Khubaro Ku Dhaadhacay Gudaha Ceelka Samsamka Iyo Arrimaha Ka Yaabiyey Ee Ay Kaga Soo Warrameen

0
938

1Makah (Geeska)- Ceelka Samsamka oo taariikhdiiisa dadka badankiisu ka dheregsan yahay waxa uu ku yaallaa Xaramka Barakaysan ee Makah, waxa aanu 20 Mitir oo keliya u jira Kacbada sharafta leh, qiyaaso lagu sameeyey heerka biyo soo saar ee ceelkan oo biyo lahaa tan iyo xilligii Nebi Ibraahim (CSW) waxaa lagu ogaaday in uu halkii ilbidhiqsi soo saaro 18 Litir, iyo in guntiisa hoose ay qodan tahay 30 Mitir.

Warbixin lagu daabacay wargeyska maalinlaha ah ee Al-Wasat oo ka soo baxa dalka Baxrayn ayaa lagu sheegay in koox khubaro ahi ay dhowaan ku dhaadhaceen gudaha ceelka barakaysan ee Samsamka si ay bal hadda si cilmiya uga soo warramaan tirada ilaha biyood ee ceelkan ku furan, mucjisada koowaad ee ay kooxdani la kulantay waxa ay noqotay in markii ay gudaha ceelka galeenba ay shaqayn wayday saacaddii jiheeyaha ahayd ee ay doonayeen in ay ku kala xaddidaan jihooyinka gudaha ceelka marka ay galaan. Saacaddii waa la beddelay dhowr jeer, laakiin mid kasta oo la keeno oo bannaanka marka lagu tijaabiyo shaqaynaysaa, marka gudaha la galo ayaa ay shaqada joojinaysay, taas oo aakhirkii sababta in ay fashilanto hawshoodii koowad ee ahayd calaamadinta jihooyinka ay ilaha biyuhu ceelka ka soo galaan.

Khubarada oo aan weli quusan ayaa la yimid kamarado aad u casriya oo duuba muuqaalka gudaha ceelka bal si ay u baadhaan waxa sababay in jiheeyuhu ku shaqayn waayo gudaha ceelka, waxaa khubaradii yaab ku noqotay qalabka iyo alaabooyin tiro badan oo ay ka heleen gudaha ceelka, iyaga oo adeegsanaya Ogsajiin ayaanay hoos ugu dhaadhaceen biyaha ceelka fadhiya guntooda hoose, waxaa mar kale khubaradii ka yaabiyey oo ay gunta ugu tageen, weelal naadir ah oo aan hore loogu arag aataarta dunida, lacago la garan waayey taariikhdooda, iyo qalab kale oo ay ka mid yihiin dhagxaanta qaaliga ah oo inta magac dad lagu dul xardhay ceelka guntiisa lagu riday, sida muuqata ummado hore ayaa ceelkan ku guray qalabkan iyo dhagaxaantan laakiin lama garanayo sababta ay sidaa u yeeli jireen.

Wargeyska kale ee Al-Misriyuun oo isna qoray warkan Geeska Afrika turjumay ayaa sheegay in mid ka mid ah masuuliyiintii waday hawshan ay khubarada aataartu ugu dhaadhaceen ceelka hoostiisu uu sheegay in 50 Sentimitir oo kasta oo ay gaadhaanba ay dib u celinaysay taariikh 50 sano ah, aakhirkiina xogta ay heleen ay tahay; in ceelku uu hoos toos ugu qodan yahay, guntiisa ugu hoosaysaana ay u leexato dhinaca kacbada, iyada oo qaybtaas baydhaana ay gebi ahaanteedba tahay dhagaxaan godad yaryar shaandho ku noqdeen. Waxa aana u muuqatay in qaybtaasi ay tahay sida qayb kayd biyood ah oo ay biyaha Samsamku ku ururaan, laakiin qaadkeedku inta uu le’eg yahay aanay cidi garan karin.

Arrinta intaasba ka sii yaabka badan ayaa ah in markii kooxda khubarada ahi ay ku dhaadhaceen hoosta biyaha ceelkan, ee ay ka soo qaadeen saamballo ay baadhaan, gaar ahaan biyaha qaybta dhinaca kacbada ka imanaysa ay shaybaadhkii ku ogaadeen in aanay lahayn haba yaraato ee nooc kasta oo ah bakteeriyada aalaaba biyaha caadiga ah ku jirta.