Khilaaf Ka Dhex Taagan Golaha Deegaanka Burco Iyo Eedaha Labada Dhinac

0
714

Burco(Geeska)-Qaar ka mid ah Golaha Degaanka Degmada Burco ayaa eedayn u jeediyay Maayarka Iyo ku xigeenka Burco waxaanay ku eedeeyeen inay wadaan kal qaybin iyo musq maasuq sidoo kale waxay ku dhaliileen inay wado hore loo ansixiyay ay ku bedelayaan wado kale .xildhibaanadan oo ka koobnaa shan xildhibaan ayaa waxay sidaas ku sheegeen shir jaraa,id oo ku qabteen Magaalada Burco. Xildhibaan Farxaan Cabdi Aw Xirsi oo shirkaas Jaraai,d ka hadlay ayaa yidhi' hada wax yar ka hor ayuu maayarku isagoo aan wax qoraal ah na siinin wax aanu soo akhrinayna aanu jirin yidhi kalfagadhi baa jira,waxaan doonayaa buu yidhi wadadii baarsiigo ee naga xumaatay  ayaa lagu badalyaa wado aanu bixnay oo qanadaraaskeedii la qaatay kalfadhigaa ma yeelayno baanu ku nidhi oo wado wad loo baabi'yo ma doonayno,wadadaas la leeyahay ala bedelo waa wadada ugu baahida badan " Sidaasi ayuu Xildhibaanku yidhi. Mida kale Xildhibaan Cabdirisaaq Aaar oo isna Ka  mid ah xildhibaanada eedaynta maayarka u jeediyay ayaa yidhi. ''Maayarka iyo xildhibaanda la socdaa waxan ay wadaan waa qayral sharci waxaanay doonayaan inay golaha jiidhsiiyaan,Golaha waxanu ku fadhinay laba iyo toban Xildhibaan waanu kasoo baxnay sideed baa ku hadhay ma buuxo kalfadhigu,wixii goluhu ansixyo ayay fulintu qabanaysaa wadooyinkana horaanu u ansixinay,mooshinkii aanu xilka kaga qadi lahayna meel fiican buu noo marayaa inay is casilaan way diideen insha allaah kalfadhi baanu kaga Takhalusaynaa ,maayarka iyo ku xgeenku waxay sameeyeen musuqmaasuq iyo qabyaalad cadaan ah ,xeerkaa dhigaya in xilka halkay taagan yihiin lagaga qaado hadii ay kala qaybin iyo musuqmaasuq sameeyaan, mida kale dayn badan baa la leeyahay hantidii qarankaa la iibinayaa. Waxa kale oo ka mid ahaa Xildhibaanadda ka horyimi Qorshaha Maayirka iyo Ku xigeenkiisa Xildhibaan Cabdirisaaq  Xuseen faarax ,waxaaney dhamaantood ku tilmaameen in ay labada Masuul ee ugu sareeya Golaha Deegaanka Burco in ay talaabo ka qaadayaan sharciga waafaqsan. Geesta kale Mayaarka Dawladda Hoose ee Burco Maxmed Muraad ayaa isna ka warbixiyay Kalfadhi ay qabteen isaga iyo Xildhibaanadda taageersan waxaanu yidhi: " Dad umadu soo doratay baanu nahay waxaanu ku khasbanay dadku waxay doonayaan,wadaanu samaynay wadadaasi waxaanu ugu talo galay inay dadka wax tarto,wadadii farsamadeedeii baa wax ka yar kharibmeen,waxaau haynay lacag aanu iska kaashanayanay Dawlada hoose ahaan ,dawlada dhexe GPLG ga si aanu ugu jawaabno dadka cabatinkeeda iyo foolxumada ay roobabkii ay ku keeneen,waxaanu isu qiyaasnay lacagta yar ee aanu hayno inaanu waxoogay qabo ah ku dhigno iyo in aanu taas dhamaystiro oo hagaajino,markaas Goluhu maanta [shalay] waxa uu cod aqlabiyad ah u ansixiyay in wadadaas gaha ee baarsiigo ka baxda in dib loocasriyeeyo oo la hagaajiyo ,Xildhibaanadan kale-na  waxaa leeyahay goluhu fikirka wuu ku kala duwanaan karaa,laakiin in markiiba saxaafada la tago maaha " Sidaasi ayuu Maayirku yidhi.
Golaha Deegaanka Burco ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa ka dhex aloosnaa Khilaaf qaroweyn oo sababay in ay laba garab u kala jabaan, ,waxaana jira Garab Mooshin ka dhan ah Maayirka iyo Maayir ku xigeenka wada ,si ay xilka uga qaadaan ,isla markaana mudooyinkii u danbeeyay eedo Musuqmaasuq ujeedinaayay. Waxaana khilaafkani ka dhashay 11-goobood oo ay Maayirka iyo Maayir Ku xigeenka Burco ay Waraaqo ay ku iibiyaan u samaysteen kuwaasi oo ay ka mid yihiin Garoonka Kubadda Kolayga Burco iyo Dugsiga Womens-clubka ,oo hada iibkoodii fashilmay .