Kooxda Al-Shabaab Oo Sheegtay In Lixdan Jir Norway Ka Yimid Isku Qarxiyay AMISOM Iyo Dawladda Norway Oo Ka Hadashay Ninkaas La Baahiyay

0
638

Picture8Muqdisho(Geeska)-Al-Shabaab ayaa baahisay in muwaadin Somali ah oo haysta dhalashada wadanka Norway uu ka mid ahaa rag toddobaadkan goor habeenimo ah isku qarxiyay hotel ku yaala magaalada Buule-burde ee Somaliya oo ay degenayeen saraakiil AMISOM ka tirsani.

Al-Shabaab waxay sheegtay in ninkaas magaciisu yahay Cabdilaahi Axmed Cabdale, oo ay da’adiisu tahay 60 jir. Hay’adda ammaanka Norway ee PST ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay inay baadhayaan warkan. “Guud ahaan waxaanu la soconaa kor u kaca tirada dadka Norway uga taga inay ku biiraan Midiinta Somaliya.” Sidaas waxa yidhi Siv Alsen oo ah afhayeenka hay’addan oo u waramay AFP.

Weerarkan ayaa lagu dilay saraakiil milatari oo uu ku jiray abaanduulihii ciidamada Somaliya ee qabsaday deegaanka Buule-burde.

Ninkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee da’adiisa ah ee fuliya fal is qarxin ah, waxaana hore qaraxyada u fulin jiray dhallinyaro.