Khuraafaadka Maadayska U Eeg Ee Dadka Talyaanigu Ay Aaminsan Yihiin

0
827

Hargeysa (Geeska)- Akhriste ma’ og tahay in sawirka qof qoyskaaga ka mid ah oo aad sariirta dul saarto ay dadka Talyaanigu u arkaan saadaal xun? Geeska Afrika oo mar kasta u heellan qancinta akhristayaashiisu waxa uu maanta qormadan ku soo qaadanayaa qaar ka mid ah caadooyinka dadka qaar yaabka ama maadayska ku noqonaya balse dadka Talyaanigu aadka u qaddariyaan. Haddaba caadooyinkaas waxaa ka mid ah:

1. Jimce bishu 17 tahay: Haddii aad Soomaalida ka maqli jirtay baasaysiga arbaca bil u dambaysa, bal hadda qabso oo in maalin la baasaystaa waa arrin caado ka dhex ah bulshooyin badan, haba kala duwanaato taariikhdu ee. Inta badan ee bulshada reer galbeedku waxa ay baasaystaan jimcaha bishi 13 tahay, laakiin Talyaanigu iyagu Jimce kale ayaa ay leeyihiin, waa marka 17 ka bishu uu ku hagaago maalin Jimce ah.

Afka Roomaaniyiintii hore marka Toddoba iyo Toban la qoro macnaheedu waxa uu noqdaa erey u dhigma, “Waa aad soo noolayd” oo ah erey inta badan lagu dul qoro xabaalaha, iyada oo looga jeedo in qofka geeriyooday lagu tilmaamo in uu waqti fiican oo aan ciilkaambi lahayn noloshiisii ku soo qaatay. Maadaama oo ay sidaas tahay Talyaanigu ma jecla bil 17 ah, xitaa haddii aad maalintan oo kale weydiiso taariikhda cidi kuuma sheegayso, dadkuna in ay qoraan ma jecla.

2. Isku dhufashada koobabka: Inta badan dadka reer galbeed ee Kiristaanka ahi marka ay hawl ay guul u arkaan qabsadaan ama ay gelayaan hawl ay farxad ku og yihiin ama ay ku ducaysanayaanba in ay guul iyo farxad hawshoodu ku dhammaato, inta koob lagu shubo khamri ayaa ay labada ruux isku dhuftaan, waana ay dhacdaa in aan khamri lagu shubin ee biyo ama sharaab kale lagu shubo.

Laakiin dadka Talyaanigu ma jecla in koobabka la isku dhufanayaa ay noqdaan kuwo ay biyo ku jiraan, iyo in marka la isku dhufanayo dhudhumada gacmaha la isweydaarsado sida mararka qaar dhacda, gaar ahaan aroosyada. Sidoo kale waxa ay caado u ah in labada qof ee koobabka isku dhufanaya uu mid kastaa eego indhaha kan kale iyo in koobka inta aanu dhigin uu kabbado, haddii aanu sidaa yeelin, caadada Talyaani waxa ay aaminsan tahay in qofkaas ay ku dhacayso xaalad xanuun ah oo naafaysa awooddiisa jinsiga, muddo toddoba sano ahna ay awooddaasi ka maqnaanayso.

3.Iska jir tiirka laydhka: Ninka Talyaaniga ahi marka uu la socdo xaaskiisa ama jacaylkiisa, gaar ahaan Talyaaniiga deegaanada Koonfurta Talyaaniga, waxa uu iska ilaaliyaa in uu hoos maro tiirarka / Biraha xadhkaha korontadu maraan, sidoo kale dhinac keliya ayaa ay tahay in uu ka maro, haddii aanu sidaa yeelin waxa uu aaminsan yahay in xaaska ama jacaylka ay kala tegeyaan caashaqiina dhas dabayli qaadday noqonayo.

4. Hadyadda mindida ama shayga afka leh ah: Haddii qof uu mindi ama shay kale o oaf leh u hadyadeeyo qof Talyaani ah, waa in qofkaasi uu mindidaa ama shaygaas ku mudaa qofkii soo hadyadeeyey (Si aan nabar / xanuun ahayn), haddii kale waxa ay aaminsan yihiin in saaxiibtinimadii labada qof iyo jacaylkoodii go’ay abidna colaad iyo uur-ku-taallo ku kala maqnaanayaan.

5. Taallada qalloocda ee Pisa: Magaalada Pisa ee dalka Talyaaniga waxaa ka dhisan Taallo dhinac u yara jan-jeedha, taalladan oo kaniisad loo dhisay sannadkii 1173kii, ayaa markii la dhisay muddo gaaban kadib dhinac u ciirtay, laakiin ma’ay dumin ama khatar kale oo dumis ahi kama ay muuqan.

Haddaba ardayda Jaamacadaha ee dalka Talyaaniga ayaa aad uga taxaddara in ay fuulaan taalladan oo sallaan laga fuulo leh, waxa ay aaminsan yihiin in haddii sidaa yeelaan in aanay imtixaanka qalin-jabinta jaamacadda ku guulaysan karin.

6. Taabashada sanka: Haddii ninkaTalyaani erey uu yidhi mar, uu doonayo in uu isla ereygii mar kale ku celiyo, waxa uu ku qasban yahay in uu sanka is taabto, haddii kale uu erey kale oo la macno ah uun yidhaahdo oo aanu isla ereygaas hore ku celin. Waxa ay Talyaanigu aaminsan yihiin in qofka aan sidaa yeelin ay ku dhacayso dhibaato ah in aanu abidkii guursan.

7. Casho 13 qof ah: Haddii miis cunto ay isugu yimaaddaan dad tiradoodu tahay 13 qof, qofka Talyaaniga ahi waxa uu ku qasban yahayin uu qof 14 oo la cuna cuntada la raadiyo, haddii kale waa in uu mid iska tagaa si tiradu 12 u noqoto, sidaas oo la yeeli waayaa waxa ay horseedaysaa balaayo iyo masiibo aan loo dul lahaan karin.

8. Naxash madhan: Naxashka maydka lagu qaado oo madhani waxa uu khatar u yahayba in uu adiga geeri kuu horseedo oo adiga laguugu qaado, ayuu qofka Talyaaniga ahi aaminsan yahay, si uu balaayadaa uga dheeraado nin kasta oo arka naxas madhani waa in uu is-taabto xiniinyaha, gabadhuna waa in ay naaskeeda taabato, sidaas ayuun baa ah sida keliya ee uu nasiib wanaag ku rajaysan karo.