Khilaafkii u dhexeeyay baanka iyo wasaaradda maaliyadda oo maalintii saddexxaad galay

0
657

Hargeysa(Geeska)-Khilaafka ka dhex bilaabmay wasaaraddbanka maaliyadda iyo Baanka dhexe, ayaa u muuqda inuu maalintii saddexaad galay, iyadoo aanay labada dhinac gaadhin wax is afgarad ah oo ay ku soo celinayaan wada shaqayntii ka  dhaxaysay oo qaranka muhiim u ah.

Wasaaradda maaliyadda ayaa gebi ahaanba mamnuucday inay lacagaheeda  dhigato baanka dhexe, taas bedelkeedna waxa la sheegayaa inay ku keydisay xarumaha kastamada dalka.Si rasmi ah looma garanayo halka uu salka ku hayo khilaafka labada hay’adood, laakiin waxa jira warar sheegaya inay labada hay’adood isku haystaan dhinac wada shaqaynta. Wararka qaarkood ayaa sheegaya inay muranka keentay lacag badan oo uu Baanka dhexe ku leeyahay wasaaradda maaliyad, taas oo uu ka dalbaday inay lacagtaas daynta ah iska soo xareeyaan inta aanay qaadan lacag kale oo dayn ah. Warar kalena waxay sheegayaan in wasaaradda maaliyadu Baanka dhexe ku saluugtay qaabkii uu u maamulay suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee Hargeysa.

Laakiin, marka laga tago sababaha khilaafkooda keenay, waxa xaqiiq ah in murankooda iyo wada shaqayn la’aantoodu ay saamayn toos ah ku yeelanayso dhaqaalaha dalka. Tusaale ahaan wasaaradda maaliyadda oo ah hay’adda baanka dhexe dhigata lacagta ugu badan, waxa go’aanka ay qaadatay ee ah inaanay lacagaha dhiganin sababi karaa in Baanka dhexe uu waayo dakhligii ay ahayd inuu yeesho, taas oo meesha ka saari karta awoodda uu ku leeyahay la socoshada sarrifka suuqa, waxaana wiiqmaya xilka koowaad ee Baanka saaran oo ah inuu ka shaqeeyo oo uu ilaaliyo xasiloonida sarifka, maadaama oo uu u baahanyahay lacag xadigeedu badanyahay.

Dhinaca wasaaradda maaliyadda, dhibaatooyinka uu murankani ku keeni karo waxa ka mid ah, inaanay wasaaradda maaliyadu isku qaban karin ururinta lacagta, kaydinteeda iyo bixinteedaba, taas oo xataa haddii ay isku qabataba meesha ka saaraysa isku dheeli tirnaanta hay’adaha, maadaama oo ay kala duwanyihiin dadka lacagta soo ururiya iyo kuwa bixiyaa.

Si kastaba ha ahaate, murankan oo ah markii u horaysay taariikhda Somaliland ee sidan oo kale isu seegaan labadan hay’adood, waxa ay sii socoshadiisu dalka ku keenaysaa dhibaatooyin dhaqaale, waxaana loo baahanyahay in si deg deg ah loo xaliyo khilaafkan.