Kooxda Kubada Cagta Asluubta Oo Maanta Safar Ciyaareed Ku Tegaysa Magaaladda Gebilay Lana Ciyaari Doonta Kooxda Baqdaadi

0
942

545454545

Kooxda kubada cagta heerka koowaad ee Asluubta ayaa Maanta safar ciyaareed ugu baqooli doona magaalada Gebilay, halkaas oo ay kula soo ciyaari doonaan kooxda Baqdaadi oo ah kooxda wakhti xaadirkan ugu fiican magaaladda Gebilay.

Kulankan oo ah kulan saaxiibtinimo ayaa kooxda Asluubtu ugu diyaar garoobaysa tartanka kooxaha heerka koowaad ee Caasimadda ee dhawaan la filayo inuu ka bilaabmo garoonka weyn ee Hargeisa Stadium. Kooxda Baqdaadi oo ah koox heerka koowaad ah ayaa waxaa u ciyaara ilaa 7 ciyaartoy oo xulka kubada cagta Gobollka Gebilay ah, waxaana la rajaynayaa inuu kulankan uu noqdo kulan adag oo labada kooxoodba ay ku soo bandhigi doonaan awoodooda kooxood.

Dhanka kale kulankan ayaa waxaa kooxda Asluubta u ciyaari doona Kabtanka xulka Gobollka Gebilay Cabdiraxmaan Dhay Lo’aad oo dhawaan kooxda Asluubta ku biiray, waxaana uu kulankani noqon doonaa kulankiisi ugu horeeyay ee uu u ciyaaro kooxda Asluubta sidoo kale isagoo ka hor-tegaya kooxdiisi hore.