Korkadhayid Ku Ma Bogsado Milil Maxamed Xaaji Raabbi

0
1076

Wadahadalka Soomaalilaand iyo Soomaaliya waa waajib jid loo maro leh haddii aan laga maarmayn. Ucodayntii distoorka ayaa sharciyeysay gooni-isutaagga Soomaalilaand. Sifo sharci ah in ay kula dhaqanto Soomaaliya, waa waajib distoori ah.  Lajoojaa bannaan,  lajiifiyaan na bannaan, waxa ay minjooxaabinaysaa gooni-isutaagga sharciyaddiisa. Hawlaha dawladnimadeennu waxa ay noqonayaan, kolkaas, qalfoof.

Soomaaliya iyo Soomaalilaand labadu ba waa ay bukaan. Soomaalilaand aqoonsi ka ma ay helin weli bulshada adduunka. Soomaaliya na Gacan shisheeye ayaa ay gashay; dagaal sokeeye na waa dabray. Midho daray duuduub ha ku liqeen ku boksanmaayan

Talo nasteex waa wadahadal: mililku korkadhay ku ma bogsado. Dagaallada sokeeye ee Soomaaliya iyo Soomaalilaand saameeyey, marka lagu daro ku weli socda, malyuun qof ayaa ku dhintay, ku na barakacay. Hanti qarniyo la tabcayay na, waa ay ku burburtay.

Qiimaha wadahadalku waa meelsaaridda khasaarihii dhacay. Tusaale ahaan, haddii Laba wada dhashay mid ba kii kale lug iyo gacan gooyo, qirashada falkii sababay, waa magdhawga ugu fudud ee ay ku kala bogsan karaan. Qiimaynta khasaaraha oo lagu kala baxaan na,  waa magdhawga  ugu culus ee ay ku la nabdgeli karaan. Wada hadallada go’aannada ka soo baxaa na, waxa ay u baahan yihiin ansixin baarlamaan iyo ucodayn dadweyne.

Walaac weyn baa se jira. Soomaalida maanta, garnagsigoodu ma gebageboobo. Dibuheshiis na ka sii dhib badan. Dibuheshiisiintii Soomaaliya 17 kulan in ka badan ayaa lagu daalay; waa na ay  kidfantay.

Soomaali ahaan dhaqankeenna, waxa ku jira gaashaanbuur iyo baho. Siyaasiyiinteennu iyo madaxdhaqameedkeennu maanta awood ma u lee yihiin in ay ku hawlgalaan, midaw iyo kala bax ba, labada fikradood?

  Maxamed Xaaji Raabbi.