamka Dawladnimo ee Somaliland.

Kulankan Aqoon Wadaaga ah ayaa waxaa soo agaasimay Eng. Cumar Cabdi Yuusuf oo ah Mudaawin Aqoon yahan ah oo ku nool wadanka Maraykanka, waxaana ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Ardayda Jaamacaddaha Caasimadda, Hal Abuuro iyo Marti-sharaf. Ujeedada Aqoon Wadaagan ayaa lagu naaqishayay Dib u habaynta Nidaamka Somaliland ee Cadaalada, Nabada, Dimuquraadiyadda, Dawladda Wanaaga, Kobcinta Dhaqaalaha, Shaqo Abuurida iyo Horumarka Waara. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Maxamed Cabdalle Cilmi oo ku hadlayay magaca Bulshada Rayidka ah waxaana uu soo dhaweeyay Kulankan Aqoon Wadaaga ah, isagoo xusay in kulankani muhiim yahay dhiiri-gelinayana guud ahaanba Dhalinayrada Somaliland.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay oo si qoto dheer uga hadlay ugana war-bixiyay ujeedada Kulan Aqooneedka ah Eng. Cumar Cabdi Yuusuf oo isagu soo qaban-qaabiyay kulankaas, waxaana uu ku nuux-nuuxsaday ujeedada kulankaas ee Dib u Habaynta Nidaamka Somaliland iyo Doorka ay ka qaadan karaan Dhalinyaradda Somaliland, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Ugu horayn waxaan aad iyo aad uga mahad-celinayaa Masuuliyiinta, Ardayda, Hal-abuurada iyo Marti-sharaftaba sida aad uga soo qeyb-gasheen kulankan oo runtii ah mid muhiim u ah guud ahaanba Bulshadeena Somaliland, kulankeenani maaha runtii mid ku fadhiya mucaaradad iyo ujeedo kale laakiin waxaynu gorfayn doonaa Dib u Habaynta Nidaamka Somaliland, runtii ka Somaliland ahaan waxyaabo baddan ayaa inoo qabsoomay oo aynu ku faani karo, laakiin waxaad mooda in waxooga xaga Nidaamka wax inaga yara qabyo yihiin waana u jeedada aynu Caawa {Xalay} halkan iskugu nimid, waxaanan doonaynaa inaynu dhamaanteen weliba ka Dhalinyaro ahaan inaynu ka wada Hawl-galno sidii ayn u wax u sixi lahayn” ayuu hadalkiisi ku soo koobay. Waxaa iyaduna halkaasi ka hadashay Marwo Sucaad Ibraahim Cabdi oo Eng. Cumar Cabdi Yuusuf iyo dadkii ka soo qeyb-galayba uga mahad-celisay Kulan Aqooneedkaas, waxaana ay xustay inuu kulankani muhiim yahay ayna ka shakhsi ahaan ay aad iyo aad u soo dhawaynayso. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay dhalinyaro ka kala socotay Ururada Dhaqanka oo dhamaantood si isku mid ah u soo wada dhaweeyay Kulan Aqooneedkaasi.

Ugu dambayntii waxaa kulanka aqoonaadkaasi soo gunaanaday Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dhaqanka Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) waxaana uu xusay inuu ku faraxsan yahay inuu kulan caynkan oo ah uu ka soo qeyb-galo, isagoo uga mahad-celiyay Eng. Cumar Cabdi Yuusuf iyo Martidii ka soo qeyb-gashay ee Dhalinyaradda u badnayd.