Khubarada Oo Dadka Kombiyuutarka Isticmaala Kula Talisay In La Masaxo Faylasha Aan La Isticmaalin

0
764

Picture10Berlin (Geeska)- Aqoonyahanno u dhashay dalka Jarmalka oo ku xeeldheer cilmiga Kombiyuutarrada ayaa kula taliyey dadka isticmaala Kombiyuutarku inay mar kasta ku dadaalaan in Kombiyuutarkooda ay ka nadiifiyaan Faylasha aanay isticmaalin. Waxa ay khubaradu sheegeen in tani ay qayb libaax ka qaadan doonto kor u qaadista xaawaraha Kombiyuutarka iyo tayada shaqadiisa. Waxa kale oo ay khubaradani sheegeen in faylashan aan la isticmaalin ay gabbood u noqon karaan Virus-yada marka dambe burburiya kombiyuutarka. In kasa oo ay jiraan barnaamijyo loogu talo galay in ay Kombiyuutarka ka sifeeyaan Faylasha aan la isticmaalayn, haddana waxa ay khubaradu ka digeen in barnaamijyadaas qudhoodu dhibaato ku keeni karaan habsami u shaqaynta kombiyuutarka. Sidaa awgeed sida ugu habbooni ay tahay in uu qofku gacantiisa iskaga masaxo faylasha aan shaqada u qaban. Waxa kale oo ay khubaradani sheegeen in sababaha kale ee Kombiyuutarka ku keena culayska ay ka mid tahay qofka oo faylasha iyo Dhokumentiyada uu gashanayo aan kala habayn ee si toos ah uun ugu uruiya Hard Disk-kiga.  Yaruslav Simsec oo ah khabiir aqoondheer u leh Kombiyuutarrada isla markaana ka tirsan xarunta ilaalinta tayada ee magaalada Hanford ayaa sheegay in Kombiyuutarka ay waqti badan ku qaadanayso inuu soo xasuusto faylasha aan sida habaysan loogu kala xafidin loona samayn Folders nidaamsan.

Ugu dambayntii waxa ay khubaradu ku talinayaan sida ugu fiican ee qofku kombiyuutarkiisa uga ilaashan karo culaysku ay tahay in aanu kombiyuutarka ku shubin barnaamij aanu isticmaalayn. Taas oo keeni karta in haddii uu ku shubo kadib hadhow damco inuu ka masaxo uu barnaamijkaasi faylal aan faa'ido lahayn kaga tago kombiyuutarka.