Khudrado Ka Hortag U Noqon Karta Xanuunnada Gulukoomada, Caadka Iyo Xanuunnada Aragga Dila

0
1025

Berlin (Geeska)- Dallada ‘Aragga habboon’ ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay in hab nololeed caafimaad qaba oo qofku uu raacaa ay daryeel u tahay caafimaadka indhaha, gaar ahaan ka hortagga cudurrada aragga qaada ee ay ka mid yihiin Gulukoomada (Glaucoma), Caadka (Cataract) iyo shabakadda aragga oo dhimata (Macular degeneration).

Daraasad ay dalladani samaysay ayaa caddaysay in caado ka dhigashada cuntooyinka caafimaadka u fiican, oo ay ka mid yihiin badarka noocyadiisa, khudradda noocyadeeda iyo kalluunku ay u fiican yihiin caafimaadka indhaha.

Daraasaddu waxa ay sheegtay in khudradda cagaaran, sida koostada iyo barakooliga, ay ku jiraan maaddooyin shabakadda aragga ka ilaaliya bukaanka iyo burburka, halka khudradaha ay ka mid yihiin, Kaabashka iyo baytaraafku (Kaaroot) ay u fiican yihiin in ay dejiyaan caabbiga gudaha ee isha, taasina ay xakamayso khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka Guluukoomadu (Glaucoma).

Dhinaca kalana waxa ay daraasaddu caddaysay in sigaar nuugistu ay khatar ku tahay caafimaadka aragga, maadaama oo uu dhaawac gaadhsiiyo dareenwadaha aragga, sidaas awgeed qof kasta oo balwadda sigaar nuugista leh waxaa la gudboon in uu sigaarka iska daayo, isaga oo u danaynaya caafimaadka indhihiisa.

Joogtaynta jimicsiga ayaa isaguna kaalin muhiim ah ka qaata caafimaadka indhaha.

Ugu dambayntii Jimciyaddan ‘Arag fiican’ ee dalka Jarmalku waa ay ku talisay in bootarrada iyo walxaha kale ee wejiga lagu dhalaaliyo (Make Up), aan muddo lagu deyn wejiga ee sida ugu dhaqsaha badan la isaga maydho, si aanay u sababin in ay xidhmaan qanjidhada ilmada keena, taas oo sababaysa in uu xanuunsado baadadka induhu xaalkoodu haddii uu sii xumaadana ay gaadhi karto in qofka uu ku dhaco cudurka ingagga indhuhu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here