Koob Shaah Ah Oo Maalin Kasta La Cabbaa Waxa Uu Qofka Weyn Ka Ilaaliyaa Cudurka Keena Isku-Daashada Maskaxda

0
1120

Singapore (Geeska)- Shaah cabbistu waxa ay boqolkiiba 50 illaa 86 dadka waaweyn ka ilaalisaa in ay ka naafoobaan garashada, gaar ahaan dadka marka hore looga baqanayo in cudurka maskaxda burburiya ee Alzheimer ku uu hidde ahaan ugu dhaco. Sidaa waxaa lagu ogaaday cilmibaadhis uu hoggaaminayey khabiir lagu magacaabo Fing Lee oo Kaaliye Bare-sare ka ah qabta caafimaadka nafsiga ah ee kuliyadda Yong Lo Len ee caafimaadka oo hoos tagta jaamacadda Qaranka ee Singaboor.

Warbixin uu Geeska Afrika turjumay ayaa shabakadda cilmiga ee Science Dialy oo laga leeyahay dalka Maraykanku ay ku sheegtay in daraasad tijaabadeeda laga qaaday dad waayeel ah oo tiradoodu ka badan tahay 957 ruux oo u dhashay dalka Shiinaha da’dooduna u dhexeyso 55 sano iyo ka weyn ayaa lagu ogaaday in shaaha oo joogto loo cabbaa ay boqolkiiba 50 hoos u dhigto cabsida laga qabo in qofka weyn ay ku dhacaan xanuunnada garashada qofka burburiya, si gaar ahna dadka leh hidde sidaha sumaddiisu tahay “APOE e4” uu shaahu boqolkiiba 86 ka hortag u noqdo cudurkan.

Bare-sare Fin goo arrintan faahfaahinaya ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Shaahu waxa uu ka mid yahay cabbitaannada dunida oo dhan loogu isticmaalka badan yahay, daraasaddayadanina waxa ay muujisay in cabbitaankan aan kharashkiisu badnayn oo maalin kasta la cabbaa uu hoos u dhigo khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xaalado caafimaad darro oo dhinaca neerfayaasha ah, gaar ahaan marka ay da’diisu weynaato.

Waxtar waqtiga fog ah:

Fing waxa uu sheegay in faa’idooyinka caafimaad ee shaahu aanay intaas ku koobnayn balse sida oo kale laga helo waxtar uu ka mid yahay in shaahu uu jidh ololka iyo kaarka xaglaha ka hortago iyo in uu jidhka ka nadiifiyo sunta ka dhalata cuntada, waxaa iyaguna ku jira maaddooyin si weyn u caawiya caafimaadka maskaxda., gaar ahaan xididdada dhiigga oo ay ka ilaaliyaan in ay burburaan ama in xaaladda caafimaad ee neerfayaashu xumaato.