Komishanka Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Lix Qodob Oo Sababay Dib U Dhaca Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka

3
1125

Hargeysa(Geeska)-Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in aanay doorashada golayaasha baarlamaanka iyo deegaanku ku qabsoomayn wakhtigii loo qabtay kadib markii ay ka horyimaadeen lix caqabadood oo xal aan loo helin.

Waxa ay komishanka doorashooyinku sheegeen in loo baahan yahay in la xaliyo caqabadaha doorashada horyaala, waxaanay sidan ku sheegeen shir jaraa’id oo ay warbaahinta kula hadleen xafiiskooda.

Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hadlaayay lixda qodob ee doorashada dib u dhigay waxa uu yidhi, “Markii komishanka doorashadu uu diyaariyay dhamaan qorshe hawleedkii u yaalay waxa ka horyimi caqbado kuwaas oo isugu jiray kuwo sharci, kuwo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaaleba oo kala ahaa

1-Saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada taas oo aan ilaa hada laga gaadhin xal iyo heshiis midnaba

2-Xeerarkii diiwaangalinta iyo doorashooyinka oo udub dhaxaad u ah qabsoomida doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka ee isku sidkan oo ilaa hada aan la ansixin.

3-Diiwaangalintii codbixiyayaasha oo laf dhabar u ah qabsoomida doorasho oo sharciguna dhigaayo in doorasho kasta ka hor la sameeyo ama la qabto diiwaangalinta codbixiyayaasha oo aan inoo qabsoomin.

4-Xisbiga Waddani oo ku dhawaaqay bishii 3/2018-ka inuu joojiyay dhamaan wada shaqayntii ka dhaxaysay isaga iyo komishanka doorashooyinka qaranka taas oo caqbad ku noqotay shaqadii komishanka doorashooyinka.

5-Wada xaajoodkii u dhaxeeyay saddexda xisbi qaran oo iyagana ilaa hada wax xal ah ama isfaham ah laga gaadhin.

6-Miisaaniyadii lagu galaayay doorashadan isku sidkan ee inagu soo socota oo iyaduna aan wali dhamays tirnayn ama aanan wada haynin.

Caqabadahaasi waxay suurto gal ka dhigi waayeen  in komishanka doorashooyinka qaranku shaqadiisii qabsado, isla markaasna sidii qorshuhu uu ahaa uu dalka ka qabto doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka ee dhici lahaa 29/3/2019-ka.”

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaanu halkan ugu cadaynaynaa shacab weynaha Somaliland in aynu ku dhaqano xeerar, xeerka uu ku dhisan yahay Kimishanka doorashooyinka qarankuna waa xeer 20/2001 la soo saaray kaabisna lagu sameeyay 2017-ka, hadana golaha horyaala isaga oo aanu isku dhafid iyo kaabis  ku samaynay, kaas oo qod 9-aad faqradiisa 2-aad ay sheegayso in komishanka doorashiiyinku ay cayimaan wakhtiga doorashadu qabsoomayso 120 cisho ka hor wakhtiga loo asteeyay inay doorashadu dhacdo, madaxweynahana u gudbiyaan si uu ugu soo saaro digreeto rasmi ah mudo 15 cisho gudahood ah 29/3/2019, hadaba waxa uu komishanka doorashooyinka qaranku u baahan yahay inuu shaqeeyo hadii la xaliyo arimahaas ina horyaala toban bilood oo xidhiidh ah oo aan kala go’ lahayn ugu yaraan si ay u qabtaan doorasho marka la xaliyo caqabadaha ina horyaala, komishanku waxa uu cadaynayaa duruufahaas uu soo sheegay ee jira awgeed in doorashooyinkii golaha wakiilada iyo deegaanku aanay qabsoomayn wakhtigii loo cayimay oo ku beegan 29/3/2019, warqada aanu ku cayimayno waxa aanu sharciyan u gudbinaynaa maanta (Shalay) madaxweynaha JSL.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here