Kooxda Duufaan Oo Qabatay Munaasibad Lagu Soo Gunaanaday Tartankii Lagu Xusayay Quule Aden Dool

0
896

Picture4Hargeysa (Geeska)-Tartankii Kubada Cagta ee loogu magaca daray ALLE SWT ha u naraxiiste Mujaahid Quule Aadan Dool, oo muddo ka socday Garoonka weyn ee Hargeysa  Stadium, ayaa Munaasibadii abaalmarinada lagu gudoonsiiyey Ciyaaryahanadii iyo kooxihii labadii kooxood ee kaalmaha hore galay lagu qabtay Emperial Hotel.  Kooxda Duufaan oo ka mid ah kooxaha kubadda cagta ee caasimadda Hargeysa ayaa soo qaban qaabisay munaasibada iyo tartankii la soo gunaanadayba.

Munaasibadan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha, Agaasime Waaxeedka Ciyaaraha ,  , Tababarayaal, Ciyaaryahano iyo Dadweyne aad u tiro badan.

Munaasibadan oo koobab lagu gudoonsiinayey kooxaha kala galay kaalmaha kowaad iyo labaad, ayaa ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Agaasimaha Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaanu sheegay inuu aad u soo dhaweeynayo Tartankan, waxaanu kooxda Duufaan uu uga mahadnaq sida ay isku xilqaantay ee ay u qabatay Tartankann.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha ayaa sidoo kale sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay Roog u dhigi lahaayeen Garoonka Kubada Cagta ee Hargeysa Stadium, waxaanu tilmaama in sida uu dhakhsaha badan ay u dhigi doonaan Rooga, si loogu qabto Tartano kala duwan oo dhinaca Ciyaaraha.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Maxamed Nuux Jibriil oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay kooxda Duufan, waxaanu uu ugu mahadnaqay Tartankan ay qabatay.

Sidoo kale waxa iyana halkaas ka hadlay Masuuliyiin aad u tiro badan oo bogaadiyey dadaalka Duufaan ay ku talaabsatay, waxaana ugu dambayntii Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil Munaasibadaas uu ku gudoonsiiyey Kooxda Ciyaaryahanadii ugu fiicnaa Tartankan, sida Ciyaaryahankii ugu ficnaa dhinaca Difaaca, Dhexda, Weerarka, Goolhayaha, iyo sidoo kale 11-Ciyaaryahan ee ugu fiicnaa Tartankan oo laga soo xulay dhammaan kooxihii Tartankan ka qeyb galay, waxaana sidoo kale Shahaado Sharaf la gudoonsiiyey Ciyaaryahankii ugu weynaa iyo kooxdii ugu akhlaaqda wanaagsan, waxa kale oo iyana Shahaado Sharaf la gudoonsiiyey Wargeyska Geeska Afrika iyo Hargeysa sports, oo si joogto ah Tartankan u baahinayey, waxa sidoo kale Koobka Labaad ee Tartankan la gudoonsiiyey kooxda Haboon Construction Company oo kaalinta labaad gashay, waxaana u gudoomay Kabtankeeda Xamse Duubaye, oo ka mid ah Ciyaaryahanada dalka ugu fiican, waxaana ugu dambeyntii  kooxda Barwaaqo Electronics la gudoonsiiyey Koobkii kowaad, waxaana u gudoomay Kabtankeeda Shanbidhiidho.