Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasiirka Jidadka Iyo Maareeyaha Waddooyinka Oo Ku Saabsan Magacaabis Iyo Xil Ka Qaadis

175
6570

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka horumarinta gaadiidka iyo jidadka Cabdillaahi Abokor Cismaan iyo maareeyaha wakaalada horumarinta waddooyinka Cismaan Sheekh Cabdi, ayaa si adag isugu maandhaafsan jago uu magacaabay maareeyaha waddooyinku.

Maareeyaha wakaaladda waddooyinka Cismaan Sheekh Cabdi, ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii waaxda maamulka iyo lacagta ee wakaaladda waddooyinka Siciid Jaamac Cali, waxaanu xilkaas u magacaabay Cabdillaahi Sheekh.Maxamed Axmed.  Laakiin wasiirka horumarinta gaadiidka iyo jidadka Cabdillaahi Abokor ayaa si adag uga horyimid xil ka qaadista iyo magacaabista uu sameeyay maareeyaha hay’adda waddooyinku, waxaanu warqad uu u gudbiyay maareeyaha ogaysiina uu siiyay madaxweynaha oo banaanka u soo baxday uu Wasiir Abokor ku sheegay inaanu maareeyuhu awood sharci u lahayn xil ka qaadista iyo magacaabista uu sameeyay. Waxaanu Wasiir Abokor warqadiisaas ku sheegay inuu buriyay go’aankaas maareeyaha waddooyinku ku sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis.

Khilaafkan labada masuul oo banaanka u soo baxay ayaa u muuqda mid dhaawici kara nidaamka dawladnimo haddii uu sii socdo, waxaana warar soo baxay ay sheegayaan in khilaafkooda iyo murankoodu gaadhay Madaxweyne Biixi oo go’aan ka qaadan doona doodda sharciyeed ee labadaas masuul.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here