Kooxda Barcelona Oo Habeenkii Xalay U Dabaal-degtay Kulankeedii 1000-aad Ee Ay Gegida Camp Nou Stadium Ku Ciyaaraan La Liga

0
1006

Picture1Kooxda Barcelona ayaa habeenkii Xalay u dabaal-degtay kulankeedii 1000-aad oo ay ku ciyaaran garoonka Camp Nou Stadium horyaalka oo qudha, ka dib 999-kulan oo ay ku ciyaareen tan iyo sannadii 1957-kii oo ah markii ay Barca u soo guurtay garoonkan aadka u weyn.

Camp Nou Stadium ayaaa lagu tiriya garoomada ugu weyn caalamka uguna baaxada weyn, dhanka kale  kooxda Barcelona ayaa ay u ahayd kulankii xalay oo wakhti dambe soo dhacay haday guul gaadho kulankoodii 1000-aad oo ay guul ku gaadhan Camp Nou tartamada oo idil. 999-kulan oo horyaalka La Liga ah ayaa ay Barelona ku ciyaartay garoonkeedan waxayna guul gaadhay 754-kulan, iyadoo barbaro gashay 1570kulan, halka ay 88-kulan laga badiyay, kulankoodii ugu horeeyay oo ay La Liga ku ciyaaraan Camp Nou ayaa ahaa October 1957-kii, waxayna 6-1 kaga adkaadeen kooxda Jaen. Kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda ku dhalisay 2524-gool, waxaana laga dhaliyay 776-gool tan iyo markii gegida Camp Nou la dhisay oo ah keliya horyaalka Spain. 999-ka kulan ee ay Barca guusha ku gaadhay dhamaan tartamada oo idil iyagoo ku ciyaaraya Camp Nou, Barca waxay dhalisay 3545-gool, waxaana laga dhaliyay 1138-gool.