Khilaafkii Wakiiladu Wuxuu Dhammaaday Iyadoon Cidina Sanka Caano Ka Keenin

0
622

Shalay waxa si rasmi ah u soo afjarmay khilaafaadkii iyo muranadii siyaasadeed iyo sharci ee ka taagnaa golaha wakiilada Somaliland.

Khilaafka oo saamayn ku yeeshay amniga guud ee Somaliland islamarkaana bulshada ka dhex abuuray muran iyo is qabqabsi, wuxuu gaadhay heer aanay gaadhi jirin khilaafyadii hore uga dhici jiray goleyaashii wakiilada ee dalka soo maray, waxaanay dadka qaar ku masaaleen inuu la mid ahaa khilaafkii golaha wakiilada ka dhacay sannadkii 1995, kaas oo aakhirkii sababay in xilka laga qaado guddoomiyihii wakhtigaas ee golaah wakiilada Md. Axmed Cabdi Xaabsade, oo cadhadii uu qaaday ka haajiray Somaliland, inkastoo uu wakhtigan ka mid yahay odayaasha Somaliland.

Hase yeeshe khilaafkan golaha wakiilada, waxa damiyay golaha guurtida oo uu hormuud u yahay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ah oday ruug cadaa ah oo jira 117 sannadood. Golaha guurtidu waxay khilaafkii golaha wakiilada ku soo gunaanadeen xaalad ah inay cid waliba guulaysatay, waxaanay labadii dhinac ee is hayay dhinac walba siiyeen qodob uu ku nafisay. Si kale haddii loo dhigo waa qaaciida loo yaqaano [win-win situation) oo ah inay cid wailba isu aragto inay guulaysatay amaba uu dhinac waliba ku qanco go’aanka la gaadhay oo uu dantiisa ka dhex arkay.

Markase laga tago go’aamada la gaadhay, khilaafkii golaha wakiilada waxa la xaliyay iyadoo  aanay jirin cid caano sanka ka keentay balse uu dhinca waliba farxad iyo qalbi furan ku qaabilay go’aamada golaha guurtida oo uu gole weynuhuna u sacabo tumay.