Khilaafaadka Masuuliyiinta Xukuumada Oo Sii Xoogaystay Iyo Aamusnaanta Madaxweynaha

0
707

Picture5Hargeysa(Geeska)-Khilaafyada u dhexeeya waaxyaha xukuumadda Somaliland ayaa u muuqda inay isa soo tarayaan, waxaana banaanka u soo baxaya is-mariwaaga ka dhexeeya masuuliyiinta xafiisyada isaga hoosaysa.

Khilaafyadan ayaa inta badan u dhexeeya wasiirada, wasiir xigeenada iyo agaasimayaasha guud. Tusaale ahaan bil ka hor waxa si kor xaadis ah lagu xaliyay khilaaf u dhexeeyay wasiirka kalluumaysiga iyo agaasimihiisa guud oo si ba’an iskugu maandhaafay hawlaha maamulka xafiiska, waxaanu murankoodu gaadhay in wasiirku agaasimaha guud ka joojiyo shaqada, inkastoo markii dambe la xaliyay.

Toddobaadkana, wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo cilmi baadhista Md. Aaden Axmed Warsame ayaa shaqadii ka joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradaas. Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay shaqo ka joojinta agaasimaha guud, waxase la malayn karaa inuu la xidhiidho dhinaca maamulka iyo awoodda.

Labadan agaasime ee shaqada laga joojiyay waxa ka horeeyay laba agaasime guud oo iyagana shaqada laga joojiyay, waxa kale oo iyaguna jira masuuliyiin kale oo uu is qabqabsi noocan ahi ka dhexeeyo balse aanu murankoodu banaanka u soo bixin.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa March 2010, wakhtigii uu mucaaradka ahaa la xasuustii sidii uu madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ugu cambaareeyay khilaaf maamul oo wakhtigaas dhex maray wasiirkii caafimaadka Cabdi Haybe iyo agaasimihiisii guud Anwar Maxamed, isagoo Axmed Siilaanyo, khilaafkaas ku tilmaamay mid curyaaminaya dawladda oo muujinaya sida ay xukuumadda Daahir Rayaale u kala socoto. Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ayaa khilaafkaas uu Axmed Siilaanyo wakhtigaas ku dhalilay wuxuu kaga jawaabay isku shaandhayn uu ku sameeyay xubno ka mid ah golihiisii wasiirada, gaar ahaan kuwa uu muranku dhex maray. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo ayaa la eegayaa bal sida uu u xaliyo khilaafaadka xukuumadiisa ka dhex jira oo u muuqda inay soo noq-noqonayaan.