Komishanka Qaranka Ee Mihnadaha Caafimaadka Iyo Nidaamka Sharci Ee Uu Waajibaadkiisa U Maro

Published on Apr 10 2014 // Warar

Picture4… Sannadkii 2008dii ayaa la sameeyey dadaallo dib boodhka loogaga tumayey Komishanka Qaranka Qaran ee mihnadaha caafimaadka, dib u habayn badan iyo wax-ka-beddel iyo kaabis ayaana lagu sameeyey nidaamkii shaqo iyo maamul ee hay’adda, si loo yareeyo raadadka hagar daamooyinkii hore u dhacay, looga hortago in ay dib u soo noqdaan, isla markaana loogana faa’idaysto waayo-aragnimo ahaan. Muddadaas wixii ka dambeeyeyna Komishanku waxa uu si tallaabo-tallaabo ah u gudo galay waajibaadkii qaranku u qoondeeyey oo marba marka ka dambaysa samaynayey horumar iyo in hore loogu sii socdo qaybaha kala duwan ee shaqada u taalla, iyada oo aragtida uu ka duulayaa ay tahay in sharciga la waafajiyo mihnadaha caafimaadka laguna hago tubta sharciga ah, masuuliyiinta dejiya siyaasadaha caafimaadkana lagala shaqeeyo dejinta siyaasado rumaynaya in muwaadinku helo adeeg caafimaad oo gaadhsiisan heerkii loo baahnaa, iyo in shaqaalaha iyo guud ahaanba dadweynaha reer Somaliland la baro anshahaxa iyo macaamil-wanaagga looga baahan yahay mihnadlaha iyo xarunta caafimaad iyo dhammaan wax yaabaha la xidhiidha mihnadda caafimaad, taas oo uu Komishanku aaminsan yahay in ay ka qayb qaadanayso dadaalka la doonayo in kor loogu qaado heerka adeegga caafimaad ee guud ahaanba dalka.

Komishanka Qaranka ee mihnadaha caafimaadku waxa uu u igman yahay in uu sidoo kale tababarro siiyo dugsiyada iyo kulliyadaha caafimadka, iyo in uu hubiyo cid kasta oo mihnadda caafimaadku khusaysaa in ay si hab-sami ah u raacdo nidaamka loo jeexay. Aragtida Komishanka Qaran ee Mihnadaha caafimaadku waa in la dhowro lana hubiyo tayada caafimaad iyo badbaadada bulshada, taas oo ku imanaysa in jidka saxda ah lagu hago mihnadlayaasha caafimaadka iyo goobaha lagu bixiyo adeegyada, tababarka iyo aqoonta caafimaadka.

Awoodaha uu xeerku siiyey Komishanka Qaran ee Mihnadaha caafimaadka waxaa ka mid ah:

1. Komishanku waxa uu awood u leeyahay in uu galo goob kasta oo caafimaad, si ay hubiyaan in shaqadeeda iyo dhaqaalaheeduba waafaqsan yihiin xeerka mihnadaha caafimaadka.

2. In uu anshax mariyo hawl wadeennada iyo goobaha caafimaadka mid gaar ah iyo mid guud ahaaneedba, iyo Mihnadlayaasha caafimaadka, go’aanna ka gaadhi karo.

3. Komishanku waxa uu awood sharci u leeyahay ogolaanshiyo siinta iyo ka qaadista goobaha adeegyada wax-barashada iyo barnaamijyada caafimaadka bixiya.

4. Komishanku waxa uu awood sharci u leeyahay in uu laalo kulliyadda caafimaadku marka ay uu hubiyo in ay ka hoosayso heerkii looga baahnaa. Iyo in uu hubiyo in imtixaanaadka kulliyadaha caafimaadku yihiin kuwo gaadhsiisan heerkii tacliimeed ee looga baahnaa.

5. Inuu rukhsad siiyo, kalana noqon karo dhammaan Mihnadlayaasha caafimaadka isaga oo waafajinaya shuruucda u dejisan arrintaas.

6. Komishanku waxa uu qaranka uga masuul yahay ansixinta xuduudaha ay ka hawl-geli karaan Mihnadlayaasha caafimaadku.

7. Dabo-galka iyo dib-u-eegista heerka tayo ee diiwaan-galinta, rukhsad siinta, ku shaqysisga, tacliinta hab-dhaqanka mihnadlayaasha, joogtaynta hawlgudasho ku dhisan aqoon iyo karti iyo ilaalinta agabka adeegyada caafimaad.

Hab-raaca sharciga ah ee uu Komishanku u marayo diiwaan gelinta mihnadlaha caafimaadka waxaa ugu muhiimsan:

1. Mihanadle Kasta oo caafimaad oo doonaya inuu ka hawlgalo dalka waa in uu codsi u soo qortaa Komishanka.

2. Komishanka ayaa dersaaya codsigaas, heerka aqoonta Mihnadlaha, khibraddiisa iyo qalabka goobta caafimaad ee uu ka halwgelayo, si go’aan looga gaadho rukhsad siinta ama u diidista.

