Koobka Kubadda Cagta Ee Haweenka Oo Laga Reebay Gabdho Raganimo Looga Shakiyay

0
1111

 

naag waalatay dheXidhiidhka kubadda cagta ee dalka Equatorial Guinea ayaa laba gabdhood oo ciyaartoy ah ka eryey xulka qaranka ee dumarka, una diiday in ay dalkooda ku metelaan ciyaaraha koobka kubbadda cagta adduunka ee dumarka oo axaddii bishan June 2011-ka ka bilowday dalka Germany kadib markii looga shakiyey in ay rag yihiin. Sababta labadan hablood looga reebay ciyaaraha caalamiga ah ayaa lagu macneeyey in ay tahay iyada oo laga sii hor degayo in xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA uu labadan hablood u eryo isla sababtan. Labadan hablood oo walaalo ah magacyadooduna kala yihiin Salimata iyo Bilguisaoo ilma Simporeah, ayaa laga shakiyey dhedignimadooda dhabta ah, waxaana soo baxay tuhunno ah in ay yihiin laba nin oo ku dhex dhuumanaya hablahan ciyaartoyga xulka qaranka ah, labadan hablood waxa ay si caadi ah uga qayb galeen ciyaarihii kubadda cagta dumarka ee koobka qaaradda Afrika ee dhacay sannadihii 2008-da iyo 2010-ka. Laakiin waxa shakigan qarxiyey gabadha kabtanka u ah ahayd xulka kubadda cagta dumarka ee qaranka Ghana  Florence Okoeoo markii xulka dalka Equatorial Guinea uu ka badiyey xulka dalkeeda uga qayb galayey ciyaarihii koobkii kubadda cagta dumarka ee qaramada Afrika ee sannadkii 2008-da iyadu ku dooday in aanay labadan hablood ahayn caadi, “Labadaa ciyaartooy ee walaalaha ahi ma’aha hablo” ayaa ay tidhi Florence. Sidoo kale mid ka mid ah ciyaartoyga kubadda cagta ee dalka Ghana oo lagu magacaabo Diana ayaa iyaduna u markhaati furtay saaxiibaddeed, “Mar aanu isku dhacnay ciyaartu intii ay socotay, waxa aanu xaqiiqsannay in ay yihiin laba nin” ayaana ka mid ahaa hadalladeeda.

Ma’aha markii ugu horreysay ee xidhiidhka kubadda cagta ee dalka Equatorial Guinea loo soo jeediyo eedda ah in ay rag ku so dhex daraan xulka qaranka ee dumarka, koobkii kubadda cagta dumarka qaaradda Afrika ee sannadkii 2008-da oo lagu qabtay dalka Nigeria oo uu qaatay dalka Equatorial Guinea iyo koobkii qaramada Afrika ee isna sannadkii 2010-ka ka dhacay dalka Koonfur Afrika oo uu xulka Equatorial Guinea yimi heerka dhammaadka (Final) labada jeerba waxaa xulka dalkan looga shakiyey in labadan hablood oo ka tirsanaa ay yihiin wiilal ku dhex dhuumanaya, in kasta oo labada jeerba eedahaas uu si adag ganafka ugu dhuftay xidhiidhka kubadda cagta dalka Equatorial Guinea, laakiin markan xidhiidhku waxa uu go’aansaday in uu labadan hablood ka reebo ciyaarahan caalamiga ah, arrintaas oo sii kordhisay shakiga laga qabo jinsiga ay yihiin labadan ciyaartoy. Dalka Equatorial Guinea ayaa ka qayb galay wareegga furitaanka u ah ciyaaraha koobka adduunka ee dumarka ee dalka Germany, waxa aanay isku koox ku jiraan xulalka Norway, Brazil iyo Australia.

Dalka Jamhuuriyadda Equatorial Guinea oo dhaca badhtamaha Qaaradda Afrika, caasimaddiisu waa Malaba, waxa aanu ka mid yahay dalalka Afrika ugu dhulka iyo dadka yar. Sidoo kalana waa dalka labaad ee ugu yar dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey. Dalkani waxa uu xorriyaddiisa ka qaatay Spain oo gumaysan jirtay sannadkii 1968-kii, dalka ugu qanisan Afrika ee haddana dadkiisu boqolkiiba 70 ku nool yihiin xaalad faqri oo ka hoosaysa halbeegga faqriga ee caalamiga ah.