Ku Cibro Qaado Qisadan Oo Dhowr Wacad Aad Gasho

0
1032

Hargeysa (Geeska)- Waxaa jiri jiray laba nin oo ahaa walaalo aad isu jecel ah, labadan nin oo mid kastaa gaarkiisa u lahaa geel aad u badan ayaa caado u lahaa in ay labadooda reer wada dejiyaan isuna kaashadaan hawlahooda adduun iyo xoolo dhaqashada. Deegaanka ay labadan nin ku noolaayeen waxaa mari jiray tog durdur ah agagaarkiisuna sannadka oo dhan barwaaqo yahay.

Waqti waqtiyada ka mid ah ayaa waxaa dhacday abaar ba’an oo aanay hore u baran, ugana tabaabusho lahayn, labadii nin xoolihii baad iyo biyo labadaba waa ay u waayeen. Markii ay arkeen in haddii ay xaaladdan ku sii jiraan xooluhu la le'anayaan, ayaa ay talo isugu yimaaddeen, laakiin go’aankii ay qaadan lahaayeen ayaa ay isku mari waayeen. Midkood ayaa soo jeediyey in xoolaha ay u raraan tog kale oo barwaaqo ahaa oo ku dhow deegaanka, laakiin kii kale ayaa aad uga gaws adaygay waxa aanu u sheegay in uu aad uga cabsi qabo Abeeso weyn oo deggenayd toggan oo dadka oo dhami ay uga caageen in ay degaan. "Walaal, soo adiga og in abeeso dad iyo xoolaba dhamaysay ku nooshay toggan, dadka oo dhami waa ay og yihiin in toggaas iyo deegaankiisu ay barwaaqo yihiin, laakiin illaa hadda cidi kuma’ay dhicin in ay xoolahooda iyo reerahooda dejiso” ayaa uu ku dooday ninkii diidanaa in toggaas ay u guuraan isaga iyo walaalkii.

Nasiib darro ninkii wuu ku dhegey go'aankiisii sidii ayaanu yeelay, oo toggii khatarta ahaa ayaa uu reerkii furay, laakiin intii aanu muddo badanba deggenayn abeesadii ayaa soo weerartay habeen oo dishay isagii. Ninkii hadhay aad ayuu uga murugooday waxa ku dhacay walaalkiisii keli ahaa ee uu cadawga ka dugsanayey. Waxa uu nidar ku maray in uu dagaal la galo abeesadaa si uu walaalkii ugu aaro, inta uu hub iyo wax kasta oo uu is yidhaahdo waad iskaga celin kartaa urursaday ayuu toggii geeliisii u raray. Markii ay abeesadii ka war heshay in uu ninkani dagaal u soo heensaystay diyaarna u yahay in uu dhinto ama uu dilo, ayaa inta ay u timid waxa ay ka dalbatay inuu la galo heshiis, ay wixii dambe ku nabad geliso, magna ka bixiso ninkii ay dishay, iyaduna kaga bad-baaddo aargoosigiisa. Abeesadii waxa ay ninkii u soo jeedisay, "Waxa aan kaa raalli gelinayaa dilkii walaalkaa, haddii aad I nabad gelisana waxa aan mag iyo samir siin kaaga dhigayaa in aan xoolahaaga u daayo baadka iyo biyaha kayntaa aniga la iiga caagay, adigana maalin kasta ku siiyo hal Shilin oo ah mag aan inta aan noolahay bixinayo” Ninkii waxa uu abeesadii weydiiyey in ay axdi adag ku qaaddo ballankaas iyana waa ay ka yeeshay. Isna dhankiisa waxa uu isku qanciyey in mar haddii aanu walaalkii dib u soo noqonayn uu iska qaato halkaa Shilin ee maalin kasta ah, isla markaana uu xoolihiisa ku haysto barwaaqadaa oo aanay abaar dambe is arkin, waxa uu abeesadii ballan adag ugu qaaday in uu isna dhankiisa ka dhawri doono axdiga. Ninkii waxa uu noqday maalqabeen, sidoo kale duunyadii ayaa u tarantay oo waxa uu ka mid noqday dadka deegaankiisa laga janto, toggiina kelidii ayaa xidhay oo cid kale uma uu ogolaan.

Maalin maalmaha ka mid ah oo uu firaaqo ahaa ayaa ay maskaxdiisu dib ugu soo celisay xusuusaha qoyskiisii waayo-waayo iyo sida ay walaalkii iyo waalidkii isu jeclaayeen. Waxa uu xusuustay walaalkiisii abeesadu dishay, kadib inta uu cadhooday iskuna qoomameeyey in uu walaalkii dhaafsaday xoolo iyo lacag ayuu go'aan ku gaadhay inuu wacadkii abeesada ka baxo, faash weyn inta uu soo qaatay ayuu la gaaday abeesadii oo iyaduna ammaan ku noolayd keynta. Abeesadii inta ay dareentay nabarka ku soo maqan ayaa ay god ka gashay, sidaas ayaanu faashkii kula waayey abeesadii uu la gaadayey.

Maalintiba waxa ay abeesadii ninkii ka goysay halkii Shilin ee magta ahaa. Kadib muddo ayaanu dib u arag abeesadii habeen kastana uu ku noolaa xaalad cabsi iyo is ilaalin ah. Markii uu maalmo naxdinta ku jiray hurdana aanu indho isku keenin, ayuu garawsaday in ay adag tahay inuu dilo abeesadii. Markii uu naftiisa talo kula noqdayna, waxaa u soo baxday laba daran middood oo ah; In uu ka guuro barwaaqadan aanu dib u heli Karin iyada oo kale iyo in inta uu abeesadii raadsado uu ka raalli geliyo falkiisii isla markaana uu ka daayo Shilinkii joogtada ahaa, iyaduna ay sidaas ku nabad geliso. Markii uu abeesadii muddo kadib helay una sheegay qorshihii uu doonayey waxa ay ugu jawaabtay, "Sideen kuu aaminaa iyada oo uu muuqdo raadkii Faashkaagu" sidaas ayaanay aakhirkii ku dishay isagiina