Khudbadihii Cali Khaliif, Faysal Cali Waraabe Iyo Sacad Cali Shire Ee Saxeexa

0
694

Hargeysa(Geeska)-Madaxda siyaasadeed ee Somaliland iyo Khaatumo ayaa shalay khudbado ka jeediyay munaasibad ay dawladda Somaliland iyo maamulka Khaatumo ku kala saxeexdeen heshiis shan qodob ka kooban.

Dr. Cali Khaliif Galaydh, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Dr. Sacad Cali Shire ayaa halkaas ka jeediyay khudbado dhammaantood soo dhaweeyay heshiiskaas.

Dr. Cali Khaliif Galaydh

Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa hadalkiisa ku yidhi "Somaliland iyada ayaa danteed  mooday inay Khaatumo la hadlaan anagana waa muran ma doonto oo dastuurkayaga ayay ku taalaa inaanu wada hadal iyo nabad raadino oo anagu aanu ku wada noolaano oo dariskayaga kula noolaano, Geeska Afrikana nabadaas laga wada raadiyo, bilow fiican ayaanu maraynaa wada-hadaladanina muddo ayay soo socdeen, waa run markii hore in laysbarto wakhti ayay qaadatay iyada oo qof waliba waxii uu meesha la yimi ku dhagenyahay ayay haddana dhexmartay saaxiibtinimo iyo niyad sami, waa intaas oo dadkii oo dhan lawada-gaadhsiiyaa, anagu hadaanu Khaatumo nahay waa run oo nabadna waanu rabnaa wadankan uu Ingiriisku xukumi jiray ee aad magacii idinku hadda la wareegteen ileen waa la wada lahaaye, dawlada Somaliland kamaanu mid noqon haddana sida ay tahay kama mid noqonayno waxaanuse diyaar u nahay taas aanu haddaba meesha u wada fadhino in laga wada hadlo, arimo siyaasi ah ayaa laysku hayaa oo xal siyaasi ah ayaa loo baahan yahay, ku dhiirasho iyo hoggaamin ayaa loo baahan yahay,dadkani dad laysku khasbayo oo laysku tolaayo maaha, colaado way dhaceen oo soo jireen ayayba ahaayeen intan aad imika dawlada noqoteen ee aad noo dawladayseen ee ciidamada aad yeelateen ee milatariga  iyo baybayga aad noola soo baxdeen intii ka horaysay waa lays layn jiray waxa laysku laayana waa la yaqaanay oo waa laga heshiin jiray. Arrintani waa mid culus umad dhan aayaheedii,mustaqbalkeedii iyo taariikhdeediiba waa tahay in laga doodo, anagu diyaar ayaanu u nahay Allena waxaanu ka baryaynaa in caqligeedii iyo xigmadeedii aanu umaddan ugu horseedi lahayn nabad ku wada noolaansho iyo wax wada yeelasho iyo sinaan iyo cadaalad, anagu cidna marti u noqon mayno cidna magan u noqon mayno ciddii filaysa in hoosta nala galinayay cidna marti u noqon mayno laakiin ama si cad ayaynu ku binaynaynaa waxaynu wada leenahay ama si cad ayaynu ku kala tagaynaa, waxayna hadda u eegtahay in si cad lagu heshiin doono, bilow fiicana waan maraynaa."

Faysal Cali Waraabe

Hoggaamiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa isna yidhi  "Waxan aanu rabnay ee ay reer Khaatumo rabeen waxa weeye Somaliland la wada leeyahay oo dadku uu u simanyahay oo dadku sharci iyo wax qabadba uu u siman yahay, laba arimood waa ay soo baxeen inagu hadaynu nahay reer Somaliland Sool iyo Sanaag iyo dhulkaba waa la wada degaa meel ay reer gaar ahi gaar u daganyihiin horta ma jirto inagu waxaynu nahay beelo isku qasan oo wada degen dhulkii uu Ingiriisku uu ilaalin jiray, qodobka kale waxa weeye in aan dowladnimo lagu gaadhayn in beel kaliyaati ay wada qaadato waxii lawada lahaa iyadana qaranimo laguma gaadhayo, dawladnimadu maaha in jilib jilib loo qaato dawladnimada, dawladnimadu waxa weeye in dadka oo dhan ay wada gaadhaan tacliinta,biyaha oo loo sinaado weeye, markaas darajooyinkii layska buurtay dhulka ayaa la dhigayaa, waxa jira qaar codkooda aan la maqlinba oo hadana dalka xaq ku leh,Khaatumo waxay ahayd daaqad banaan oo Somaliland xumaanteeda laga soo gali lahaa kaadh laynagu dili karay ayay ahayd Alle khayar ha siiyee daaqadii waa ay naga soo xidheen,Somaliland haddii uu jilib ka maqan yahay dawladnimadeedna iyo ictiraafkeena helimayno, naxariis iyo raxmad heli mayno haddii aynaan isku calool fayoobayn, geedigani nabad ayuu inuugu dhamaan doonaa."

Dr. Sacad Cali Shire

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isagu heshiiska u saxeexay dawladda Somaliland ayaa yidhi "Waxaynu isugu nimi inaan halkan ku kala saxeexano Khaatumo iyo Somaliland heshiis aad iyo aad u muhiim ah oo masiiri ah oo insha alllaahu inoo horseedi doona reer Somaliland ahaan nabada aynu ku naaloonayno barwaaqo, wadajir iyo midnimo, shirkani waxa uu qayb ka yahay shirar hore oo labada gudi ka socdaa ay hore ugu kulmeen Addis Ababa iyo Jabuuti ujeedaduna waxa weeye sidii loo gaadhi lahaa  ee loo soo afjari lahaa isfaham la'aanta ka jirta qaybo ka mid ah Somaliland dhexdeeda, arinkaas runtii waxaan jeclahay inaan halkan uga mahadnaqo siday uga dhabar adaygeen ee ay ugu adkaysteen ee go'aamada geesinimada leh ay u qaateen gudiyadii labada geesood ee ka qaybgalay,waxaan si gaar ah u xusi lahaa Prof.Cali Khaliif, Guddoomiyaha, dhankana waxaan xusi lahaa Faysal Cali Waraabe, Maxamed Daahir iyo Maxamed Kaahin, runtii aad iyo aad ayay u mahadsanyihiin, waxaanu wada dareensanahay culayska arinka aynu ka wadahadalnay kana heshiinay waxii halkaas ka soo baxayna waxay saamaynayaan umaddeena maanta iyo ta bariba ."