3. Mihnadlaha ku guulaysta in uu buuxiyo shuruudaha diiwaan-gelinta waxa loo ogolaanayaa in magaciisa lagu diiwaangeliyo lana siiyo rukhsad sannad kasta mar dib loo cusboonaysiinayo oo uu ku shaqaysto.

4. Qofka doonaya in loo diiwangeliyo goob caadimaad waxa uu Komishanka u soo qoranayaa codsiga diiwangelinta goobta uu doonayo, waxaana uu codsigaas ku soo lifaaqayaa magaciisa iyo magaca goobta.

5. Qof ama kooxi ma furan karaan goob caafimaad iyaga oo aan ogolaansho ka helin Komishanka Qaranka ee mihnadaha caafimaadka, islamarkaana qof ama kooxi ma furan karaan goob waxbarasho ama barnaamij waxabarasho caafimaad ilaa ay ogolaansho ka helaan Komishanka, oo dabcan ku eegi doona shuruudaha sharciga ah ee u dejisan.

Hab-raaca uu Komishanku u marayo Rukhsad siinta iyo diiwaan gelinta mihnadlaha caafimaadka ee ajaanibka ah waxaa ka mid ah:

– Dhakhtarka ama mihnadlaha caafimaad ee ajanebiga ahi waa in uu haysto shahaadooyinka caddaynaya aqoontiisa.

– Waa in uu rukhsad ansax ah ka haystaa dalka uu ka soo shaqeeyey.

– Dhakhtarka ama guud ahaanba mihnadlaha caafimaad ee ajanabi ah ee soo codsada rukhsadda diiwaan-gelinta Cusbitaal, goob bixinaysa adeeg caafimaad ama rug baadhista cudurrada samaysa, waa in uu ku xidhan yahay cusbitaal ama adeeg caafimaad oo uu aqoonsan yahay Komishanku lix bilood ka hor inta aanu codsiga rukhsadda diiwaan-gelinta soo qoran.

– Mihnadlaha ajnabiga ah waxa lagu diiwaangelin karaa marka uu buuxiyo shuruudaha sharciga ah ee uu Gudiddu u dhigay.

Tallaabooyinka anshax marinta ah ee uu sharcigu siinayo komishanka waxaa ka mid ah:

1. Qof kasta oo Mihnadle ah oo ku shaqaysta isaga oo aan wax rukhsad ah haysan ama si sharci darro ah u furta una bixiya adeeg waxabarasho isagoon ogolaansho ka haysan Komishanka, waxaa la marinayaa anshaxmarinahan soo socda:

– Qoraal Canaan ah.

– In laga joojiyo shaqada ama laga laalo goobta adeegga waxbarashada caafimaadka.

– Qof kasta oo galay fal halis gelinaya caafimaadka dadwaynaha waa in laga joojiyaa shaqada.

– Qof Kasta oo si badheedha ugu xadgudba qodob ka mid ah qodobbada xeerkan waxa laga joojinayaa shaqada.

– Waxaa anshax marinta Guddidu gaadhaysaa Mihnadle Kasta oo si badheedh ah u been abuura magac ama cinwaan si uu ugu shaqaysto Mihnad caafimaad ama isagoon diiwaangashanayn ku hawl gala Mihnad caafimaad.

– Qof Kasta oo bixiyey macluumaad been ah ama Gudidda ka qariyey xog mihiim ah si uu u helo rukhsad uu ku shaqaysto waxa laga joojinayaa shaqada.

– Komisanku waxa uu ka tirtirayaa diiwaanka Mihnadlaha isaga oo diiwaangashan ay maxkamadi ku xukuntay xukun ciqaabeed ka dhashay anshaxmarinta ku xusan xeerka.

– Waxa kale oo diiwaanka laga tirtirayaa Mihnadle Kasta oo lagu helo denbi dhaqan xumo Mihnadeed oo xooggan.

– Qofka laga tirtiro diiwaanka haddii goob caafimaad ahaan magaciisa loogu diiwaangeliyey, goobtaasi magaciisa kuma sii shaqayn karto.

Cidda sharcigu u ogol yahay in ay bixin karta talo caafimaad:

 

– Sida waafaqsan xeerka mihnadaha caafimaadka, qof aan ogolaanshiyo ka haysan Komishanka Qaranka ee mihnadaha caafimaadku ma bixin karo talo caafimaad, ma daweyn karo bukaan, mana sheegi karo nooca cudur ama xanuun ee qofka haya.

– Talo Kasta oo caafimaad ama daweynta uu bixiyo qof aan ogolaansho u haysan ama amarkiisa lagu bixiyey, masuuliyadda ka dhalata waxaa qaadaya qofkaas talada bixiyey ama dawaynta sameeyey. La soco qaybo kale oo muhiim ah…

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!