Kooxda Manchester United Oo Iska Ceydhisay Tababare David Moyes & Ryan Giggs Oo Si Ku Meel Gaadh Ah Loogu Dhiibay

0
791

Picture1Ugu dambayn kooxda Man United ayaa xilka ka qaaday macalinkeedii David Moyes ka dib markii ay u adkaysan wayday marxaladda qadhaadh ee ay kooxdu xilli ciyaareedkan ku sugan tahay.

Wada hadalo weji ka weji ah oo ay yeesheen isaga iyo madaxda Man United ayaa lagu go’aamiyay in Moyes uu kursiga ka kaco. David Moyes ayaa xilkan hayay muddo 10 bilood  ah ka dib markii uu ku wareejiyay kursigan Sir Alex Ferguson. Dhanka kale halyeyga United Ryan Giggs ayaa u noqon doona tababare ku meel-gaadh ah kooxdii uu ku soo bar-baaray ee Man United afarta kulan ee ka hadhaay horyaalka.

Giggs Waa Markiisii ugu horaysay oo uu maamuli doono kooxda wuxuuna kulankiisa ugu horeeya Sabtida wajahi doonaa kooxda Norwich City iyadoo afartaas kulan ay qiimayn u noqon doonto suurta-galna ay tahay in shaqada kooxda loo daayo hadii loo arko inuu yahay shakhsi bad-baadin kara kooxda. Ryan Giggs oo 41-jir ah ayaa ku sugnaa kooxda Man United 24-sano wuxuuna heshiiskiisii ugu horeeyay u saxeexay isagoo 17-jir ah sannadkii 1990-kii.

Ryan Giggs ayaana laga sugi doonaa afarta kulan ee horyaalka Premier League ka hadhay iyo waxa uu kaga duwanaado macalinkii boorsadiisa banaanka loo dhigay  ee David Moyes.

 

w"; ?-a??????family:"Arial Narrow";mso-greek-font-family:"Arial Narrow"; mso-cyrillic-font-family:"Arial Narrow";mso-latinext-font-family:"Arial Narrow"; color:black;font-weight:bold;language:en-US;mso-ansi-language:en-US;mso-bidi-language: ar-QA'>1. Iska jir in aad xidhato dhar aan ku haboonayn kulankan oo kale. U Labbiso sida ugu xaragada badan ee haddana aanay ka muuqanayn ka badbadin iyo in aad ku talax  tagtay doorashada midabbada, kuna dadaal in aad u muuqato ruux nadaafaddiisu sarrayso, labbiska yaqaanna, haddana aanay kibir iyo ka bad-badini ka muuqan.

 

2. Iska ilaali beenta: Waxa aynu maraynaa waqti horumar weyn laga sameeyey aqoonta iyo ilbaxnimada dhinaca shaqooyinka, sidaa awgeed iska jir in aad ruuxa ku shaqaalaysiinayso u sheegato shaqo aanad aqoon badan u lahayn, ama in aad xirado badsato, gaar ahaan marka aad ka waramayso shaqooyinka aad hore u soo qabatay. Sidoo kale ha ka been sheegin waxbarashadaada, tababarrada aad soo qaadatay, shahaadooyinka aad haysato. Waxa aad ogaataa in beentu ay dhaqso u fashilanto, in indhahaaga beenta aad sheegayso laga akhrisan karo ama maalmo yar gudahood ay soo bixi doonto, haddii aad shaqadaa ku guulaysato, taasina ay kugu keento iyada oo lagu arko beenaale oo ixtiraamkii aad mudnayd hoos loo dhigo ama shaqadaada kalsoonida lagala noqdo. La soco…