Khilaafka Qoysaska Reer Yurub Boqolkiiba 91 Waxa Uu Ka Bilowdaa Gacan Ku Haynta Rimuutka Talefishanka

0
891

Picture9London (Geeska)- Ikhtiraaci Rimuut-ku waxa uu ahaa qalabkii ugu horreeyey ee meel fog wax ka maamula ee bani'aadamku sameeyo. Ku dhowaad 65 sano ka hor ayaa ay ahayd markii dadku uu ka nastay in talafishanka iyo qalab kalaba uu u dhowaado si uu gacanta ula gaadho batamada laga maamulo, waxa aanu xaalku noqday in qof kastaa isaga oo aan dhib arag uu si fudud u awooday inuu maamulo TV-giisa ama qalabo kale oo badan. Laakiin wanaagga iyo hawl fududaynta qalabkan waxa xididdada u siibay dhib uu la soo dhowaan baxay oo ah inuu noqday shayga ugu kicinta badan acsaabta lammaanayaasha is qaba, waxaanu sababaa muranno mararka qaarkood gaadhaa in qoysku kala tago.

Rayi ururin ay samaysay shirkad lagu magacaabo Logitech oo ka shaqaysa samaynta qalabka korontada ku shaqeeya oo uu ka mid yahay Remuutka ayaa waxaa ka soo baxay in boqolkiiba 91 ka mid ah qoysaska reer yurub ay ugu yaraan intii ay wada joogeen hal mar ku murmeen ama si adag isugu khilaafeen gacan ku haynta iyo maamulidda rimuutka. Muddadii daraasaddan la waday waxa baadhitaan dhamaystiran lagu sameeyey 2500 oo qoys oo ka soo kala jeeda dalalka kala duwan ee midawga Yurub, waxa la weydiinayeyna waxa ay ahayd rayiga ay ka qabaan cidda ay tahay in ay maamusho Rimuutka Talefishanka marka guriga lagu daawanayo. Boqolkiiba 12 ka mid ah dadki wax la weydiiyey ayaa sheegay in ay ka cabanayaan digtaatooriyad ku jirta guriga marka ay noqoto cidda ay tahay inay gacanta ku hayso Rimuutka talefishanka. Boqolkiiba 9 ka mid ah dadkii wax la weydiiyey ayaa sheegay in ay balwad u noqotay jacaylka ay u qabaan inay mar walba iyagu mamulaan gacantana ku hayaan Rimuutka.

Dadka waxa la weydiiyey waxa ay badankoodu isku waafaqeen in miskhilad badani ka dhalato daawashada barnaamijyada iyo filimada kala duwan ee ka socda Talefishanka, maadaama oo uu qof waliba xiisaynayo mid u gaar ah, ama uu taxane gaar ah la socdo, taasina ay keento khilaaf ka dhasha cidda gacanta ku haynaysa Rimuutka. Natiijada sahamintani waxa ay caddaysay in boqolkiiba 72 ka mid ah Lammaanayaasha reer yurub ay si adag isugu khilaafaan maamulista Rimuutka. Boqolkiiba 12 ka mid ah ayaana cadho ka dhalatay gacan ku haynta Rimuutka darteed daaqadda uga tuuray ama gidaar ku dhuftay Rimuutka. Boqolkiiba 7 ka mid ah Lammaanayaashan ayaa iyaguna markii ay isu gacan qaadeen isu adeegsaday Rimuutka oo ah ka uu khilaafkoodu marka hore ka dhashay. Waxa xusid mudan in shirkadda Panasonic ay shaaca ka qaaday inay ku guulaysatay samaynta Rimuut ka samaysan walax aan dhib keenayn haddii qofka lagu dhufto, sida ay shirkaddu sheegtayna waxa ay sidan u sameeyeen markii ay ogaadeen in lammaanayaal badani marka ay isku khilaafaan maamulidda Rimuutka ay isku dhuftaan. Inta badan dumarka reer yurub ayaa raggooda kaga cawda inay ku dhegaan Rimuutka, gaar ahaan marka ay akhbaarta ama ciyaaraha kubaddda cagtu socdaan.