Kooxda Dawladda Hoose Oo Dirqi Kaga Badisay Wasaarada Ganacsiga, Iskana Xaadirisay Semi Finalka

0
1318

Kooxda heerka koowaad ee Dawlada Hoose Ee Hargeya ayaa u soo baxday semi-finalka koobaka kooxaha heerka koowaad ee caasimada, kadib markii ay guul cidhiidhiya ka gaadheen dhigooda ku ciyaarayey Wasaarada Ganacsiga. Ciyaartan ayaaana ahayd mid aad u adag, waxaana labada kooxood ba rabeen inay badiyaan maadama oo isreeb-reebkii koobka la galay. Haddaba kulankan ayaana wax goolal ah la iska dhalin qaybtii hore ee ciyaarta, ilaa ay gaadhaysay ciyaartu daqiiqadu 85 naad markaas oo kabtanka kooxda DHH ee Maxamed khaddar “Oday” uu goolka guusha u saxeexay kooxdiisa. Goolkaas oo ka dhigay inay DHH hesho guusha. Ciyaarta ayaana kusoo idlatay 1-0 halkaas oo kooxda DHH ay u soo baxday wareega Semi-Finalka koobka Isdhexgalka Dhalinyarada ee u dhexeeya Kooxaha Heerka koowaad. Kooxda DHH ayaana noqonaysa kooxda ugu horeysay ee u soo gudubta koobka Kooxaha Heerka koowaad, waxaanay sugi doonta sadexda kooxood ee soo wehelin doona.