Kooxdee Ayuu Taageeraa Madax-waynaha Cusub Ee Maraykanka Donald Trump?

Published on Feb 09 2017 // Ciyaaro

_93844661_mediaitem93844660Madax-waynaha dhawaan loo dhaariyey Wadanka Maraykanka Donald Trump, ayaa ah shakhsi xiiseeya Guud ahaan Ciyaaraha, gaar ahaana kubada cagta, waxaanu taageeraa kooxo dhawra oo kala duwan kuwaas oo badankoodu kadhisan yihiin wadanka Maraykanka iyo Qaarada Yurub. Donald Trump iyo taageeristiisa kooxaha sportsku maaha mid daah kasaaran yahay dunnida badankeeda, waayo isaga qudhiisa ayaaba wakhtigiisii ololaha Madaxwaynaha khudbadihiisa kusoo qaatay dareenadiisa ku wajahnaa kooxaha uu sida wayn u taageero. Haddaba liiska kooxaha uu taageero ayaa gaadhaya ilaa 5 kooxood oo uu qaarkood inbadan kasoo qayb galay daawashada ciyaarahooga, balse waxa liiska koowaad ugu jirta kooxda reer England ee Arsenal taasi oo uu si toosa uga hadlay isaga oo olole ku jira sannadkii hore. “waxaan ahay taageeraha koowaad ee kooxda Arsenal, waxa dhacda in koox kastaa naga adkaato, waxaana masuul ka ah dhaawacaas tabobare Wenger” Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sidan yidhi, wakhtigii ololihiisii isagoo ku sugnaa gobolka North Carolina. Hadalkan ayaana fajac ku noqday dadka siyaasada falaanqeeya, waxaana qaarkood u arkayeen nin iska ciyaaaraya. Sidoo kale Trump waxa uu soo jeediyey in la badalo tabobaraha kooxda Arsenal Wenger Kaasoo ku guul daraystay inuu koobab badan u qaado kooxdaasi mudadii uu joogay, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi markale. “ninka Tobobaraha u ahi (Wenger) waxa uu u isticmaalaa kooxdan sidii hantidiisa oo kale, waxaana Arsenal noqotay mid koox kastaa ka adeegato markasta, uma baahna kooxdu Wenger, waxa uu ku fiican yahay inuu matalo aflaanta Holywood-ka ee Khaakhda (Horror Movies), Hadii ay Arsenal haysan Lacag ay ku bedesho ninkan anigaa diyaar u ah inaan bixiyo mushaharka tabobaraha cusub 50 sannadood ee soo socda”. Madaxwayne Trump kaliya Arsenal Taageere uma aha balse waxaa jira kooxo dhawra oo uu madaxwaynahani taageero kuwaasi oo ka dhisan cariga Maraykanka. Kooxaha kale ee reer Marykan ee Trump taageero waxaa kamid ah; kooxda New York Yankees, kooxda Philadelphia 76ers, kooxda New York Mets, kooxda Buffalo Bills Iyo kooxda New Jersey General

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!