Kooxda UN Monitoring Oo Indhahooda Ku Soo Jeediyay Masuuliyiin Somaliland Ah

0
537

Hargeysa(Geeska)-Kooxda daba-galka Qaramada Midoobay ee warbixinaha u diyaariya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa indhahooda ku soo jeediyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland.

1

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, kooxda UN Monitoring Group waxa ay baadhis ku hayaan sanduuqyada xisaabeed ee xubno ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Sida ay ilahani sheegeen kooxdani waxa ay baadhista koowaad ku hayaan lacagaha lagu kala qaatay heshiiska dekedda Berbera iyo DP world  inay ku dhaceen sanduuqyada xisaabeed ee dawladda Somaliland iyo in lagu wareejiyay meelo kale oo gaar ah.

Kooxdan ayaa emailo ay ku dalbanayaan kulamo ay la yeesheen ilaa afar masuul u soo diray, iyagoo ku wargeliyay qodobada ay doonayaan inay baadhaan ee uu golaha ammaanka Qaramada Midoobay u soo xil saaray.

Waxa kale oo ay baadhayaan dad ay sheegeen inaanay xukuumadda ka tirsanayn haddana lug weyn kul ahaa hirgelinta heshiiska dekedda Berbera iyo DP world.

Kooxdan oo ah koox awood badan oo ogolaansho ka haysata golaha ammaanka, ayaa sidoo kale waxa la sheegay inay la xidhiidheen dawladda Imaaraadka Carabta, si ay gacan uga gaysato baadhista ay ku hayaan dadka ay doonayaan.

Warbixinta kooxdan oo ah mid afartii biloodba mar soo baxda, ayaa la filayaa inay warbixintoodan soo saaraan bisha Oktoobar ee sannadkan.